Beeni raad ma leh: Yaa burburiyey Soomaaliya? (Xog-warran) W/Q: Maxamed Xaaji (Ingiriis)

Beeni raad ma leh: Yaa burburiyey Soomaaliya? (Xog-warran)

Waxaa jira dhowr waxyaabood oo laga been-abuuray (myths) oo bulshada Soomaalida lagu dhex faafiyey, ayna lagama maarmaan tahay in la saxo si loo dhiso Soomaaliya cusub oo ku saleysan run ee aan ku saleysnayn been iyo bolo-xoofto. Maadaama bulshada Soomaalidu uu jahligu aad ugu badan yahay, waxay si ka fiirsi la’aan ah u dhegeystaan taariikho been ah oo afka looga sheego. Tusaale, waxaad maalin walba maqlaysaa farta Soomaaliga waxaa qoray taliskii Maxamed Siyaad Barre. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa ‘beeneey, waa run’. Far Soomaaliga in lagu qoro xuruufta Latin-ka waxaa go’aankeeda la gaaray billowgii xukunka gumeysiga, waxaana la damcay in si officially ah loo hirgeliyo xilligii xukunkii daakhiliga ahaa ee koonfurta. Bishii March 1957-kii, waxay dowladdii daakhiliga ee Cabdullaahi Ciise uu hoggaaminayey ay soo saartay joornaal cinwaankiisu yahay Wargeyska Somaliyed oo ku qoran xuruufta Latin. Isla markiiba waxaa Muqdisho ka dhacay bannaanbax isku beddelay rabshado ay dad ku dhinteen, laguna diidday in af-ka Soomaaliga lagu qoro xuruufta Latin. Markaas kaddib ayay dowladdii daakhiliga ahayd ay ka cabsatay dadweynaha oo ay joojisay. Halhayska shacabka Soomaaliyeed wuxuu ahaa ‘Laatiin laa Diin’. Sida laga wada warqabo, wuxuu shacabka Soomaaliyeed si buuxda u doonayey in afkooda lagu qoro far-Carbeed, si aysan u dhumin taariikhda, dhaqanka, caadada iyo hiddaha aan la wadaagno walaalaheenna Carbeed. Gumeysiga ayuu ahaa kan ku tala-bixiyey in xuruufta Laatiin lagu qoro af-Soomaaliga iyadoo laga eegayo dhinaca dhaqaalaha (teebabka Laatiinka oo ka raqiisanaa kuwa Carabta). Hase yeeshee, culumaa’uddiinii soo jireenka ahaa ee Soomaaliyeed waa ka hor yimaaddeen arrintaas, waxayna wax ku qoran jireen Soomaali loo isticmaalay xuruufta Carabiga. Maxamed Siyaad Barre waa yimid, isla habkii dowladdii Cabdullaahi Ciise ayuu raacay. Wargeys af-Soomaali ah ayuu soo saaray bishii Oktoobar 1972-kii, wuxuuna ku dhawaaqay in cid ka daba hadli karta aysan jirin oo ay tahay wixii la oran jiray ‘amar dowlo muddeec’. Haddaba, howl (ama labour) ay qabteen dadkii xorriyadda dhaliyey, marnaba looma nisbeyn karo taliskii Maxamed Siyaad Barre.

Heestii Landcruiser
Waa maan gurracan iyo garasho jaan, Land Cruiser gado, soo bari Galleey, gacaliye tolow, ma guddoonsateen, baahida gudlane, gurigeenna taal, innagoon ka guban, ka guban, gaari raaxa iyo, Land Cruiser gado, guuxiisa mood, mood, gob inaad ku tahay, geeska Afrikoo

Dhanka musuqmaasuqa, ma dhicin mana dhici doonto xilli ka musuqmaasuq badnaa 1969-1991. Waxaa arrintaas caddeyn u ah: 1960-1969 shillinka Soomaaligu iyo inflation-kuba waxay ahaayeen balanced. Waxaa intaa dheer, Soomaaliya waxaa bankiyada adduunyada u taallay kayd maaliyadeed oo ay ku baxsato maalinta ay nafta u yaabto. Balse, sannadihii 1969-1991 wuxuu inflation iyo shillinka Soomaaligu uu hoos ugu dhacay si aan la arag oo la maqal. Bankiyada adduunka, iska dhaaf waxay noo hayaane, waxaa Soomaaliya lagu yeeshay deyntii ugu badneyd ee abid lagu yeesho oo balaayiin dollars ah oo illaa maanta qoorta noo suran (deynta badankeed waxaa lagu qaatay hub iyo rasaas si xukunka loo sii haysto, dumarka iyo carruurtana taangiyo dhoollatus ah iyo gawaari gaashaaman lagu tuso Tarabuunka). Sidaas oo ay tahay, miisaaniyadda loogu tala-galay mashaariicda horumarka waxay 100% ka imaanaysay deeqda ka timaadda dibadda (akhri warbixinnada World Bank ay ka qoreen Soomaaliya).

