Bidhaanti i bi’isay! Q5AAD W/Q: Cabdiraxiin H Galayr

 

Bidhaanti i bi’isay! Q5AAD

Bilan iyadoo qol mugdiya ku jirta ayey indhaha kala qaadey, ma taqaan meel alle meel ay joogto waxay maqleysaa guux badan, waxaa lagu mudey irbad suuxineysa oo muddo ayay meesha ku jirtey.

Waxay bilowdey qaylo iyo sawaxan, haba yaraatee cid u juuqda ayay weydey,  way aragtey iney meel baas gashay.

Waxay xasuusta dib u raaacdey hadalkii aabbaheed Dubad, iyada oo yar ayaa hooyadeed ku dhimatey dagaalladii sokeeye, aabbaheedna  wuxuu ku maqna  carabaha, kaddib waxaa soo korsadey eedooyinkeed oo aabbaheed ku biilin jirey, halka walaalkeedna uu abtigiis baadiye u kaxaystey.

Bilan ma aysan helin xannaano iyo koolkoolin muddo kaddibna waxay maqashay aabbaheed inuu guursaday, Aabbaheed inkasta oo uusan soo korin, keliya wuxuu awoodda saarey  inuu dadka ay la joogto dhaqaale ugu diro kagana war hayo.

Bilan dhaqaalena may arki jirin waxayna dareemi jirtey agoonimo iyo Rajanimoba, iyada ayaa guriga eeddadeed Barni ka ahayd shaqaale, inkastoo arrinkaas uu ka dagaallami jirey Jimcaale oo eeddadeed qabay, haddana wuxuu ahaa nin gedisleey ah oo guriga uma badneyn iyaduse wey jeclayd oo naxariis ayuu tusay, Bilan waxay maalintii dambe ka codsatey iney wax ka aado Dugsiyada gaarka ah ee wiilasha ilma Jimcaale iyo gabdhuhu tagaan waana laga yeelay.

Jimcaale wuxuu ku odhan jirey dedaal waxaad tahay gabadh akrti badane oo wax baro si aad isyfu filnaato, dhawr jeer ayuu aabbaheed kala hadley inuu u yimaado oo is bartaan mase suuragelin.

Bilan waxaa maalintii dambe u baxsatay Nayroobi oo Habaryarteed deganayd,waxayna la nooleyd muddo, habaryarteed waa jeclayd hooyonimo ayay tustey waxayse  ka  joogi weyday Ibraahin lugey oo habaryarteed qabay oo ahaa nin dhib badan, iyada iyo habaryarteedna dili jirey.

Bilan waxay is weydiin jirtey maxay tahay waxaan galabsadey  ee dhibku iigu dhacayo, Eeddadeed uma rooneyn balse adeerkeed ayaa u roona, haddana Habaryarteed ayaa u roon adeerkeedse uma roona.

Ugu dambeyn waxa dalka Canada tegay aabbaheed oo markii dambe lacag u soo direy, markaan waa gashaanti waana  shan iyo toban jir  xooggan.

Waxay in muddo baadigoobtey iney dibada aado, kaddib ayay heshay layn Maraykab ah, waana ku guuleysatay.

Bilan waa gabadh dedaal badan oo furfuran waayo adagna soo mareen, markii ay dalka joogtey waxooga ayay  ka soo baratey markay tagtey mareykana awoodda waxbarasho ayay saartey, Bilan waxay si fiican u dhex gashay dadkii dalka u dhashay, waxay shaqo ka heshay dukaan weyn oo qalabka korontada iibiya.

Habeen habeennada ka mid ah ayay tagtey Baar iyada iyo laba gabdhood oo saaxiibadeed ah una dhashay waddano kale, waxaa qasbqashaadey dhalli yaro, balse waxaa ka celiyey oo weliba u gacan qaadey Daniel waa wiil madoow oo ka soo jeeda dalka Colombia kana dhashay reer maalqabeen ah, balse ka ganacsada mukhaadaraadka.

