Booyaasad Mise Boqorad? W/Q Naciima Abwaan Qorane (Af-Barwaaqo)

 

booaas

Booyaasad Mise Boqorad?

  1. B) Riyada gabadha: Gabadh kastaa waxay maanka ku haysaa inay hesho nin ula dhaqma sida boqoradda inta aanay guursan ka hor. Waxa ay ku riyootaa nin ula dhaqma siday diintu sheegtay xaqii Ilaahay siiyayna aan xaqirin.
  2. T) Deganaanshaha gabadha: Gabadh kastoo adduunka guudkiisa ku nool waxay degtaa oo xasillooni nafeed dareentaa markay haysato say (nin) jecel, koolkooliya, kor u qaada, qayrkeed dhaafiya, dareensiiya in ay tahay tii kaliyahayd ee qurux lagu tilmaamay, oo tusa inay tahay gabadha adduunka ugu sarreysa.

Laakiin markaad eegto ragga Soomaalida 98% hab dhaqanka qoyska way ku liitaan; haddii aad u dhug yeelato isla daqiiqaddiiba waxaa maankaaga ku soo deg-degaya weydiinta ah: gabadha gurigan joogtaa ma booyaasaddii (jaariyad) gurigaa mise waa boqoradda guriga (xaaska)?

       1-Dhaqamada taban ee ragga: Haddii aad tihiin ragga Soomaaliyeed waxaad ku xun tihiin had iyo jeerna dumarkiinu idinku dhalliilaan maxaa ka mid ah? Tusaale, ninku had iyo jeer gabadha wuxuu ula dhaqmaa sidii ay tahay booyaasad, isagoo aaminsan inay iyadu hawsha guriga qayb u heshay, waajib na ay u leedahay inay iyadu fuliso.

Hawl kastoo guriga ka jirta hadday uur leedahay, hadday umusho, hadday dhiigga caadada leedahay, iyo hadday bugto intaba, iyada ayaa lagu khasbaa ama ku khasban inay qabato! Isla jeerkaasna waxaa u dheer naxariis la’aan joogto ah, hadal qallafsan, ixtiraamka oo hooseeya, gabadha oon la siin muhiimadda, iyo iyadoon la ogaan baahiyadeeda gaarka ah.

       2-Aragti: Ninka ragga ah ee Soomaaliga ahi wuxuu xambaarsan yahay aragti ah in gabadhu ay ku eekaato guriga iyo caruurteeda! weliba aanu xilba ka saarnayn inay noloshiisa gaarkaa wax ku soo darsato.

       3- Saaxiibtinnimo: Saaxiibtinnimo aan dhex marin ninka iyo gabadhiisa ugu yaraanna aanu u arkin inay gabadhiisa saaxiibtinnimo wadaagi karaan, iyo in aanu u sheegin ahdaaftiisa nololeed midnaba. Ma aqoonsana gabadhiisu inay tahay qofka keliyaata ee jecel inuu meel gaadho—waxaabu aaminsan yahay in aanay waxba ku biirin karin talana goyn karin.

       4-Xilliga qilaafka: Lammaanuhu markay isku dhacaan ee la weydiiyo maxaad isku haysaan, wuxuu ninku leeyahay maxay iga rabtaa sawniga biilkeeda siiya! deedna waxaad is waydiinaysaa: baahida gabadhu ma biilbaa mise ninka baahi jinsiyeed ayaa u keentay

       5-Feker qaldan: Oo ah in aanay gabadhu nin la kulmi karin sida in aanay saxiib yeelan karin ay afkaar wadaagaan, ama saaxiib shaqo.

       6-Is beddel: Waxaa iyana jirta ninku in aanu jeclayn inay gabadhu wax soo kordhiso isla jeerkaasna ay noqoto caan, iyo in aanu jeclayn inay gabadhu meel sare gaadho; waayo wuxuu rumaysan yahay gabadhu hadday meel sare gaadho in aanu maamuli karin.