 

 

 

 

 

Gargaarka dibadda ka yimaadda (international aid) waxay sii xoojisay musuqmaasuqii, waxaana siddeetameeyadii la dhisay xaafad cusub oo loo yaqaan Boolli Qaran oo ay guryo ku leeyihiin madaxdii u sarreysay taliska militariga. Shacabka Soomaaliyeed oo ka gilgishay arrintaas wuxuu dareenkiisa si calool-yow leh ugu cabbiray suugaantii caanka ahayd ee Dareenka Dadweynaha: ‘Waa maan gurracan iyo garasho jaan, Land Cruiser gado, soo bari Galleey, gacaliye tolow, ma guddoonsateen, baahida gudlane, gurigeenna taal, innagoon ka guban, ka guban, gaari raaxa iyo, Land Cruiser gado, guuxiisa mood, mood, gob inaad ku tahay, geeska Afrikoo’.

Dhismayaashii hantida qaranka la boobay laga dhistay iyo mashaariicda
Xaafadda Booli Qaran

Shacabka Soomaaliyeed wuxuu billaabay inuu safaf dhaadheer u galo cunnadii quutul-daruuriga ahayd, sida bariiska, burka, sonkorta iyo saliidda, iyadoo biyihii iyo korontadii ay ka go’een qaybo badan oo ka mid ah caasimadda Muqdisho. Xaaladda Soomaaliya wey ka sii dareysay marba marka ka dambeysa. Waxaa warbixintii sannadlaha ee Baanka Adduunka lagu sheegay in Soomaaliya ay 1990-kii ahayd dalka ugu musuqa badan Qaaradda Afrika. Iyagoo ka aamusi kari waayey calool-xumadaas waxaa is urursaday 114 oday oo Soomaaliyeed oo ahaa kuwii u soo halgamay xorriyadda dalka oo u horreeyo Mudane Aaden Cabdulle Cusmaan, ayna ku jiraan rag lagu yaqaanno dal-jaceyl iyo naftii-hurnimo, sida Maxamuud Yuusuf Muuro iyi Abshir Kaahiye Faarax (oo ahaa ninkii billaabay dhacdadii Dhagaxtuur); culumaa’uddiinkii waaweynaa sida Sheekh Ibraahin Suuleey, Sheekh Shariif Sharafow iyo Sheekh Cabdirashiid Sheekh Cali Suufi; ganacsatadii la yiqiinnay sida Xaaji Jirde Xuseen iyo Xiireey Qaasim Weheliye; kaaba-qabiillo sida Suldaan Duulane Rafle Guuleed, Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac iyo Beeldaaje Cali Nuur Faarax; saraakiil sida General Maxamed Abshir iyo Colonel Ibraahim Doonyaale; garyaqaanno sida Avvocato Ismaaciil Jimcaale Cosoble, Avvocato Maxamed Raajis Maxamed iyo Avvocato Xasan Dhimbil Warsame.

Maalintii 15-ka ee bishii May 1990, waxay Maxamed Siyaad Barre u qoreen dhambaalkii taariikhda galay ee lagu magacaabay ‘Manifesto’ oo ay ku xusuusiyeen keligii-taliyaha in bankiyadii laga waayey wax lacag ah oo ay joojiyeen qabashadii jeegaggii ay iyagu bixiyeen (arrintaas oo ay dul saareen calaamatul cajiib), shaqaalihii bankiyaduna ay shaqada joojiyeen. Waxay ka codsadeen inuu xukunka iska casilo intaan dalku ku burburin gacmihiisa. Baaqa odoyaasha waxaa taageeray dowladihii daneynayey inaysan Soomaaliya burburin sida Masaarida, Sacuudiga iyo Talyaaniga oo u guuxay fekerkooda shir dib u heshiisiin ah in la qabto. Waxaa la yaab lahayd in Maxamed Siyaad Barre uu gebi ahaanba diiday inuu aqoonsado jiritaanka ay jireen jabhadaha USC, SNM, SPM iyo SDM. Waxaa caqli-xumo ahaa inuu ku tilmaamay jabhaduhu inay yihiin ‘argagixiso’ (waa sheekada Xasan Sheekh iyo maafiyadiisu ay Al-Shabaab ugu tilmaamaan ‘argagixiso’ iyadoo waxa la isku haysto ay tahay xukunkii dalka iyo kheyraadkiisii).

