BARO BOQOL ERAY Casharka 9-AAD W/Q.- Caliqeyr M. Nuur

BARO BOQOL ERAY Casharka sagaalaad

Jacbur iyo Baraanbur

Jacbur: Baaxad aan sinnayn. Meel ama dhul leh god iyo taag, balse, aan aad u kala sarrayn. Waa eray ka kooban jac + bur.

  • Jac –id (f/m): Jacar; jacniin, godniin aan aad ahayn, balse, ka hooseeya baaxadda siman. Wixii jacani waa wax hoos u godan heer aan aad loo dareemi karin. Shaygii la jacayana waa wax la diisayo ama in yar laga hoos marinayo heerka sinnaanta ah. Dhammaan erayada loo adeegsado “jac” sida biriqda, ceebta, jacda shanqarta lagu muujiyo, jacda fardaha lagu amro iyo jacda ah dhulka godan intuba waxay tixraacayaan hoosayntaas ama jacnaanta baaxadda siman, balse, mid kastaaba ujeedda gaar ah ayuu halkaas ugu aroorayaa.
  • Bur –ka (m): Taag ka sarreeya baaxadda dhuleed ee siman. Sidoo kale waxaa “bur” la yiraa kuuska is haysta ee ka samaysma ciidda, dhoobada, badarka iwm. Israaca jac + bur waxay sheegayaan dhul aan sinnayn ama dhul meelna bur ka ah meelna ka jacan. Eraygan marka loo adeegsado maanso waa tiiyoo la sheegayo in maansadaasi aanay sinnayn, hal qaab leheyn ama ay jac & bur tahay.

Buraanbur –(f/m): Dheel xoolaad; ciyaar ka mid ah ciyaaraha ariga. Waa eray ka kooban buraan + bur.

  • Buraan –ta (m): Kuraan, gunbur, tuur-yaro. Tuur yar oo kaligeed ka taagan baaxad dhuleed oo siman. Buraantu waa taag dhinac kasta ku leh hoobad, waxaana inta badan sameeya carra-bidka, dundumaha burburay, gamaad ama dhisme aasmay iwm.
  • Bur –ka (m): Kuus; taag dhuleed oo ka sarreeya baaxadda siman. Israaca buraan + bur waxay sheegayaan bur iyo buraan isla xiriira. Dhaqanka ariga ee xilliga ladnaanta, gaar ahaan maqasha ayaa ah in ay ku boodboodaan bur iyo buraan kasta ee ay arkaan. Sidaas awgeed ayaa ciyaartooda loo yiraa “buraanbur”.

Buraanburku marka uu yahay ciyaar dadeed waxaa lala meel-dhigayaa ciyaartii ariga. Waa laba ciyaar oo iskaga eg habka booddada iyo qaabka loo wilfiyo qaarka dambe iyo lugaha. Sidaas darteed “buraanbur” wuxuu ahaa magac ku kooban ciyaarta booddada ah, balse, marnaba lama xiriirin maanso iyo erayo dadeed. Berigii hore ciyaarta suurowga ayaa lehayd maanso ka kooban tixdheer la tirayo iyada oo la taagan yahay iyo afxir gaaban oo la qaado marka la boodayo. Buraanburkuna wuxuu ahaa dheesha booddada ah, balse, beryihii dambe ayaa suurowgii wuxuu u kala dhambalmay 1) Qayb wadata magacii “suurow” iyo maansadii gaabnayd ee afxirka u ahayd tixdheerta oo kaliya. 2) Qayb wadata magacii booddada ee “buraanbur” ahaa iyo maansadii tixdheerta ahayd oo kaliya.

W/Q:- Caliqeyr M. Nuur
Caliqeeyr@gmail.com

SHEEKOOYIN