       7- Ahaanshaha ninka: Waxay u badan tahay ninka ragga ah ee Soomaaliga ahi inuu yahay danayste jecel in uu isagu meel gaadho laakiin aan gabadhiisa wax ba u oggolayn. Badi kuma dedaalo inay gabadhu meel gaadho uu la qaylamo mana aaminsana inay horumarka gabadhu tahay isaga guul u soo hoyatay.

       8-Amar: Waxaa iyana jira amar uu ninku gabadha amro isaga oo jecel sax iyo qaladba inay gabadhu qaadato oonay ka doodi karin amarkiisana diidi karin, hadday qaadan waydana waxaaba la arkaa qaarkood inay dumarka gacan saaraan, halka qaar kalena kaba cadhoodaan.

  • Tusaale toolmoon: Haddaba nin yahaw aan ku siiyo talooyin wax ku ool ah haddii aad qaadatana aad ku liibaani doontid if iyo aakhiraba, kuwaasoo kuu horseedi kara xasillooni nololeed.

       B-Lasaaxiib xaaskaaga: Xaaskaagu keliya yaanay noqon uun shaqsi ku kooban nolosha guriga balse ka dhigo saaxiibkaaga koowaad ee geeddi socodkaaga nololeed iyo gacantaadii midig oonad ka maarmi karin. Tusaale ahaan, si aydaan u noqon dad kala ujeeddo iyo kala sir ah. La tasho tallaabo kasta ood qaadayso ileen iyadu waa qofka qudha ee jecel horumarkaaga’e.

       T-Ku faan xaaskaaga: Ku faan xaaskaaga waxay ka heli doontaa kalsooni dheeraada iyo inay kol walba ka fekerto raalli gelintaada. Waxa aanay dareemi doontaa inay iyadu tahay boqorad ninkeedu jecel yahay.

Xaaskaagu waxay u baahan tahay in aad siiso wakhtigeeda. Marka aan ku leeyahay in aad siiso wakhtigeeda taas macnaheedu ma ahan xilligaad u galmoonayso uun inaad wakhti siiso, ama haddi aan si kale u dhaho maaha daqiiqadaha raaxadda gogosha oo keliya inay wakhti kaaga baahan tahay; waa in aad wakhti siiso mar wal ba oo ay kaaga baahato oo aad awoodo iyo jeer walba oo aad adigu u hesho.

       J-Gabadha dareensii: Gabadha waa inaad dareensiisaa inay tahay boqorad una sheegtaa in ay jiraan wax yaabo aad ku soo dooratay oo ay dumarka intooda kale kaga geddisan tahay. Ku dheh hadal naxariis badan kaa soo had iyo jeer dareenkeeda beddeli kara, una adeegso hadalba hadalkuu ka macaan badan yahay.

Qaad gabadha sida canug yarood dhashay, tusaale, marka aan ku lee yahay qaad gabadha kuma lihi sidii kiish milixa u xammaal, laakiin waxaan u jeedaa qaadis gacaltooyo. Dhunkashada u badi kalgacalkay kordhiisaayee; goorkasta ood aragto dhunko oo laabta geli, dhunko markaan ku leeyahay maaha inaad ilkaha ku muddo, ee waa inaad si dareen naxariiseed ku dheehan tahay u dhunkadataa.

       X-Mahadcelin: U mahadceli gabadhaada xilli walba iyo xaalad walba una sheeg inay noloshaada kaalin muhiima kaga jirto iyada la’aanteenta aanay noloshu kuu dhamays tiranteeen. Sideed gabadhaada ugu mahad celinaysaa? Mar kasta oo ay wax kuu qabato u mahadnaq haba yaraato ama ha badnaatee, waayo mahadcelintu waxay ka mid tahay wax yaabaha quluubta bani’aadamka isku soo dhaweeya.

 

KH-Gogosha: Raaxadu maaha uun daqiiqada sariirta, nolosha lammaanaha oo dhan ayaa raaxo ah haddii sida loogu talo galay loo wada noolaado. Xigmadda ka dambaysa in nolol la wadaago ayaaba ah isku xasilidda raaxo isku dheelli tiran. Gabadha in taadan u galmoon ka hor sida ugu qurux badan ugu raaxe, tusaale, in aad istiimiso meel walba oo jidhkeeda ka mid ah adiga oo dareen keeda kicinaaya gaadhsiinaayana ilaa heerka ugu sarreeya.

