Barfasoor! W/Q: Bashiir M. Xersi

cropped-theprofessorisinrevised-banner-FACEBOOK-Copy

Barfasoor!

 

“Waxaan ahay Barfasoor!” anoo leh, ayey i maqashayey ayeeydey Maka. Markaa baan ka soo laabtay Galbeedka, oo ah, markii iigu horraysay, ee aan dhulkii ku noqdo.

In kasta, oo aanan sheekada ayeeyo u wadin, haddana, sidii qof xiisaynaya oo kale, ayey u dhagraaricisay. Markaan soo ka la dhammaannay qoladii aan sheekada u waday, ayey inta gees ii la baxday igu tiri:

“Maandhaw, Barfasoor xaw ahaa?” Markaa baan ku iri: “Waa darajo aqoonta laga gaaro”.

Inta hoos eegtay, sidii inay fekerayso oo kale ayey tiri:

Aqoon!” oo madaxa luxday, ayey raacisay cod yar oo calool ka hugun ah “mhmhmhm”.

Anoo leh ayeeyo maanta see wax ka yihiin, ayey inta iyada oo dhoollacaddaynaysa sida caadada u ahayd, i soo eegtay, igu tiri mar kale:

Ayeeyo, erayga “Bar” gartay, oo mar waa: “wax barid” mar waa: “meel iyo goob cayiman” mar waa: “astaan ama tilmaam gaar ah” mar waa: “Finyar oo qofka oogadiisa ku taal ama ka soo baxa” mar waa: “i sii ama i taabsii” oo waa ta la yiraa: “Waxayga i bar ama i bar waxaygamicnaha i sii ama igu qabo! Maandhaw intaa gartaye, “Fasoor” xay ahayd?!”.

Mise wax aan sheego aan garan waayey. Haddaan geesaha eeg eegay, ayaa ayeeyo Maka, oo si fiican dabeecaddayda u taqaannay, saa waxaan ahay dhacaankeedee, markii ay aragtay, inay iga maahday, ayey igu tiri:

“Ayeeyo, iga raalli noqo, haddii aan dhexgalay wax aanan wax ka aqoon!”.

Neef weyn ayaa iga soo fuqday, markaa baan ayeeyo ku iri:

“Haa, ayeeyo, wax aadan aqoon ayaad na dhexgalisay, oo aanan anna kuu faahfaahin karin!”

Niyadda ayaan is ka iri:

“Ayeeyo maanta fuulka ayey kuu shidatay, waa mexee waxa ay ku weydiinaysaa?”

Iyadana waaba ka daacad, eraygay taqaan garataye, kan kale ayey is lahayd bal ka salgaar, mise ninka ay wax weydiinaysaa wax ba ku ma dhaamo, haddana, waa: “Barfasoor!

Ayeeyo halkaa iiga ma harin, ee waxay mar kale iigu halqabatay, hees ay qaadaan Kooxda Qaylodhaan oo la yiraa: “Barafasoorku waa ku ma?” oo waliba cod cajiib ku qaadday heestii, oo tiri:

 

Barfasoorku waa ku ma

Yaa beertay oo wada

Ma badbaadadeennaa?

 

Mise markan ayeyba ka dartay, oo waaba eray dhaamman, oo aanba la sheegan karin, kaaga darane, inayba sidan u heesto ma malaynayn ayeeyo Maka. Waxaan ku iri:

“Ayeeyo, kuwan heesta qaaday waa niman is ka hadlaya, oo aan wax ba ka la ogayn, ee naga daa!” Markaa ayey tiri:

“Ayeeyo, ogaalka ma ahan magac qura kaliya, ee waa inay wax dheer yihiin!”.

Halkaa ayey ayeeyo Maka igu dhaaftay, oo aadday qolkeeda, iyada, oo sii kalwinaysa tusbaxeedii laba boqollaha ahaa, anna inta luqunta leexleexshay, oo mar kale burhaantii iyo jawraddii iga jabtay soo ceshtay, ayaan dhexgalay dadkii kale, ee goobtajoogay, anoo wali dabada sii haya inaan ahay Barfasoor!

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

www.bilediraac.wordpress.com 

SHEEKOOYIN