Booqashada Obama ee Kenya Finalkii Koobka Aduunka miyaa?

Obama

Booqashada Obama ee Kenya Finalkii Koobka Aduunka miyaa?

Waxey uga dhigantahay dadka reer Keenya, iney martigalinayaan koobka kubbadda cagta adduunka, kaas oo socon doona 25-ka ilaa 26-ka julaay.

Waxaa qofkasta oo keenyaan ah, meesha uu joogo, ku gaartay farriin farxadeed, taas oo, maqalkeeda kadib, uu ku qasbanyahay, inuu wax uun, u sameeyo farriintaas darteed.

Hadduu yahay odey, aqoonyahan, ardey iyo hooyaba, qofka ay farriintani gaarto ee reer keenya ah, wuxuu isku mashquulinayaa inuu farriintaan uga jawaabo si ay dadka kale u arki karaan dareen farxadeed.

2010-kii, markii reer koonfur Afrika, Marti galinayeen koobka kubbadda cagta adduunka, waxyaabaha lagu xasuusto, waxaa kamida markii lagu jiray qaban qaabadii ugu dambeysay, in qofkasta uu wax ka baddalay hab dhaqankiisi hore. Waxey dowladdu dhistay dhammaan wadooyinkii, garoomadii diyaaradaha, garoomadii ciyaaraha iyo meelaha dalkxiiska, ee lagama maarmaanka ahaa, halka dadkii deegankuna ay wax ka baddaleen nadaafadooda, muqaalka guryahooda, naftooda iyo habdhaqankoodi caadiga ahaa.

Waxaa lagu xasuusta reer koonfur Afrika sidey u kala awoodeen in qofkasta u qurxiyey gurigiisa, goobtiisa ganacsiga, rinjiga ka badalay, hortiisa markasta nadiifin jiray, ayna ku beereen meelkasta geedo cagaaran.

Keenya hadda waxa kasocda ee ku wajahan soo dhaweynta Madaxweynaha dalka Mareykanka, waxaa lala bar-bar dhigi karaa diyaar garowgii koon fur afrika ugu jirtay koobkii adduunka.

Madaxweynaha dalka mareykanka, oo ah ninkii ugu horreeyey, ee madaw ah, oo madaxweyne ka noqda dalka Mareykanka, ayaa booqasho rasmi ah ku yimid dalka keenya. Booqashadan Obama ku yimid dalka keenya, waa booqashadisi ugu horreeysay isagoo madaxweyne ah, uu ku yimaado, dalka kenya, sidoo kale waa boqoashadii ugu horreysay ee madaxweyne Mareykan ah ku soo booqdo dalka keenya, isagoo xilka haya.

Madaxweyne obama wuxuu soo booqday dalkii Aabihiis ku dhashay. Wuxuu soo boqday dalka uu arko inuu mareykanku la kaashan karo istaraatiyadiisa ku aadan ammaanka iyo dhaqaalaha uu Afrika ka damacsanyahay.

Waxaa qofkasta ku muujiyey, sida uu ku muujin karo siduu usoo dhaweynayo madaxweyne Obama, dadka qaarkii waxey maal-mihii ugu dambeyey iibsanayeen, dhar uu ku xardhanyahay, magaca iyo sawirka Obama.

Dadka qaar goobahooda ganacsiga iyo baaburtooda waxey ku dhajiyeen sawirka madaxweynaha, halka qaar kale xataa wajiyada ku dhagsadeen sawirkiisa.

Guryaha, gadiidka dadweynaha, goobaha waxbarashada, xarumaha caafimaadka iyo dhammaan goobaha addeegga dadweynaha waxaa kawada lalmanaya sawirka madaxweynaha iyo calanka dowladda mareynka.

Dhammaan waaxyihii xariirka dadweynaha ee dowladda, waxey ku mashquleen sidey magaalooyinka waaweyn ee dalka keenya ugu dhajin lahayeen sawirka madaxweyne obama.