       D-Xilliga galmada:. Marxaladda galmada dhexdeeda u adeegso ereyo dareen ahaan kicin kara, adigoo raalli ahaansho heeda dhawraaya. Xilliga wasmada ka gadaal, u mahadceli gabadhaada una ducee intaad dhabta saarto, una sheeg gabadhaadu in ay qayb libaax ka qaadatay, isla jeerkaasna iyadu raaxada idiin bishay dhadhanna u yeesho. Sidoo kale dareensii inay tahay marwo dii uu waligiiba ku riyoon jiray iyo inay tahay hadiyad qaaliya oo xagga ilaahay uga timid.

       R-Dhiiri geli: gabadhaada una sheeg inay tahay hooyo fiican oo bulshada tuusale qurux badan u ah, haddii ubadkiisa uu hooyo fiican u doori lahaana aanay jirin hooyo ka wanaagsan uu u heli lahaa. Caawi gabadhaada marxalad kasta oo lagu jiro si aad u farxad galiso waayo Nabiguba (N.N.K.A.) dumarkiisa waa caawin jiray, jeerkastood wakhti hesho garab ku sii hawlaha u yaalla.

       S-Haddiyad: U hadiyadee gabadhaada wax yaabaha ay jeceshay haba yaraadaan ama ha badnaadaane, waayo hadiyaddu waxay ka mid tahay waxyaabaha kor u qaada kalgacalka lammaanaha, Nabigeenna (N.N.K.A.) ayaa yidhi “isku hadiyadayeeda aad is jeclaataane”

Banaanka gee xaaskaaga, wakhtiyada aad firaaqada leedahay idiinkoo xusaaya xilligii haasawaha, ileen waatii hore loo yidhi “xoorkii laga dhamay xagaagii iyo xasuusbaa geela lagu xergeeyaa”, sidaa darteed noloshu xasusuta kama maaranto.

       SH-Khilaafka: Qaladkasta oo dhexdiinna yimaada isku day in aanay cidi idiin xallin ama aanu idinka idin dhaafin, sababtoo ah waxaad idinku xallin kari waydaan cidna idiin xalin mayso idinkunbaa ama heshiin kara ama kala tagi kara, ku dedaal in aad masuuliyadda qilaafka dhabarka u ridataan kaligiin.

Sidee loo xalliyaa qilaafka? Xilliyada cadhada halla hadlin gabaddhaada isku day intay dagayso in aanad wax hadal ah meesha keenin. Xiliga cadhadu badato xalkaa durka, horaana loo yidhi ul kulul waala illaabaa lakin hadal kulul lama ilaabo, sidaas darteed laga yaabaa hadal aanay kuu quudheen xiliga farxadda inay cadhadu ka keento ood ilaabi waydo.

       DH-Xalka qilaafka: Banaanka u saar xaaskaaga adigoo waliba ku marti sooraaya, ammin qumman, goob quruxsan. U xul oo u dooro kob ku habboon is fahankiina ood is leedahay iyadana way raalli galinaysaa. Sidee loo bilaabayaa hadalka? u soo araaro adigoo tusinaaya in qilaafku badanaa dadka dhexdooda ka dhaco laakin loo baahan yahay lammaanuhu inay xalliyaan sida ugu quruxda badan, hadalo naxariis leh kula hadal, dareensiina in aanad u dul qaadan karin kala fogaan shihiina.

       C-Xididka: Xidhiidhi xididhka gabadhaada adigoo ula dhaqmaaya sida dhaqanka iyo diintuba qabaan, u gud abaalka ay kuu galeen ileen gabadhaas dhan ayay ku soo tabceen mana gudi kartid abal koodee ugu yaraan xus oo xasuusnaw.

       G-Dulqaadka: Xaaskaagu hadday kulushay isku day in aad dajiso markasta ood nolosha samir iyo dulqaad ku wajahdo, waayo dumarka sidaa maaha iyo sabaalo ayaa lagu dhaqaa.

