Barkintaydu waa dhagax W/Q: Cabdiraafic Yasac Macallin

Barkintaydu waa dhagax

Sidii aan xalay ku seexday balanta aan naftayda la galay waxay ahayd inaan ku carraabo galabtaas meel omos ah, si aan habeenka xiga aan u arko hooyo macaan.Tuulada aan hadda joogo dad badan kama aqaan meesha aan ku socdaana ma aqaan, balse, waxaan haystaa tilmaan waase dhul bah gooyaa oo gu’gii horena aanay ku sayrin barin,deegaan iyo guule midna aan lagu marin.


Markii qorraxdu wareegta ayaan goobtay caagad aan u biyaysto jidka, socodka aan damacsanahay oo ah kadle saan dheer ma qaadi karin wax ka culus farsur waaxdiis, maraan dhawr jeer iska daba noqday waxaan helay caagii aan rabay ceel ii dhawaa ayaan ka biyaystay waxaana cagta saaray dhabbihii marinka ii ahaa waxaa i sagootiyay oday ay aabbahay widaay ahaayeen oo da’ ah wuxuu igala dardaarmay dhulka aan marayo haddimadiisa iyo halista aan kala kulmi karo haddii wax dhacdo wax aan lagu tashan oo naftayda aan ku waayi karo.
Halista ugu badan ee odaygu iiga digayay waxay ahayd dugaaga iyo deegaanka dadka oo kala fog waxa ka imaan kara wuxuu igu yiri “Maandhoowa waddaa ku haysa xiliguna waa habeen nin yar oo aan qaan gaarin baa tahay orodku waxba kuuma dhibayo oo wali laab xuunshadaada xuurto ma galin inta ay iftiinada tahay goo dooxada hebla iyo dusha xigta, haddii aad bahal aragto ha u cararin ee iska celi awooowgaa nin geesi ah buu ahaa oo waakii shabeelka haragiisa ilmaha ka korsaday adna maanta ayaa halkiisi joogtaa igu salaan hooyo Xaawo una sheeg in inanteenii hebla la guursan rabo qofka kaliya ay ka war sugaysana ay ayada tahay, cariguna weer buu leeyahay iska jir oo hala dagaalin”

Haye adeer waan u sheegayaa haddii Alle idmo oo aan nabad tago
Waxaan bilaabay saanqaadkii u horreeyay anoo sida qof farandilaynaya cagaha kor u qaadaya oo labada lugood ay ku sigan yihiin inay isku mar tilaabaan, xoogaa markii aan socday ayaan dib soo eegay waxaa ishaydu qabatay odaygii oo si lexjeclo leh ii soo eegaya ducana qalbiga ka wada
Wuxuu ka walwalsanaa wiilka magaalo ka yimid dhulkana aan kala aqoon haddana u bareeray inuu masaafada intaa la eg lug ku jaro galin dambe oo habeen xigo.
Waxaan qalbiga iska iri ilaahow markale nabad kugu tus adoon dhib arag asagana ducadiisa u aqbal.
Casirka waxaan ku tukaday intii ugu yarayd oo aan xasuusto horrayna waan u sii socday galab dheer ayaan ka baxay dooxadii Dhurwaaga ”waraabe” laygu sheegay oo aan cabsida badan ka qabay waxaanse galay dul omos ah oo ugaar mooyee aan cid kalaahi dhawaan marin. 


Dhabbaha aan ku socdo show qof raadkiis oo muuqda laguma arko maraan cabbaar socday ayaan arkay neef geel ah raadkiis oo dhinac u gooyay dhabbaha waan farya-suuliyay mar aan kaga dhacay toon wayn oo dhir badan oo cabsida dhirka isxoqaysa darteed aad jariiraco ku luminayso socodka .
Waxaan raad raacay dhagax rogga geelii aan ku raad joogay anoo waqti iiga lumay walina aan gaarin ayaan ka soo haray waxaan qoortay dhabbihii aan ku joogay mase helin
Aad bay u adkaatay arrintu markii aan dhabbihii waayay qoraxduna sii liicayso, waxaan ku didaalay sidaan ku heli lahaa marinkaygii mar qorraxdii baasha dhigtay anoo daalay ayaan helay dhabbihii waxaan bilaabay mahadnaq Alle,xoogaa yar ka dib Maqrib waa kanaa waxa aan niyada ku hayaba gogol aan ku tukado kuma jirin si halhaleel ah ayaan u iskugu qumaatiyay jihada aan filayay saddex rakco ka dib meeshaydii ayaan ka sii qabsaday orodkii.
Waa mugdi oo dayax ma jiro, waa qodax oo dhul geed biixi leh, waa dhabbe aan dhawaan la marin oo looma jeedo, waa dhagax oo kabo adag ma wadan, waa halaq oo karbuuno ama toosh uma sito, waa oon oo biyihii galabtaan ka dhammeeyay, waa xuurto oo nasiino sooma galin, waa rajo oo bartilmaameedkayga ma aqaan, waa gaajo oo cid iyo ciirsi la’.

