Barbar-weyne Q1AAD W/Q: Hared S. Addawe

Waa Sheeko si Taxane ah loo Qoray oo Sarbeeb ah

Untitled1

———– Qayb 1aad: Barbar-weyne————–

 

Barbar-weyne oo ah nin xaafad magaalo ka tuugaysta, kaasoo shacabku mar ka cararaan marna u cararaan, ayaa sheekadiisu isoo jiidatay!

Waa oday waayo-arag ah oo turuqyo weyn leh, shaqadiisana xoog iyo xirfadba ku wada. Xaafadda waa u deegaan, oo gurigiisa uu mulkiga u leeyahay wuxuu ku yaal xudunta xaafadda, habeenna kama baado. Qoys ahaan, wuxuu haystaa dhallin boobka u laylsan oo dadka orod ku diirta iyo habro haddii loo soo dacwoodo dadka sii saloosha.

Gurigiisa albaabada iyo hulalka badan, agabka ugu badan oo meel kasta ku xasaysan waa hubka noocyadiisa kala gedisan: Budhadh, tooreeyo, baangado, warmo, seefo, gaashaamo, baaskoolado, bambo gacmeedyo, qoryo qadiimi ah iyo kuwa casriga ah ee darandooriga u dhaca. Barbar-weyne burcadnimadiisu waa wajiyo badan tahay. Qaababka uu dadka u baado waxaa ka mid ah lacag uu dadka kaga qaado inuu yahay waardiyaha qoys kasta. Qoyskii dhaha annagaa waardiye isu ahna kama qoro, oo bixinta lacagta waa ku khasban yihiin. Waxaa ka mid ah lacagaha uu qaato inuu yahay shaqaalaha goob kasta oo shaqo oo xaafadda ka jirta: iskuullada waa ka macalin, cisbitaalada waa ka takhtar, geerashyada waa ka engineer, shirkaddaha waa ka xisaabiye … meel kasta mushaharkiisa ayaa looga diyaariya inkasta oo uusan shaqo ahaan xaadirin. Goobtii muran gelisa jiritaankeeda ayay muran gelisay.

Subaxyada uu baadda guranayo waxaad arkaysaa isagoo mararka qaar si wacan u lebisan, dadkana waji furan iyo kaftan ku bariidinaya. Qofkii oogada ka arka mararkan oo kale wuxuu u malaynayaa nin caadi isaga shaqaysanaya.

Marar dhif ah ayuu meelo u bartilmaameedsan iyo wadooyinka ka qawlaystaa. Wixii uu la tago maalmahaas la isma waydiiyo haddii la aqoonsado inuu Barbar-weyne yahay.

Barbar-weyne faa’idada uu leeyahay waxaa ugu muhiimsan inuusan tuug kale xaafadda u ogolayn. Tuug saqajaanka guryaha u dhaca, kuwa dadka luuqyada mugdiga ah ku furta, kuwa wax dafa iyo wixi noocyadaas la halmaala xaafadda ka huleele. Oo isagaa kii soo kacaba luqunta jebiya, isla marka warkiisu soo gaaro. Xaafaddu waxay xaafadaha kale ugu faantaa in aysan tuugo badan lahayn.

Faa’idada labaad ee Barbar-weyne leeyahay waxaa ka mid ah in xoolaha uu baadda u qaato qof kasta sii qorshayn karo, inta badan; xitaa mararka uu soo qaado duullaanka lama filaanka ah cidna cayr kama dhigo.

Midda sadexaad, Barbar-weyne waa oday wax kala dhaha qoysaska is qabta, hadalkiisana la qaato. Qoladii uu dareemo inay gardaroonayso intuu il libaax ku eego ayuu halkii dhaan-wade ku yiraahdaa. Markaas ayaa xasaraddu degtaa!

Waxgaradka xaafaddu waxay ku murmaan sharka iyo kheyrka Barbar-weyne midka badan. Sababtaas ayaa dadka xaafaddu mar uga cararaan marna ugu cararaan odayga.

La soco qaybaha kale……..

WQ: Hared S. Addawe

Facebook: Hared S. Addawe

SHEEKOOYIN