Baraarugga dhallinyarada sii bullaalaya W/Q: Anfac Abdulahi Mohamed

unnamed

Baraarugga dhallinyarada sii bullaalaya.

Sida aan wada ogsoonahay dhallinyaradu waa laf-dhabarka ummadi leedahay waana kaydka dhabta ah ee ay haysato habboonna in sifiican looga faa’iidaysto.Mujtamac waliba oo dunida Guudkeeda saarani horumarkiisa iyo mustaqbalkoodaba waxaa uu ku xiranyahay dhaLlinyradooda,  haddii sifiican loo barbaariyo loona jiheeyo wadadda horumarka iyo guusha loo raaco waxa uu mujtamacaasi noqonaya kadhisan, xag maskaxeed iyo xag tamareedba.

Waqtiga qofku dhallinyarada yahay, waa xiliga uu ugu awoodda badanyahay, uuna awooddo inuu wax walba qabto, waxuuna leeyahay xamaasad iyo firfircooni ku dhiira galineysa isku howlidda wax walba, marka haddii sifiican lo toosiyo, awoodda dhallinyarada waxaa lagu gaari karaa haddii loo diyaar garoobo guulo badan.

Sida aan wada ogsoonahay muddo ka badAn 25 sanno, dalkeenu waxuu cagaha ku la jiray dhiiqada dagaal sokeeyo iyo qalalaasooyin shisheeye gadaal ka riixayo. gef iyo gurrac bandanna dhaliyey. Waxaana mudadaas luntay waddo waliba oo lagu toosi karay, hormarinta awoodda maskaxeed ee jiilkii markaa so koraya iyo habkii looga badbaadin lahaa holaca iyo halaska colaadaha dalka la degay.Waxaa loo istimcaali jiray dhallinyarada holcinta iyo hurinta colaadaha, halka kuwii markaa dhashayna lagu ababiyay qabyaalad iyo is haybsoocca midba midka kale, waxa ayna kusoo aruurtay awooddii dhallinyarada, mid hadba sidii la rabo laga yeelo oo ay adeegsadaan qabqablayashii uu u dhaxeeyay dagaalkii sokeeye ee dalka ka jiray.

Dhallintii xiligaa ku dhexdhashay dagaalladii sokeeye kuna barbaaray ee aan arag macaanka iyo micnaha ay kufadhiyeen qaranka, calanka iyo waddaninimadaba waxa ay u qeybsameen kuwo tahriiba oo badaha ku le’da, kuwo xabbadi disho iyo qaar ilaa haatan ku xabisan jiilal ka caalamka, iyo kuwo tira yar oo lahaa rajooyin iyo himmilo dheer, oo ka fayoobaa, aafooyinkii qabiilka iyo qabyaaladda, kuwaas oo isu howli jiray sidii waxbarasho u heli lahaayeen, una badbaadin lahaayen, dadkooda iyo dalkooda figta buurta ka sii dhacaya, ayagoo wajihi jiray daruufo adag oo marar ku qasbayay in ay ka niyad jabaan yoolkooda, haddana ma quusan jirin oo waxa ay lahaayee nhami adag.Waxaanse daah ku daboolnayn in dhallinyaradaasi gaareen qeybo hadaf koodii ka mid ah, ayna sanadyadaan danbe sii badanayaan, dhallinyarada isku howlaysa helidda dad iyo dal fayow,oo u hammuun qaba yegleelidda qaran SOOMAALIYEED.

Dadka Alle abuuray, isku garasho iyo garaad ba ma ahan, oo qof waliba si ayuu wax u arkaa. Wiil iyo gabar kastaaba, waxa ay u halgamayaan inta garaadkoodu la egyahay, balse hadafka la wada hiigsanayaa uu yahay halmeel, oo ah diilinta u wada muuqata ee lagu tartamayo.Haddii hal meel loo wada socda , ma habboona in qofba qofka kale wadaddii uu maray uu ku mashquulo, ee waa in lagu wada mashquulaa sidii lo gaari halka la wada hiigsanayo ee ah Soomaali siman oo leh qaran toosan .

