Booska barbaarineed ee Nimco Noor buuxisay

Booska barbaarineed ee Nimco Noor buuxisay

Qoomiyadda Soomaalidu qixii ka dib, waxay ku kalA firirtay daafaha dunida. Waxay qaabab kala duwan ugu noolyihiin meelo badan oo ka mid ah caalamka.

Soomaalida oo  shanta qaaradood ku baahansan, dalal iyo magaalooyin badan  ayey ka dhiseen dhismayaal qurux badan oo muraayado halalac leh.  Sidoo kale, waxay ka yagleeleen ganacsiyo iyo horumarro baaxado weyn, oo laga macaasho malaayiin doollar.  Waxa ugu badan ee ganacsiyadahaa ay ka hirgalsheen dalalka deriska nala ah ee ku yaal bariga Afrika.

Waxaa intaa dheer qaar badan oo Soomaalidaas ah waxay caan ku noqdeen  ka soo muuqashada siyaasada dalalka ay tageen, sida; Maraykanka oo ah kan ugu tunka dunida.

Hubaal, waxaa ammaan iyo bogaadin mudan in ay jiraan tiro yar oo Soomaal ah,  oo u guntatay sidii ay ubadka Soomaaliyeed hab barid casri ah loogu dhigo aqoonta, looguna reebo dhaxal wanaagsan dhallinyarada oo dhan, si ay u badbaadshaan afkooda, fahamkooda iyo dhaqankooda.

Haddaba, waxaan si kal iyo laab ah ah ugu hambalyeynayaa, aniga oo aan marnaba qoraal dhawr sadar ah ku soo koobi karin bogaadinta ay mudan tahay Marwo Nimco Noor oo daggan magaalada Helsinki ee dalka Finland.

Waa tuma Nimco Noor?

Nimco Noor waa macallimad u shaqeysa wasaaradda waxbarashada iyo barbaarinta ee dalka Finland qaybteeda degmada Helsinki. Nimco waa u xubin ka mid ah golaha fulinta ee Glob Somali Diaspora; Golaha Soomaalida Dibadda.

Nimco waa qoraa qortay buugaag dhawr ah, oo isugu jira kuwa carruurta iyo arrimaha bulshada ah. Bartanihii sanadka Nimco Noor wax ay soo saartay markii u horreysay taariikhda Soomaalida kaarakar ciyaar xusuuseedka ka jira caalamka intiisa kale oo soomaali ah (memory games) sidaa oo kale, waxay taariikhda Soomaalida  markii ugu soo saartay applicatoin waxbarasho oo ay carruurtu ku ciyaarto, iyaga oo waxbarasho ku jira, sida oo kale samysayna.

Haddaba, 25.11.2020 guusha weyn ee u soo hoyatay ummadda Soomaaliyeed waxa ay tahay, in Wasaaradda Waxbarashada iyo Barbaarinta ee dalka Finland iibsatay agabkii waxbarasho ee ay Nimco Noor in ay soo diyaarisay ka sokow ay soo saartay. Guushaas waxaa hubaal ah, in ay sharaf u tahay bulshada Soomaaliyeed oo dhan, gaar ahaan kuwooda deggen qaaradda Yurub siiba dalkaa Finland.

Dalka Finland wuxuu safka hore kaga jiraa dalalka hoggaanka u haya waxbarasho aasaasiga ah, oo ay ku muteen qaababka waxbaridda, maaddooyinka la barto iyo macallimiinta barta, haddaba, waxaa cad oo aan la qarin karin, in agabkaas uu ahaa mid tayo sare leh, madaama waddan horumarka noocaas ah leh ay qorsheysteen in ay iibsadaan.

Mar aan Nimco Noor weydiiyey aragtida ay ka qabto qurbajoogta Soomaaliyeed ee ku nool caalamka, waxay Nimco sheegtay in; bulshada Soomaaliyeed ay yihiin dad aad u firfircoon, leh maskax firan iyo kal adayg, balse ay jiraan in badan oo aan waqtigooda uga faa’iideysan sidii loo baahnaa. Nimco ayaa ugu baaqaysa bulshada qaybaheeda kala duwan, in hadalka loo baddalo waxqabad muuqda iyo fal loo aayo.

Nimco Noor waxay intaas ku dartay, in ay ugu baaqayso qurbajoogta Soomaaliyeed, in qof walba dalka uu jooga inta uu ka/ku wanaagsan yahay laga soo qaato loogana faa’iideeyo dadkeenna ku nool dalkaa, ka dibna dalkii hooyo loo sii gudbio inta karaanku yahay oo inaga keliya ina sugaya.

Buugaagta, kaararka citaar xusuuseedka iyo application-kaba waxaad ka helaysaa website-ka: www.ilayspublisher.comoo ah madbacad ay maamusho Marwo Nimco Noor.

Guntii iyo gebogebadii waxaan mar kale hambalyo iyo bogaadin  u dirayaa macallin Nimco Noor, aniga oo guul badan u rajaynaya.

Taageer aqoonta iyo waxsoosaarka maskaxeed, si aan hormarmar u wadagaarno.
W/D: Faarax Cali

SHEEKOOYIN