Billaawgii Fankii Khadiijo Cabdullahi “Dalays” (AUN). W/Q: Bile Cabdi Maxamed.

Billaawgii Fankii Khadiijo Cabdullahi “Dalays” (AUN). W/Q: Bile Cabdi Maxamed.

Khadiijo Cabdullaahi Camey “Dalays” Waxay gu’gii (1936) ku dhalatay magaalada Baydhabo. Waxay ahayd gabadhii ugu horraysay ee ka heesta Raadiyow Muqdisho koofurta Soomaaliya sannadkii (1952). Sidoo kale waxay ahayd qofkii 21-aad ee loo diiwaan geliyo kooxdii Radio Muqdisho intaan la aasaasin kooxdii Waaberi. Halka Gaduudo-Carwo oo iyana bil ka hor dhimatay (AUN) ay ahayd Gabadhii ugu horraysay ee ka heesta Radio Hargeysa iyo gobolladda Waqooyi.

Labaddooda ayaa ugu horreeyay gabar raadiye ka heesta. Ka hor intaysan soo galin Saaxada Fankii Soomaaliyeed ee hilaada curdinka ahaa waxaa cod dumar riwaayadaha uga heesi jiray Cumar Dhuulle Cali (AUN).

Maalinkii ugu horreeyay ee Khadiijo Cabdillaahi Camey Radio Muqdisho ka heesto aad bay dadkii ula fajaceen maadaama ay arrin ugub ah ku noqotay gabar heesaysa oo waagaa dadku u heesteen adduunya gaddoon iyo dhaqanguur. Deetana qaar ka mida culumadii masaajidda iyo dadkii magaalada oo dhan oo caraysan ayaa isku gadaamey xaruntii Radio Muqdisho iyo gurigii ay deganaayeen qoyskii Khadiijo Daleys. Markii aad loogu baqay Khadiijo ayaa waalidkeed qol dambe ku qariyeen. Cabdilaahi Camey (AUN) oo ahaa Aabbihii dhalay dalays ayaa dadkii ku eedeeyeen inuu yahay nin dembiile ah oo gabadhiisa u oggolaaday inay heesto sidoo kale Culumadii qaar ayaa arrinkii gaarsiyay heer ay Diinta ka saaraan Khadiijo Daleys. Waxaana hadalkaas aad uga xumaaday Khadiijo Aabbaheed oo markii hore qorshaynayay inuu Khadijo Dalays Dalka Masar waxbarasho ugu diro balse maalintaa markuu arkay gabadhiisii oo (Gaal) lagu tilmaamay ayuu go’aansaday inuu Dalays garab istaago una fasaxay inay heesto. asagoo ku dooday in ay jiraan gabdho muslimiin ah oo heesa sida fannaanaddii caanka ahayd xilligaas ee reer Masar Umu Kaltuun.

Markii Khadiijo Dalays sidaa fankii ku gashay ayaa waxaa bilaawday in gabdho badan oo fanka jeclaa ku soo dhiirradaan oo fanka soo galaan. Xareedo-Duniya ayaa noqotay fannanaanaddii labaad ee Dalays kusoo xigsata ka dibna Caasha Cabdow iyo qaar kale baa ku soo xigsaday waxayna wehel iyo garab u noqdeen Khadiija Dalays oo awal kali ahayd.

Khadiija Daleys waxay ahayd heesaa iyo Halabuurad wax ku allifi jirtay Lahjadda Maayga waxayna samaysay heeso badan oo ay ayadu qaadday. Fankeeda waxaa ku lammaannaa qiso jacayl oo soo martay suugaan badanna ay ka samaysay.

Heesaha ay qaadday Khadijo Dalays waxaa ugu caansanaa:

Muruqiinaa maaloo.
Dhulka dhawaaqaya.
Dadyow yaabayee, Caashaqu ma dabbaa?
Goobile.
Riftoon.
Hunu hunu hadal maahan Himbiriirsi arag maahan oo Abwaan Xasan Qawdhan lahaa iyo qaar kaloo badan.

Eebbe ha u naxariistee Khadiijo Cabdillaahi Dalays waxay ahayd qof daljacaylka iyo wadaniyadda Ilaaheey jirkeeda ku beeray. Hadalladii u dambeeyay ee ay jeedisay waxay kaga hadashay sida ay dalkii ugu xiistay oo ay u rabi lahayd inay mar uun ku laabato. waxaana hadalkeedii ka mid ahaa:

“Waan duqoobay waxaan rabaa inaan ku nasto ciiddaydii, waxaan u xiisay soortii iyo muufadii iyo hadallo kale oo qiira leh balse geerida ayaa u diidday taas oo maanta ayay ku dhimatay Dalka Canada.”

W/Q: Bile Cabdi Maxamed

Bahda qalinlayda laashin iyo maamulka oo isku duuban waxay tacsi u dirayaan guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan qoyskii ay ka baxday iyo carruurtii ay dhashay. Waxaan annagoo isku duuban leennahay Eebbe ha ugu beddelo guri ka khayr badan kii ay adduunka ka joogtay, kitaableedana Eebbe midigta ha ka siiyo. Ummadda Soomaaliyeedna samir iyo imaan Waaqu (EEBBE) ha ka siiyo. Hal waynkii iyo wax galkii Soomaaliyeed maalinba hal ayaa siibanaya ee Eebbe na ma fidneeyo gadaashooda.

“Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun”

 

SHEEKOOYIN