Halkii uu Maxamed Siyaad Barre ka garawsan lahaa fashilkiisa, wuxuu u sheegay wargeyskii taliska in odoyaasha bayaanka manifesto saxiixay ay yihiin ‘qaa’inul waddaniyiin’, wuxuuna yiri ‘nimankii aan qoriga uga qaatay xukunka iigama qaadi karaan qalin’. Ogaada, markaas waxay shacabka Soomaaliyeed ku luuqeynayaan ‘war ninkoow, ninkoow, ninkoow’, iyagoo rajadoodu tahay inuu si nabad ah xukunka isaga wareejin doono. Sidaas awgeed, sheekada dhahaysa ‘jabhado ayaa dalka burburiyey’ waa sheeka-baraley la isku dayayo in mas’uuliyaddii hoggaamineed ee Maxamed Siyaad Barre lagu daboolo, waxaana lagu qaldaa carruurta iyo caamada. Yaa saari lahaa wax mas’uuliyad ah, hadduu oran lahaa ‘waan fashilmay ee ha la badbaadiyo dadka iyo dalku inteysan faraha ka bixin’. Hay’adda Horumarinta ee Qaramada Midoobay ee UNDP waxay hoosta ka xarriiqday sidan: ‘The 21-year regime of Siyad Barre had one of the worst human rights records in Africa’ (eeg UNDP Report ee la soo saaray 2001).

Warkii oo kooban, musuqmaasuqii taliskii Maxamed Siyaad ma hayno illaa iyo haddeer wax aan ku mitaalno. Sheekh Mukhtaar Maxamed Xuseen, Guddoomiyihii u dambeeyey ee Baarlamaan lagu soo doorto doorasho one person one vote, ahaana Madaxweynihii ku meel gaarka ahaa ee la inqilaabay ayaa waxaa lagu wareystay wargeys uu tifatire ka ahaan jiray Cabdulqaadir Shire Faarax, oo ka tirsanaan jiray xukunkii militariga, laakiin mar dambe ka fakaday. Wuxuu weydiiyey ‘ka warran Maxamed Siyaad wuxuu idinku eedeeyey inaad musuqmaasuq dalka ku hoggaaminayseen oo uu sidaas idiin inqilaabay?’, wuxuu ku jawaabay ‘haddii musuqmaasuq uu aabbe iyo hooyo leeyahay, wuxuu ahaa Maxamed Siyaad Barre, waayo musuqiisu guri walba oo Soomaali ku nooshahay miyi iyo magaalo ayuu taabtay, wuxuuna boobay oo isaga iyo taliskiisu bililiqeysteen hantidii ummadda iyo kaydkii maaliyadeed ee dalka u yiillay gudaha iyo dibadda’. Hantidaas la boobay wuxuu Maxamed Siyaad Barre u isticmaalay inuu hub ku iibsado iyo inuu ku laaluusho taageerayaashiisa (ka fiiri buugga The Suicidal State in Somalia: The Rise and Fall of the Siad Barre Regime, 1969-1991 by Mohamed Haji Ingiriis).

Sannadku markuu ahaa 1992-kii ayaa weriye Mareykan ah oo ka shaqeyn jiray Soomaaliya wuxuu booqday Muqdisho oo uu ku jirta anarchy and chaos. Wuxuu raadiyey oo uu gurigiisa ugu tagay Maxamed Sheekh Cusmaan oo muddo dheer Wasiirka Maaliyadda u ahaa Maxamed Siyaad Barre. Wuxuu ku yiri ‘Soomaaliya waxaa la kala boobayaa oo la dhacayaa raashinkii mucaawinada ahaa ee loo keenay dadka gaajeysan’. Maxamed Sheekh Cusmaan wuu qoslay, oo qoslay, oo qoslay. Wuxuu la yaabay how naïve uu yahay weriyuhu. Wuxuu ku yiri ‘adeer, waxa maanta dhacaya lama yiraahdo boob, waddankaan wax walba oo uu lahaa waxaa la boobay xilligii Maxamed Siyaad Barre, wax loo reebay oo loo hambeeyey ma jirto dalkani, ma wiilashaan hubeysan ee miyiga ay ka keentay gaajada ee digirta guduudan kala dhacaya ee suuqa ka sii iibsanaya miyaa boob ah, mise hantidii billions-ka ahayd ee la dhacay xilligii militariga?’. Runtii, waxaan ogaaday in Maxamed Sheekh Cusmaan uusan nacamleeye u ahayn sida kuwo badan oo adeegayaal dhega-furan u ahaa Maxamed Siyaad Barre oo aan maanta ku dhiirran karin inay runta ka sheegaan taliskii dalka baa bi’iyey ee iyaga u adeegsan jiray ummadda, una isticmaali jiray magac-u-yaalka.

 

W/Q: Mohamed Haji Ingiriis:

Mohamed Haji Ingiriis wuxuu shahaadada PhD ee taariikhda iyo daraasaadka Afrika ka diyaariyaa Jaamacadda Oxford, isagoo ku taqasusaya mawduuca dowladnimada iyo qaran burburay dib u dhiskiisa. Wuxuu kaloo cilmi-baare ka yahay Jaamacadda King’s College London.

Waxaa lagala xiriiri karaa: ingiriis@yahoo.com

SHEEKOOYIN