Barako ma ku jirtaa?! W/D: Nasra Maxamad Axmad

15782376_10208280241100223_2002004537_n

Barako ma ku jirtaa?!

 

Qisadan waxay ka hadlaysaa, u baarri noqoshada waalidka, waxayna dhacday waqti hore.

Ninba wuxuu dhalay afar wiil. Wuu xanunsaday ninkii. Wiilashiisii mid ka mida, ayaa yiri; yaa baxnaaninayo odaga oo hadhowna aan dhaxlayn geeridiisa ka dib? Seddexdii kale waxay la yimaden cudurdaarro.

Odagii wuu geeriyoday. Wiilkii sakaradiyay odaga dhaxalkii muusan qadan, seddexdii ka laa dhaxlay. Habeen ayuu inankii riyo ku arkay aabbihii wuxuuna abbihii ku yiri wiilkisii; beri meel heblo tag, oo ka soo qado 100 Dirham.

Wiilkii wuxuu ku yiri; barako ma la jirtaa?

Umuusan jawaabin odagii wiilkiisa. Waagii markuu barayey ayuu xaaskiisa u sheegay riyadii xalay uu arkay. Waxay ku tiri; noo soo qaad, waan u baahannahaye, laakiin, wuu diiday.

Habeenkii labaad siduu hore ayay is ku dhaafsadeen hadalka, oo uu riyo ku arkay; barako ma ku jirta? Maya ayuu ku yiri odagii. Sidii oo kale ayay xaaskiisu ku tiri; barako inaan u baahannahy ayaa noogu filan, ee noo doon, laakiin ma oggolaan, oo sida maalintii hore ayuu is ka diiday.

Habeenkii seddexaad ayuu riyadii ku arkay aabbihii, wuxuuna ku yiri; halkaas (1) Dirham berri soo qado. Wuxuu ku yiri; barako ma la jirtaa? Wuxuu ugu jawaabay; HAA.

Cajiib. Aroortii buu doontay halkii Dirham. Wuxuu la aaday suuqa, wuxuu arkay nin gadayo mallaay. Wuxuu ku gatay halkii dirham laba mallaay (kalluun) ah, oo aad u waaweyn. Wuu qalay, oo ka daadshay calooshii. Wuxu ka dhexhelay laba Lu’lu, oo aad u waaweyn. Meel buu is ka dhigay maalmo ka dib ayaa boqorkii wuxu dalbaday in loo keeno Lu’lu. Noocii loo keenaba wuu diidaa. Ilaaladii baa u timi, oo hal xabbaa laga gatay, lagana siiyay 30 faras rarkood oo dahaba.

Boqorkii markii loo geeyay, ayuu yiri; mataanteed haddaan heli lahaa, weygu fiicnaa leheed! Ninkii ayaa lagu soo noqday, oo la weydiyay, inuu hayo mid tii hore la mida. Wuxuna yiri waa tan. Waxay ku tiri ilaaladii boqorka, raalli ma ku tahay, inaan ku qaadadno labalaabka tii hore oo kale 60 faras rarkood? Haa buu yiri.

Wuxuu halkaas ku helay 90 faras rarkood oo dahaba. Markuu lahaa yaa odaga haynayo, oo dhaxalka ka tegayo, wuxuu ka lahaa hadaf ah, in maalka uu ku iibsado ducada waalidkiis. Baarriyal Rabbi ha naga wada dhigo.

 

W/D: Nasra Maxamad Axmad

SHEEKOOYIN