Hooyo kasta markey aragto waaxyihii addeegga dad weynaha oo ku mashquulsan sidey ugu baahin lahaayeen dalka sawiradda madaxweynaha, ayey sameysa, waxa ugu dhaw ee ay sameyn karto, sida iney ugu yaraan gurigeeda iyo goobteeda ganacsiga horteeda xaaqado, haddii ay heli kartana sawir yar ku dhagsato irrida gurigeeda.

Dowladda Kenya, waxey xil weyn iska saartay, soo dhaweynta madaxweynaha Mareynkanka. Waxaa la fasaxay badankood shaqalaaha dowladda. Waxaa si gaar ah loo maamusay, ammaankoodana la illaaliyey, qaraabada madaxweynaha, wixii ahaa, ee dalka joogay sida islaan ayeydiis ah, wiilal iyo gabar la dhashay oo dalka horay u joogay.

Marka laga soo tago booqashadaas taarikhiga ah, ee Obama, ku yimid dalka keenya, haddana waxaa jira waxyaabo badan oo ay wadato booqashadan, si toos ahna saameyn ugu leh dalka iyo dad ka reer Keenya.

Ujeedada ka dambeysa booqashada Obama ee Kenya, waxaa ugu weyn, labo qodob oo ah kala ah, maal galin kenya ay ku sameysan doonaan shirkaddaha mareykanka, isagoo wadada u xaaraya sidii ay shirkaddo badan oo mareykan ah iyo kuwa kaleba u maal gashan lahaAyeen dalka kenya, dowladda keenyana ay ugu fududeyn leheed ganacsatadaas sidey dalka mashaariic cusub uga fulin lahaayeen.

Arrinta labaad ee ay booqashadan huwantahay waa in dowladdu mareykanku kala shaqeyso keenya ammaankeedan faraha kasii baxaya iyo mushkiladahan cusub ee kasoo wajahaya xaga islaamiyiinta.

Madaxweynaha mareykanku wuxuu keenya joogi doona ilaa sedex maalmood, inta uu joogana waxaa jiri doona kulamo, booqashooyin iyo qudbado uu ka jeedin doono meelo fagaaro ah.

Wuxuu marka ugu horeysa tagi doonaa Jamaacadda keenyata university, halkaas oo uu kula hadli doono ardeyda jaamacadda, kadiba wuxuu tagi doona garoonka kubbadda cagta ee kasaraani, halkaasna wuxuu kula hadli doona dad weyne aad u fara badan.

Kulamada uu ka qeyb gali doono kan ugu muhiimsan ee dadka keenya wada sugayaan waa mid ka looga hadli doono ganacsiga iyo maalgashiga dalka kenya, ee ka dhici doona xarunta qaramada midoobey ay ku leedahay Nairobi ee Gigiri.

Obama wuxuu yimid dal ay ganacsi ahaan shiinuhu yeesheen ama intii badneed la wareegen ganacsiyadiisa, ayna heystaan, heshiiyso gaaraya ilaa 20-sano.

Dalka keenya badanaa waddooyinkiisa, waxaa dhisay shiinaha, waxey kaloo hadda dhisayaan oo howsheedu bilaabatey waddo tareen oo isku xiri doonta wadamada kenya, uganda iyo Rwanda.

Obama isagoo madaxa ku haya markii Afrika, mareykan iyo xirir ganacsi lasoo hadal qaaddo in aan shiinaha la iska indha tiri karin, wuxuu safarkiisi ka hor kulan la qaatay shirkaddaha iyo ganacsatadda mareykanka ee afrika ka howl gala, ee ay ugu horeyaan shirkadda GOOGLE, COCOCOLA, IBM iyo HP oo intaba xarumahooda afrika ku yalaan Nairobi, Waana sababta keentay in kulanka Gigiri, lahaado miisanka ugu culus dhammaan waxa dhacaya inta lagu guda jiro booqashada madaxweynaha ee kenya.

