BARO BOQOL ERAY; Casharka 6aad W/D: Caliqeyr M. Nuur

BARO BOQOL ERAY; Casharka 6aad 

Xanaaq – Dhirif –  Dharas

Xanaaq –id (m): Caro; ka xumaansho wax dhacay. Waa eray ka unkamay xan + naaq.

  • Xan: Ku dhegid meeshii la saaro, la dhigo ama la taabsiiyo. Xan waxaa ka tarma erayada hoos ku taxan.

Xanto: Subagga jifida ah ee xayrta laga shiilay. Waa subag ku dhega weelkii lagu shubo oo sida tayinta u adkaada.

Xanaf: Waa eray ka kooban xan + af. Israaca labadan eray waxay sheegayaan walax uu afkoodu yahay xan ay wixii taabtaba ku dhegaan. Qaamuusyadu waxay xanaf ku sheegaan gubashada jirka. Macnahaasi wuxuu tixraacayaa jirka gubtay ee wixii taabtaaba ay ugu dhegayaan sidii xanta. Balse afguriyada koofureed xanaftu waa wixii aanan sulub ahayn ee leh fintixyo wixii ay taabtaanba ku dhegaya.

Xanan: Waa eray ka yimid xanxan oo ah isla xantii oo laba jeer la yiri. Xananku waa geed leh qodxo galgaloolan oo wixii ay taabtaanba qabsada.

Xanjo: Waa eray ka yimid ‘xan jow’ oo u dhiganta xan badni. Xabagta la ruugo oo xan jow ah ayaa xanjo la yiraahdaa.

Xan: Warka kiisa ku dhega qofka lagu yiraahdo ee uu qofkuna doono in uu iska reebo.

  • Naaqoo ah dibgalaha ‘xanaaq’  waa  eraygii ‘naq’ oo lagu sameeyey carrab-xad. ‘Naq’ ujeedkiisu waa gadaal u celin ama wax meeshii ay ka yimideen ku celin.

Haddaba qofka lagu yiraahdo war xun oo sidii xan ugu dhega, waxaa laga fishaa in  uu warkaas xanka ama xanta ah ku naqo ciddii tiri. Sidaas awgeed xan-naqu (xanaaqu) waa in aad ka fal-naqdo  wax xun oo damiirkaaga ku dhegaya.

Dhirif –id (m): Caro kedis ah; si degdeg ah uga xumaasho wax lagu yiri ama lagu yeelay.

Eraygani wuxuu la xiriiraa noloshii miyiga ee ay dadku mar kastaba la jaal ahaayeen dhirta. Sidaas awgeed wuxuu ka unkamay dhir +  rif.

  • Dhir: Geedo.
  • Rif: Foodda ka jarid; caleemaha ka rifid.

Dhirifku waa xanaaq kedis ah oo si lama filaan ah qofku uga boodo wax lagu yiri. Sida ka muuqata unugyada uu ka kooban yahay waa in caro darteed geedaha loo rifayo ama uu qofku geedaha ku ciil-baxayo; dhir rifid.

Dharas –id (m):  Carada xoolaha. Waa eray ka unkamay dhar + ras.

  • Dhar: Marashada; huga la xirto.
  • Ras: Xumayn;  isku dhexdaadin; rasid.

Inta badan waxaa eraygan loo adeegsan jiray neefka la maalayo marka uu boodo ee uu daadiyo weelkii caanaha looga lisayey. Caanahaas daatay waxay rasayaan dharka qofkii wax maalayey oo waa dhar- ras.

Kala duwanaanta saddexda eray.-

·    Xanaaq: Caro laga falnaqo kuna imaan karta kedis ama xilli soo jiitamayey.
·    Dhirif: Caro kedis ah; dhir rifid caro darteed.
·    Dharas: Carada xoolaha; dhar rasid uu sameeyo neefka la maalayo.

La soco casharka 7aad.

W/D: Caliqeyr M. Nuur (Qoraha buugga:Abtirsiinta Erayga Af-Soomaaliga)

Caliqeeyr@gmail.com

SHEEKOOYIN