Waxaan ka booyay qalbiga wax ay i taraysayse ma ahan waxaan niyada iska iri dadka dhami sheekadaan waa mareen adna waa maraysaa ee is adkee oo xoog is gali.
Muruqa kaliya oo aan isku halayn karo wuxuu noqday waxa aan naftayda u sheego si aan uga baxo cidlada goor ay marayso qiyaastii geelmaalka ku dhawaadkiisa ammin ku aadan 8dii habeennimo ayaan ka lumay waddadii aan ku joogay cir iyo ciidna waxay noqotay ila iyo far mugdiga culayskiisa dartiis.
Saan qaadkayga oo dheeraynayay iyo jihada aan ku socdo oo aanan hubin waxay igu noqotay culays kale waxaa iga daba yeerayay shanqar kale oo aad u moodo bahlo i eryanaya markii aan istaago oo dhagayso is iraa way ila istaagayeen show bahlana ma ahane wadnahayga cabsida ku furan ayaa sida ii gashay, waxaan cararo iyo waxaan cararo waxaan ku soo baxay dhul kale oo dhir howd ah waan ku dhex socday ugu dambayna uga baxay ammin kooban balse wali ma arko rajo aan ku heli karo deegaan ay dad daggan yihiin mar aan ku qiyaasay tobankii habeennimo ayaan u soo baxay dhul dhir gaab ah. 
Markaan waxaan go’aansaday inaanan sii socon ee safarkayga aan jiif ku badalo, waxaan maskaxda ka raadiyay sida looga badbaadi karo dugaaga meel dugsoona loo heli karo anoo socda ayaan isku dayayay inaan maareeyo ilaa markii dambe bahal wayn hortayda ka kacay oo si aan cabsi lahayn hortayda ugu orday waxaan isku sheegay inay tahay daqiiqadihii ugu dambaysay noloshayda waxaan boobay adkaar iyo suuraddo Quraan ah oo gaagaaban .
Maskaxda iyo afku midba gooni ayuu u shaqaynayay waanse isla socday oo Alle bariga xagiisa ayaan u batay, bahalkii shanqarkiisa waan sii maqlayay ilaa cabbaar dambe kamase leexan jihadii aan ku socday si dhaqsaa ayaan u go’aansaday inaan fuulo geed dheer oo aan ku imid si aan uga war dhowro in bahalkii soo laabto iyo inkale mase soo laaban waxaan bilaalay Alxamdu Lillah! Alxamdu Lillah!
in cabbaara markii aan saarnaa geedkii waan soo dagay waxaan isku aruuriyay sheekooyin aan ku sheekaysan jirnay xiligaas caruurnimo oo ahayd in qof hurda uusan bah alcunin ilaa uu ka ogaado dhimashadiisa ama uu asagu dilo.
Waxaan socday xoogaa ka dib waxaan seexday meel bannaan ah oo aan ka maqli karo shanqarta haddii ay dhacdo in bahal isoo danmaaciyo inuu i cuno, waxaa ii dhawaa geed dheer oo haddii nafta loo yaabo aan fuuli karay.
Waxaan barkaday dhagax aad bay qarqaryo u lahayd oo waxaa soo dhacaysay dabayl xoogan,waxaan ku waabariistay meeshii subxiga aan ku booraystay geedkii badbaadada aan u ag joogay.


W/Q: Cabdiraafic Yasac Macallin

SHEEKOOYIN