Halkan ka aqriso Q1aad haddaadan arag.
Baraarug bulshow oo baro waxaad tahay Q2AAD! W/Q: C/salaan Macallin CabdullahI
(2)
Waxii ka dhacay Soomaaliya ee dil, dooxid, dhac, gumeysi, burbur iyo kala qeybin bulsho iyo dhuleedba in loo saariyo, laguna eedeeyo shisheeye iyo cadowga Soomaaliya ku muuqda iyo ku qarsoonba waa gef weyn, oo waliba lama dhaafaan ah, Soomaalidu si ay bulshooyinka dhigeeda ee horumarey, nolosha wacana heysta ay u gaarto amaba ay u dhaafto, waa iney ka harto ayna tufto aragtida wahsida iyo qalbijabka ku qotonta ee ah waddanku wuxuu ka dagi la`yahay faragalin shisheeye.
Dowladdaha dariska ah iyo cadowga Soomaaliyeed, waayo aragtidaasi mar waa gardarro mutuxan, marna waa doqonimo; Mar waa gardarro oo dad danahooda qabsadey ayey ku dhaliileysaa kuna heysataa iney danahooda qabsadaan, waxaan kaga gol leeyahay; Dowladdaha iyo dadyowga shisheeye haddii ay danahooda ka arkaan iney Soomaaliya gumeystaan, gumaadaan, kala qeybiyaan, isku diraan, sidaa hadii ay dantooda dhaqaale, siyaasadeed…IWM ay ka arkaan wey ku saxanyihiine kumana gafsana, qofkii la yaaba ama ku dhaliila unbaa gafsan gardaranna, Soomaalidana waxaa la gudboon iney waxa shisheeyuhu la damacsanyahay oo hagardaamo ah inuu san u dhaga nuglaan ee uu gaashaanka u daruuro, kuna tala galo sidii uu danihiisa u difaacan lahaa, ka dibna uu u qorsheyn lahaa in Dowladdaha iyo dadyowga shisheeye danihiisa uga dhammeysan lahaa. Mar kalena waa doqonimo oo markii masuuliyadii na saarneyd aan dayacney, ee aan shisheeye ku garab istaagney, siinayna fursad uu nagu gumeysto, nagu gumaado, nagu kala qeybiyo ayaan kusii darsaney inaan dad kale u saarinno dulligeenii. bal aan tusaale usoo qaaddano tuducyo ka mid ah maansadii Ambaqaad ee uu curiyey Cabdiraxiin Hilowle Galayr.
Maansada Ambaqaad.
- Intaad arrinkaaga
- Ergooyin u dhiibto
- Afkaagu ka sheexo
- Inaad ku caddayso
- Aqoonta naftaada
- Inaad ku adeegto
- Haddaad asalkaaga
- Awoow dhaxalkiisa
- U ooddo gumayste
- Ahaato allaabo
- Afkuun ka hadlaysa
- Awoodna lahaynin
- Haddaad isticmaarka
- Arboow u taqaana
- Adoonsi wax fiican
- Illoowdo dantaada
- Aboor ku cunaaya
- Haddaad u abqaasho
- Abuur iyo geedo
- Haddaad aynigaaga
- Asaaga filkaaga
- Abeed u ahaato!
- Haddaad ururkooda
- Ushaada u dhiibto
- Adaa is dilaayee
- Ha eersan adduun
- Ugaabi naftaada
- La jiif urugtaada
- Afkaaga ka dhawro
- Cidbaa I ataagtay
“ Cabdiraxiin Hilowle galayr”
(3)
Qodobkaan waxaan kusoo qaadayaa arrin kale oo iyana in baraarugeeda iyo wacyigeeda la yeeshaahi aan lama dhaafaan u arko; waa kheyraadka dalka, dharaar kasta waxaa dhagaheenna ku soo dhaca dhawaqyo xusaya kheyraadka dalka Soomaaliya, dhawaqyada qaarkood waxey ku faanayaan kheyraadkaas ey leeyihiin wuxuu dhex yuuraraa dalka, waxey soo hadal qaadaan qeybo ka mid ah kheyraadka kiisa qarsoon, halka qaar kalana ay isla arrintaas ayagoo adkeynaya ay kusii daraan; meel heblo waxaa ceegaaga kheyraad ceynkaas ah, sidaa owgeedna waa in la lasoo baxaa, ayadoo shirkado shisheeye lala kaashanayo. Aniguse waxaan u arkaa in oraahdaasi tahay mid aan meel heysan, oo aan laga fiirsan, intaanan u galin sababta, aan ku hor maro kheyraadka dalka guud ahaan waxa loola jeedo. kheyraadku wuxuu u qeybsamaa laba qeybood;
- Mid muuqda iyo mid daahsoon, kan muuqda waxaa kamid ah Baddaha, Webbiyada iyo noole biyoodka, dhul beereedka iyo Dalagga kasoo go`a, Duurka iyo duur joogta, xoolaha la dhaqdo, Dhirta iyo miraheeda, Xabagta, Dhagxaanta qiimaha weyn leh, marinada dhaqaale ee si heer caalami ah loo adeegsado..IWM,
- Kheyraadka kiisa qarsoonina waa midka ku jira dhulka ama baddaha ee aan muuqan, una baahan in la baaro, haddii la helona soo saarid iyo sifeyn usii baahanaya, waxaana kamid ah Macdanta, Batroolka, Gaaska, saliidda, birta…IWM.