Daniel wuxuu aad ula dhacay quruxda Bilan halkii ayeyna isku barteen, iyadu ma oga mana taqaanno cidda uu yahay balse, shaqsiyadiisa ayey ka heshay.

Aabbaheed Dubad dhawr jeer ayuu ka codsadey iney u timaado una soo wareegto dalka uu joogo, waase  ka diiday, iyada iyo aabbaheed isma fahmaan, Aabbaheed carruuro kale ayuu dhalay, markuu Canada yimidna waxay is fahmi waayeeb Xaaskiisa ilaa ay kala tageen xaalkooduna gaadhay heer laga mamnuuco guriga carruurtiisa iyo agagaarkooda.

Wiilkii Bilan la walaalka ahaa wuxuu isaga raq iyo ruux lagu waayey badda Medeteriyaanka isagoo  dhulyaal u ah waddamada Yurub.

Bilan waxay awoodda saartey inay dhaqaale hesho maadaama markey yareyd ay ciil ku kortey oo hanti badan, si ay uga aar gudato dadkii markey yareyd dhibi jirey.Arrintan ayaa fudeysey inay ku dhacdo dabin. 

Waxaa xidhiidh aad u qotodheer dhex marey Daniel iyo Bilan, maalmaha ka mid ah ayey ka qayb gashay dhalashadiisa, waxaana arkey Aabbihiis oo aad uga xumaadey, isagoo ka baqaya iney tahay basaas ama iney oggaato wax badan halisna geliso.

Daniel waa ninka uu rabo aabbihiis inuu u tababaro, Orasio waa nin dilaa ah oo aan lahayn wax naxariis ah wuxuuna madax ka yahay shabakada daroogada ee ugu weyn Laatiin ameerika, shaqaalihiis ayaa  kumanaan dhaafaya, Daniel waa geesi aad u tabobaran, waxaanu leeyahay shaqaale iyo ilaalo u gaar ah.

Bilan hawshan waxba kama oga, Orasio wuxuu tabaas iyo dabagal xogta bilan, wuxuu haystaa rag ku takhasusey IT, Arrimaha Tignoolajiyada cusub ee Kambuuterayada iyo Internetka, wuxuu gacan saar la leeyahay qaar ka mid ah hay’adaha sirdoonka, wuxuu soo ogaadey inay tahay gabadh yar oo miskiin ah.

Waxaa usoo baxday maadaama uu madaxu u daboolan yahay ayna tahay Muslin ah inuu  ka faa’iideysto si dadban, maalintii dambe ayuu casuumey, wey sheekaysteen, wuxuu ogaadey inay qof waxbartey oo hammi badan.

Kaddib wuxuu usoo bandhigay iney gacan yare u noqoto, oo lacag xaddi badan uu siiyo, arrintii waa soo dhaweysay, Sar dheer oo uu magaalada ku dhex lahaa ayuu xafiis ka siiyey maalintii dambena wuxuu u direy Inaaraatka iyada oo loo dhiibay allaab magaceedu ku qoran yahay oo la yidhi gee Dubai.

Bilan hawshii sidey tahay bay u qabatey waana ku badbaadey, Orasio aad buu ula dhacay, kaddib wuxu u kordhiyey lacagta wuxuuna ka dhigay, Madaxa socdaallada iyo  shirarka dibadda wakiilka uga ah.

Balse mar walba waxay qaadi jirtey allaabooyin kala duwan oo ay ku jirto daroogo, mana aysan ogeyn, Daniel arrintaas waa dhibsaday, Aabbihiis wuxuu tusay gabacsiga ay hayaan iyo daacadnimada inaan diayaaradi u kala hoyan, waxaaba la kala dooran siiyey in la dilo iyo in uu faraha kala baxo.

