Bidhaanti i bi’isay! Q6AAD W/Q: Cabdiraxiin H Galayr

Bidhaanti i bi’isay! Q6AAD 

Qareenkii Baashe wuxuu baadhitaan ugu dhaqaaqay meel kasta oo loo filan karayey inuu badbaadey,  waxay tageen gegida diyaaraddaha isaga oo warqad ogolaanshiiyo ah ka haysta, Maxkamadda sare si uu baadho muuqaallada,  waxaase la yaab noqotey,  in la helay muuqaal  keliya, kaasoo muujinaya Baashe oo la taagan Bilan Boorsadana u qaadaya,  lamana arag carruurta waqtiga ay dhoofeen iyo walaashiis, balse, walaashiis waxay haysaa caddeyntii tigidhada.

Qareenkii ayaa wuxuu haddana  weydiiyey walaashiis inta aysan tegin garoonka iney jireen meel kale oo ay sii mareen,  nasiib wanaag waxay sheegtay inay Kaalin shiidaal mareen, sidoo kalena  dukaan ay wax ka sii gateen, Arrinkii ayuu ka hawl galay Qareenku wuxuuna soo helay labadii muuqaal isaga iyo walaashiis oo wada socda, isla maalinimada,  halkaas ayaa waxaa galay ciidankii dambi baadhista tuhun weyn, waxaana yimid kala shaki ballaadhan.

Kaddib ayaa waxaa si gooni ah u shirey taliyihii guud iyo labadii dambi baadhe, waxaana laysla gartey in Baashe dammaanad lagu sii daayo dushana lagala socdo dhaqdhaqaaqiisa, waxaa lagu xidhay  qalab lagu dhegaysan karo telefoonkiisa, sidoo kale gurigiisa iyo shabakadiisa internetka, waxaa kale oo guriga lagu sii xidhxidhay intuusan iman qalab dhegaysiga fududeynaya, arrintan ayaa maxkamaddu oggolaatay maadaama kiisku ballaadhan yahay, sidoo kale labada dhinac in Baashe hadduusan dambi lahayn dusha laga ilaaliyo iyo in hadduu dambiile yahay lagu helo caddeyn in dhakhsi loogu celsho xabsiga.

Baashe waxaa la xayirey koontadiisa bangiga, kaddib Booliiska ayaa siiyey lacagtii uu sheegtay balse waxaa la faray inuu mid cusub furto, wuxuu ku noqday shaqadiisi, waxaa aad usoo dhaweeyey shaqaalihii iyo madaxiisii shaqaalaha, wuxuuna siiyey laba toddobaad oo nasiino ah si oo caadi ugu soo noqdo oo firfircoonadiisii dib ugu soo laabato.

Qareenkii wuxuu keenay caddeymo badan oo muujinaya in la shirqooley Baashe, Booliiskiina waxayba u arkeen fursad ay ku heli karaan kooxaha iyo shabakada daroogada maadaama uu kiisku soo galay, waxay kale oo raadraac bal iney ogaadaan gabadha iyo qofka ay ahayd.

Bilan waxay qaylodhaamiso, waxaa laga dejiyey markabkii iyada oo indhaha ka xidhan, waxayna aragtey iyadoo beeraley dhex joogta oo aqalo mutulayaal ah u dhisan yihiin, waa dad indho yar ah oo u shaqeeya Orazio, waana dhul keymo ah oo Aasiyada fog ah, intii ay ka shaqeynaysey Bilan Daroogada weligeed ma isticmaalin kuwo laysku duro, haddase dhawr jeer ayaa lagu soo durey, cirka iyo dhulkaa la guurguuraya, waxay ka shalaayneysaa shabaqa ay gashay iyo halka xun ee ay lacagta u martey.Ma aysan guursan, hantidii ay tacbateyna ma jirto cid uga aayneysa iyo wax ay u tareyso, ma jiro cid ay u qayshato iyo meel ay u cid dirsato toona, Bilan waxay mareysaa halkii heestii caanka ahayd ee uu ku luuqeyn jirey fannaankii Maxamed Saleebaan Tubeec(AUN)

  • Cabashiyo caloolyow
  • Ciil kaama bi’iyaan
  • Tala cayn wareegtana
  • La iskuma canaantee
  • Caqli iyo hubsiimaa
  • Cidhib looga aayaa
  • Cidna eersan maayee
  • Cidna eersan maayee
  • Sida ciyowga aydaan
  • Casarkii dhawaaqaa
  • Ama cawsha duurkaan
  • Cidla duur wareegaa
  • Ciirsilaa anays dhigay
  • Iyo culuuqan gaystoo
  • Cidna eersan maayee
  • Cidna eersan maayee