Hadaba kheyraadka kiisa qarsoon in xilligaan la joogo lagu faano, lana dhiira galiyo baaristiisa iyo soo saarkiisaba; waxey iila muuqataa inaaney habbooneyn oo ay tahay mid aan meelna heysan, sababtuna waa:
A– Inta badan xogta ku saabsan kheyraadka dalka ee qarsoon ma ahan mid dhabteeda ay Soomaalidu heyso, ee waa malo iyo mala`awaal, waxaa la cuskadaahi waa xog aan waxa ka run ah la ogeyn oo ay shirkado shisheeye xiliyo kala duwan bixiyeen, jaadadka kheyraadka daahsoon, meelaha lagu tilmaamo inuu ku jiro iyo mugga kheyraadkaasi inta uu la egyahayba ma ahan wax dhabteeda iyo xogteeda rasmiga ahba ay Soomaalidu heyso.
B– Soomaaliya joogtadaan taag iyo tabar toona uma lahan in ay ogaato kheyraadkaas dhabtiisa, sidoo kalena itaal umaheyso soo saaristiisa hadiiba la ogaado meelaha uu ku jiro.
C- Soomaaliya malahan Dowlad dalka oo idil hanatey oo uu gacanteeda ku jiro, maareynta kheyraadkana awood u leh.
D– Soomaliya uma diyaarsana dhaqaale ay ku howl galiso xeeldheera yaal iyo cilmi-baarayaal Soomaali ah, si ay xogta rasmiga ah Soomalida gacanteeda ugu jirto marka hore, si marka xigta ay ciddi ay rabto ula kaashato, sidoo kale qalabka lagama maarmaanka u ah baaristaas iyo waliba xeel dheerayaal shisheeye qarashkii lagu soo kireyn lahaa ma diyaarsana.
E– Shirkaddaha shisheeye ee howshoodu tahay baarista, soo saarista iyo sifeynta kheyraadka qarsoon igu soo orod ma ahan sida dad badani u heystaan, waa shirkaddo in tooda badani ay 50 gu` iyo ka badan jira, waxey heystaan xeeldheerayaal iyo cilmi-baarayaal dhankasta ah, sidoo kale qalab iyo agab intii loo baahdo ah, waxey yaqaanaan sida dalalka loo xaalufiyo si nabad galyo ah, waxey ku dheereeyaan marin habaabinta iyo ilduufsiinta, sidaa waxey ku sameeyaan Dowladdo waa weyn oo dad ruug caddaa ahi majaraha u hayaan, kuwa yaryarse biyo uma kabadaan oo ayaga waxaa ku filan in ay heshiiska ay la galayaan wixii ay doonaan ku qortaan bes, Shirkaddahaas mid kamid ah ayaa heysata hanti u dhiganta dhaqaalaha dhowr Dowladood oo dunida sadexaad ka mid ah; haddaba Shirkaddaha ceynkaas ah in joogtadaan dalka lagu fasaxaahi ma danbaa,ayadoon la helin Dowlad xoogaa itaal ah leh, dalkana ka wada arrimisa oo wax uun ka ceymisa?! maya dan iyo dow toona ma ahan, ee aan ku kheyraad la`aanno.
F– Ugu danbeyntii yaanan wareeg dheer idin galine, aan idinku iraahdo Af muggii: soo saarista kheyraadka daahsoon; haddaan Soomaali nahay umaba baahnin haddadaan la joogo!! Waayo umaba diyaarsanin, waxaaba suura gala in is-qabqabsi horleh iyo dagaal uu keeno oo lagu heshiin waayo, sida dhulkaas baaxadda weyn iyo Dowladnimaba loogu ladi waayey, sidaa owgeed waxaan qabaa kheyraadka kiisa muuqda ee aan tusaalihiisa kor ku xusey inuu nagu filanyahay joogtadaan, uuna barqo dharag yahay, inta aan ka dhisaneyno xukuumad hanata dalka oo idil, maareynna karta kheyraadka dalka, aana ka gaareyno maamul wanaag.
Oraahdeyda waxaan ku soo afmeerayaa:
Bulsho waliba inta uu baraarugeedu iyo wacyigoodu ku simanyahay, ayaa hana-qaadkeeda iyo huru-markeeduna la egyahay. haddii bulshadu ku baraarugi weydo danteeda oo aysan gacmaha is qabsan waxay ku sifoobaysaa, qoladii uu ka hadlay, AUN Abwaan Jimcaale dhegataag wuxuu yiri:
- Dullibaa ku dhaca duul haddey, War iska diidaane
- Duqaydiyo waxaay caasiyaan, Duubabkiyo shiiqe
- Dibadday wareegaan markii, Darar la maalaaye
- Duul kalaana soo dega halkay, Dan u lahaayeene
Shirib
- Qolo Haddey Is quursadaan
- Qolyo kalay Qoryo u guraan!!
“Abwaan Jimcaale Dhegataag”
W/Q: C/salaan Macallin Cabdullahi.
Email: isalaan2@hotmail.com
Facebook: Bashaar macalin.