Ugu dambeyn markay lacageysatay, ayaa maalintii hawshiina ay sidii ugu dhex jirto hanti badana dalkii ka iibsatey, Guri ay leedahayna Mareykanka ka iibsatay, ayay heshay dokumiintiyo xafiiska odaygu uga tegay si lama filaan ah, waxay u sheegtey Daniel kaddib wuxuu ku yidhi i sug aniga kuu imanaya, Daniel wuxuu ka codsadey iney aamusto arrinkana uu nafteeda halis gelin karo.

Ugu dambeyn Orasio markuu oggaadey in Bilan xogtiisa heshay wuxuu la galay heshiis toos ah waxaana loo ogolaadey 10% iyadoo ogna hawshii wad baa lagu yidhi. Bilan lacagta ayay ku dawakhdey waxaana qaadey hunguri, Hawshii si toos ah oo badheedh ah ayay u gashay waxayna noqotey qof uu ku liibaaney Orasio oo aad u nasiib badan, sidoo kale waxay keentey Kaartooyin cusub oo lagu gudbiyo, xitaa iyado macaawino iyo urur  samafal ah.Oraasiyo wuxuu ka dhigtey gacantiisa midig, aad ayuuna u kalsoonaadey, wuxuuna wiilkiisa ka codsadey inuu guursado.

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaa Bilan u yimid, wiil adeerkeed dhalay wuxuuna u sheegay in aabbaheed raadinayay dhawr sanno kuna khafiifey, walaalkeedna la waayay raq iyo ruux,xaalka aabbaheedna daran yahay, Bilan markan naxariis baa gashay, waxayna u tagtey aabbaheed oo ay ugu dambeysay iyada oo Sanad jirta.

Waxay u tagtey aabbaheed oo gaboobey oo diif iyo daryeel xumo ka muuqato, wax ka xumaatey, waxayna ka codsatey inuu raaco oo ay gurigeeda geyso, waxay keentay guri weyn oo qasri ah, waxayna u qabatey gabadh soomaali ag io wax u karisa iyo Kalkaaliso caawiso oo caafimaadkiisa la socota, Gaadhi iyo Darawal.

Oday Dubad wuxuu la yaabey nolosha quruxda badan ee gabadhiisa, haddana waa waalide wuxuu is weydiiyey, Ilaa maalintey dhalatey ayaad  qurba dhex joogtey dedaalna kuguma yareyn iyo aqoonbee halkee dhaqsidan gabadhaadu sidan uga liibaantey.

Daniel ayaa ogaadey in Aabbaheed ay keentey, iyadoo hore nolosheeda uga sheekeysay, wuu la yaabay, haddana cabsi baa gashay, maalintii dambe ayuu soo raacay, markuu odaygu arkey xaalka gabadha iyo ninka madoow ee ku maran, Timahana u salaaxaya ee aan waxba ka qarsanayn waa ka xumaadey, canaan ayuu bilaabey, Bilana waa ku qeylisay iyadoo si bah dilaad ah ula dhaqmeysa.

Waxayna ka saartey gurigii intey u fac tirisay, Aabbaheed ayaa yidhi: ” Aniga waxaad tahay gabadheyda, waxaan ka shaqeynayaa wanaaggaaga, maqnaanshiyaha aan kaa maqnaa ma ahayn nacayb, waxaadse ogaan doontaa maalinta ninkaa madoow god mugdi ah kugu ogaado”

Aabbaheed bilo kaddib waa geeriyoodey, kamana aysan qeyb gelin aaskiisa, waxay ogaatey muddo kaddib oo walaalkeed Haybe usoo direy Farriin danabeed( email) kaddib ayey ka murugootey, haddana laxaw badan kuma sii reebin, waxay maanta u xasuustay waa eraygii aabbaheed oo rumoobey, iyadoo god mugdi ah ku jirta meel ay joogtaba aan  aan ogeyn oo nolol iyo geeri u dhaxaysa.

La soco qaybaha kale

W/Q: Cabdiraxiin Hilowle ga

SHEEKOOYIN