Xaalka bilan waa quus, dadka loo keenay ma af garaneyso, waa meel lagu soo qariyey, ma oga sababta waxayse  dareensan tahay in Oraasiyo ka dambeeyo hawsha, waayo Daniel kama fileyso inuu qaabkan ula dhaqmayo.Iyadoo meel darbi dhoobo laga dhisay oo mutulo ah ku tiirsan ayaa waxaa soo degatey diyaarad nooca qumaatiga u kaca,  waxaana ka soo degay  jaalkeedii, widaaygeedii, ninkey is lahayd  waad ayaan badan tahay haddaad hesho oo laba gabdhood oo quruxda aad yaabeyso dhexda ka haysta, sita koodh dheer iyo muraayado madmadoow, wuxuuna ugu soo galay meeshii markaasuu ku qoslay si jees jees ah, wuxuuna ku yidhi, haddii ninkii aad xidhiidhka la lahayd ee aad isku dalka ahaydeen aad iga raacday anigaba kuwan ayaa igu dal ah.

Markaas ayaa waagu ku baryey oo ay ogaatey in wax eedaadkan mariyey yahay qofkii ay u haysatey inuu yahay kan dadka ugu dhaw,  ciil iyo cadho ku gadhoodhey, oohin iyo hiqleyn bay naf biday.Waxaa meesha jooga wiil aad ugu dhawaa Daniel oo ay u rooneyd Bilan, dhawr jeer uu uga sheekeeyey Hooyadiis oo jirana  ay ku caawisay lacag isaga wax u tartey, balse, iyadu aysan dareemayn waqtigaas,Manual   waa nin dhallinyaro ah oo aad ugu dhaw daniel, balse,  waa nin dadnimo leh oo duruuftu kooxdan wax ugu dartey,  waayo aabbihiis waa khamriyo cab, hooyadiis ayuu habeen iyo maalin dili jirey, sidaa awgeed ayuu guriga uga cararey, Hooyadiina Kansar bay u dhimatey, wuxuu jeclaa weligiis inuu noqdo Injineer weliba kuwa baabuurta sameeya, mase helin fursad uu heerkaas ku gaadho.

Wuu ka tegay Daniel isaga oo qoslaya, wuxuuna aaday meel loo sharaxay oo loogu heesayey,  Manual ayaa siiyey biyo, wuxuuna dhegta ugu sheegay inuu meesha ka saarayo ay adkeysato, arrinkan ayay la yaabtey sababta iyo waxaa ku kelifey maba oga inuu abaal u hayo.

Baashe waa xabsi guri oo kale maalin walba wuxuu tegayaa saldhiga booliiska waana soo saxeexa, sidoo kale waxaa lugta looga xidhay CHIP sheegaya hadduu ka baxo xuduuda gobolka uu joogo, wax kalese looma geeysto,  habeen iyo maalin waxaa daba taagan qoladii dhegaysanaysay, waxaa la waayey raadraac kale, waxay u maleynayaan inuu yahay nin og hawshooda.Tuhun beena ayaa kala dhex  yaal xaalku waa laba kala baridey kala war la’, Ma oga dhibkaan wuxuu u gaadhay, mana garanayo qoftii jaan ee dhibkaan qoorta u gelisay meeshay ka baxday, cid uga warranta ma hayo, mar wuu hiifaa oo haraamaa, belaayada maxaa i tusay BIDHAANTEEDA I BI’ISAYE, Marna wuxuu yidhaahdaa, mindhaa maba noola hadda! Midba gaarkiisuu werwer iyo walaahoow u hayaa, layskamana warqabo.

Daneil wuu baxay hawshii rarista allaabtana waxaa loo xil saarey Manual oo isaguba  sugayey sidii qorshuhu ahaa, Manual waa nin aad deegaanka u kala yaqaan, wuxuu la soo heshiiyey, koox budhcad ah oo deegaanka u dhalatey, wuxuuna arrinkii kala shirey  Bilan iney qarashka iyadu isaka bixiso isaguna ciddii furdaamin lahayd keenno.Waa dhab labadooduba halis bay gelayaan haddii ay hawshan u badheedhaan, balse,  xaalkoodu waa“ Naftu orod bay kugu aamintaa“  Qoladii waxay ka balan qaadeen inay geynayaan BAN KOOK, iyagoo bedqaba balse ay rabaan 100 kun oo doolar, markuu sidaa Manual ugu sheegay way aqbashay, balse, waxay ka sii codsatey in  ay qariyaan oo aysan cid kale u sheegin lacagtana ay u badineyso,  Hogaamiye Shuu yaaw  ayaa ku dhaartey dhagax ay caabudaan una sheegay inuusan weligiis balan ka bixin, xitaa bilyanaad haddii loo sheego, sidii ayaana laysku af gartey, waxaa loo qalab qaatey sidii habeen madoow looga saari lahaa meesha, Ciidamo ayaa ku ilaaliya  Bilan meesha waxaase hawsha wada waa Manual oo aan laga shakisneyn.

 

La soco qaybaha kale

 

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

 

SHEEKOOYIN