       F-Is bedelka gabadha: waxaa jira xillliyo ay gabadha xaaladdeedu is badasho taasoo ku keenta cadho iyo diiqad badan sida xilliga ay dhiigga caadada ledahay iyo marxaladda uurka labadaba. Ninka raggii waka marxadahan gabadha fahmi kara lana dabaalan kara. Isku day in aad is bedalka gabadha sida ugu togan u maamuso.

       Q-Aamusnaanta: Ninyahaw ha noqon nin aamusan waayo dumarku way neceb yihiin nin aamusan, muuji furfurnaan dheeraad ah dareensiina gabadhaadu in ay waxkasta kugula dhiiran karto waayo qof aamusan qofna waxba lama wadaagi karo, gabadhuna laga yaabaa in ay u qaadato in aanad danayn amaba rabitan jirin.

       K-Toosin: Isku day gabadhaadu hadday qaldanto inaad saxdo waayo bina aadamku waa qaldamaa qofna nolosha kaligii isma bixiyo, Sidoo kale hadday wax fiican samayso ugu hambalyee kuna dhiiri gali si ay usii kordhiso.

       L-Sirta gabadha: Sirta gabadhaada xafid, Tusaale ahaan, haka sheekaynin marxaladaha sariirta ee xaaskaaga iyo waxkastoo idinka idiin dhexeeya waayo adigu waxaad tahay hugii gabadha asturaayay.

       M-Baraarujin: Ku baraaruji gabadhaada xuska ilaahay iyo ku dhaqanka diinta islaamka gurigiinuna yaanu noqon guri ka madhan xuska ilaahay, guri kastaaba intii ilaahay lagu xuso ayuu guryaha kale ka qabaw yahay.

       N-Talo waddaag: Tallaabo kasta ood qaadayso talada gabadhaada la wax ka sii waa qofka ugu horeeya ee jecel horumarkaage, amaba hadday talo kusoo jeediso wanaagsan qaado, haddi taladay kusoo jeedisaa qaldan tahay ama aanay kuu cuntamin ugu yaraan ha tusin inaad diidaye qalbigeeda ilaali.

       W-Qancin: Qofka in aad amarto iyo in aad ku qanciso waxaad rabto, waxaa qurux badan in aad ku qanciso waxaad rabto, deetana hadduu qanco hadhaw si caadiyay iskaga soconaysaa. Haddaadse amarto intuu kaa baqdo ayuu yeeli waxaad rabto, hadhawna gadaashaa ayuu waxkasta ka samaynayaa, ama wuu qaadan waayi oo goobtaas qilaaf iyo is fahmi waabaa ka dhici.

Inta badan soomaalidu waa wada amar woxoodu tusaale, ninku gabadha wuxuu odhanayaa, nayaa waa in aad sidan samaysaa sidaasna yeeshaa, maba jirto macan waxaas ma samayn kartaa? fadlan. Waxaa fiican qofka in aad ula dhaqanto qaab ah in aynu qancin karno, isla markaana naxariis iyo ixtiraam u muujino.

       H-Abaal marin: U abaal gud marwo daada haddii ay jirto xilliyo adag oy kula soo gaylantay, sida in ay kaalin wayn ka qaadatay halgan aad u gashay mid ka mid ah ahdaaftaada, ama dhib kugu timid oy kula qaybsatay. Gudoon sii shahaado sharaf way mudan tahaye.

       Y-Talo soo jeedin: Ragga soomaaliyeed waxaan kula talin lahaa yagleelidda qoyska ka hor in uu isku diyaaro masuuliyadda qoyska, wax na ka barto culuumta qoyska wanaagsan iyo habdhaqanka toolmoon ee gabadh iyo reer lagu dhaqo, waliba uu xoogga saaro barashada malxaladaha dumarka ee is ged-gediya.

__________________________________________________________________________________________________________________

Dhammaad

__________________________________________________________________________________________________________________

 

W/Q Naciima Abwaan Qorane (Af-Barwaaqo)

Foolbuug: Naciima Abwaan Qorane

Email: nacimaqorane@gmail.com

 

SHEEKOOYIN