Dhallinyarada manta, way ka fiyoobi iyo figradba wanaagsanyihiin sidii ay ahaayeen sanado hore. Waxa ay kobac horumarineed ka sameeyaan dhanwaliba oo noloshu ku qurxoonaan karto sida; waxbarashada, dhaqaalaha, iyo fahamka waddo walbo oo guusha ay u mari lahaayeen.Waxaa la joogaa xiligii aan baraarugi laheyn oo aan so muujin laheyn awoodda nagu jirta, waxayna maanta dhalinyaradeenu cagta saareysaa waddadii badbaadada iyo ka qeyb qaadashada dib-udhiska dalka ay u dhasheen.Ififaalaha nabadeed ee muuqda, waxaa sabab u ah dhismaha maskaxeed ee dhallinyarada, ee xowliga kusocda. Waayo dalku waxuu dhismi karaa markii dhallintiisu dhisantahay.(Waddan fayoobi waxuu leeyahay dhalin fayoow).

Qofkii doonaya in howshiisu noqoto mid ujeeddo iyo hiigsi sare leh wa in uu cilmi yeesho, kaas oo isugu jira mid Diini iyo aduunyaba, waayo qof jaahil ahi noloshiisa hadaf iyo ujeedo midna ma leh waxaana taa ka qaadanaynaa Qur’aanka kariimka ah illaahay markuu damcay, inuu Aadam ka dhigo khaliifkii arlada, waxuu siiyay cilmi kaaso aan xitaa Malaa’igtu aqoon, taasna Aadam ka dhigtay khaliifkii arlada.

AnNagoo taas ka tusaale iyo tilmaan qaadanayna, waxaa muuqata baraarug xagga cilmiga iyo macaan ka barashadu leedahay oo sii saa’idaysa iyo soo if baxa dhallinyaro leh xirfado hoggaamineed oo wanaagasan horumarna la hanaqaadeysa lehna hal ujeeddo oo ah humaagga muuqaal qaranimo oo meel fog kaga muuqda, ayna isku dayayaan in ay xusul duub iyo dadaal ku gaaraan.

Jiilka naga danbayn doona si uu u gurto miraha geedka qaranimo ee aan beeritaankiisa hadda ku jirno waa in aan isku howlnaa, in aan tusaale u noqono, Sida ay inaga tusaale iyo hiigsiba inoogu yihiin dhalinyaro Soomaaliyeed oo qabtay , howl aysan qof kale oo Soomaali ah oo qabtay (XORNIMADA DALKA iyo SYL), waayo Soomaalidu waxa ay ku maah-maah daa (RATIGA YAR, RATIGA WEYN RAADKIISA AYUU RAACAA.)

Ugudanbayntii ififaalaha horumarka iyo sii kobaca cilmiga ee dhallinyarada maanta la hanaqaadeyso waxa uu tusaale u yahay raadiska iyo jaceylka sii kordhaya ee an u qabno qaranimada iyo dowladnimada aanan macaansan balse aan jeclaysaneeno in aanu ku beerno Soomaalida danbe oo aan u noqono kuwa dhaxal la xusuusto, ka taga taasina waxa aan ku gaari karnaa in aa tuurno heeryada qabyaladda, ee asaageen naga reebtay iskana ilowno damacca aduunyo ee odayaasha maanta majaraha noo haya marin hababiyay, siduu abwaan Nageeye Ali kuyiri

  • Dirham iyo hadii dollar iyo dahab lasoo xaadho
  • Dilaalnimo hadii la igu dayo amase doolaalo
  • Dunidaba dhamaanteed haddii darejo la isiiyo
  • Damacaygu wuu dhaafsanyahay duunye iyo maale
  • Danta guud nin lagu aaminoo door ah ban ahaye
  • Iska doodi maayee runtaan ku dul marayaaye
  • Qarankeeni dumay baan u ahay raacdo lo diraye
  • Waxba daasad ha ii tumina waan diiday reernimo e

Waxba yaanan hafine hadalkee, waxaan urajaynaa dhallinyarada Soomaaliyeed, meel walba oo ay joogaan in ay noqdaan kuwa fikirka qaranimo mideeya, waxaana ku boorinayaa wadajirka iyo is walaalaysiga waayo in aad kaligaa guul gaarto waxaa ka farxad badan in aad wadajir u gaartaan markaas ayaad si wacan u dareemeysaa macaanka iswaheshiga iyo Soomaalinimada.Hadalkayga ugu danbeeyaa waa:

  • Ama waynu guulaysan oo libinta waan gaari
  • Ama geeri sharaf leh baynu dhiman gocasho waceebe

 

W/Q: Anfac Abdulahi Mohamed

SHEEKOOYIN