Halsano kadib doorashadisii kowaad ee madaxweyne obama, ee loo doortay madaxweynaha Mareykanka 2007-dii, safarkiisii ugu horeyey ee Afrika wuxuu ku tagay dalka Masar, sidaan oo kale ayaa aduunku hadal hayey booqashadiisi Masar.

Obama intii uu ku guda jiray booqashadihii Masar ajendayaashii uu Masar la yimid waxaa ka mid ahaa hindisaha la yiraahdo Global Entrepreneurship Summit (GES), GES, kaas oo madashiisi lixaad maalinta axadda ah lagu qaban doono xarunta qaramada midobey ee Gigiri, Madashaas oo ay wada shir guddoomin doonan madaxweyneyaasha Mareykanka iyo Kenya.

Markii Obama uga dhawaqayey Masar hindisahaan (GES) ujeedkii uu kalahaa waxey eheed in Mareykanku door muhiim ah siinayo dunida islaamka, sidaas darteed, waxaa kulamadiisi ugu horreeyey (GES) lagu qabtay Maroco, Maleysiya, Dubai, Turki iyo Washington, hadda kulankisii lixaadna waa kan lagu qabanayo Kenya, waxaadna halkaas ka garan kartaa in 2009 Mareykanku diiradda saarayey dunidda islaamka, laakin hadda ay tahay Afrika.

Ujeedka ugu weyn ee laga leeyahay (GES) waa in ganacsatada heer caalami maal gashi ku samayeen waddanka markaas lagu qabanayo madashiisa, halkaasna ay isku bartaan ganacsatada wadadnka u dhalatay iyo ganacsatada dibaddu.

Waddankasta oo martigalinaya (GES) ganacsatada u dhalatey waxey la iman doonan fikradaha ay heeystaan ee la maal galin karo, waxeyna si toos ah ula fal galin doonaan cid kasta oo ay ka gadmeyso fikradoodu.

Ganacsatadda adduunyadu waxey soo buuxiyeen hoteelada five star-ka loo yaqaan ee kenya ugu qaalisan, 5 –ta hoteel ee ugu sareysa maalintii qamiistii wey wada buxeen, waxaana buxiiyey ganacsato dibadda ka yimid.

Waxaa madashaan isla shir guddoomin doona labbada madaxweyne, waxaana kasoo qeyb gali doona guud ahaan ganacstada ka kala socota dunida inteeda kale iyo gaar ahaan ganacsatada dalka mareynka, waxaa kaloo soo buux dhaafin doona madasha oo bishaan oo dhan is diwaan galinayey da’yarta hal-abuurka ganacsi heysata iyo ganacsatada reer kenya.

Madasha Girigi kadib madaxweyne obama wuxuu u gudbi doona dalka Ethopia, waxa ugu muhiimsan ee la filayo waa in uu halkaas kula kulmi doono Ismaacil Cumar Geele, Madaxeynaha dalka Jabouti, taas oo iyadana muhiim u ah safarka Obama ee Afrika, madama Jabouti ay tahay saldhigga ciidamada mareynkan ee Afrika.

Jabouti waxey heshiis la gashay dowladda shiinaha kaas oo ku kacaya ilaa 400 milyal oo doollar. Heshiisku wuxuu dhigayaa in shiinu halkaas ka dhisi doono Takato waaweyn. Dadka wax ka qora arrimaha Afrika waxey leeyihiin haddi shiinuhu lacagtaas galinayo halkaas, shaqalihiisa iyo mashaaricda uu Afrika ka wadanaa sii kordheyso, waxaa macquul ah in shiinuhu saldhig ciidan ka sameysto Jabouti, taas oo uu san marna raali ka noqon doonin mareykanku.

W/Q: Maxamed Axmed Cali Royal

Email:Mohamedmidnimo@gmail.com

Business & ICT RESEACHER

 

SHEEKOOYIN