Booyaasnimo Sucuudi Mise Bayhoofka Soomaaliya? W/Q: Axmed-Assad

12042732_1620801831503333_9122837074927467046_n

Booyaasnimo Sucuudi Mise Bayhoofka Soomaaliya? W/Q: Axmed-Assad

Soomaalidu waxay tidhaahdaa: Ibleeysna Nin Hooyadii Jiidda Waa Yahay, Habar Shaydaanna Wax La Jiiddo Way Tahay! (Sucuudina Wax Loo Khadaamo Maaha, Gaajana Wax La dugsado Maaha!)

Xaalka maanta ee Sucuudigu wuxuu la mid yahay, waraabihii habeenka arkay dameerta hillibka lagu soo raray, ee u qaadan waayay! Wuxuu naftiisa kula xanshaashaqay, toloow marka hore ma hilibkaad cuntaa, mise dameerta lafteeda ayaad ka dharqataa! Markaasuu farxad darteed dameertii ku salaamay, “Naa Hilib-hilib siddaay bal warran?” Sayte, “Naagay watee bal warran!” Bal doqonimadeeda may ku ekaato waa lay wataa kaliya!

Yeelkeeddee, bal aynu maanta is barbar dhigno 9ka alhuumo ee boo’isooyinka kaga dhici kara Sucuudiga iyo 9ka masiibo ee ay hadda qabbaan!

1-Gunnimo Mise Gaajo

2-Booyaasnimo Mise Shaqo la’aan

3-Xaquuq la’aan Mise Lacag la’aan

4-Xadgudub Mise Tahriib

5-Kufsi Mise Kufsi

6-Bahdil Carab Mise Magafe

7-Dulli Mise Tuugsi

8-Garcasho Mise Agoon korin

9-Jidh-dil Mise Qarax & Collaad

Xilli hillaaddii ku quman 1970-naadkii ayaa la isugu yimi shirkii Africanka ee OAU. Waxa si kulul loo cambaareeyay gumaysiga ay cadaanka tirada yari ku hayeen dalalkii waagaa isticmaarku haystay oo ay ka mid ahaayeen, Koonfur Africa, Namiibiya, Musambiik, Angoola, Zimbaabwi IWM. Markii la soo gaadhay tookadii Soomaaliya hadli lahayd ayuu Siyaad yidhi, “Afrikaay Marka Hore Aynu Inagu Kala Xorowno!” Haddaba, miyaanay maanta haboonayn inaynu inagu collaaddaha dhexdeena ah joojino?

Walaalkayoow/walaashayeey haddaad ka gubanayso gabdho Soomaaliyeed baa Sucuudi booyaaso u noqonaya, wali waxaad tahay qof nool oo Soomaali ah oo sidiii Mataan Ciiddeed markii waranka lagu dhuftay uu xaaskiisii ku yidhi, “Xabiibi timaha quruxda baddan ciidda & dhiigga iiga qabbo intaan si xayi ah u naf baxayo!” Maskaxdaada waxaa ku jirra hankii & gobanimadii aynu caanka ku ahayn. Ama waxaad tahay Zia Ul Xaq-qii madaxwaynahii Bakistaan oo markay Hindiya Nayuukleerka samaystay dadkiisu ku yidhi, “Waa inaynu cawska cunnaa illaa aynu Nuyuukleer ka samaysanayno!” Ama waxaad aaminsan tahay maahmaahdii ahayd, “Waad baahan tahay bakhtiga looma cunno!” Dhammaantoodna waad ku saxsan tahay, anna xaashaa lillaahiye kugu eedayn kari maayo maxaad han iyo gobanimo ku calmatay, kamana diimooni dareerkaaga xalaasha ah, laakiin geellaa waxa loogu heesaa, “Laaca Aragtaye, Laagta Ma Og Tahay!”. Ogoowna, diindeena suuban bakhtiga cunistiisu waxay banaan tahay marka macaluuli ku hayso!

Raali ka ahoow haddaan garashadaada ku gafay! Waan ogahay inay boo’isada Roma ka mushahaar badan tahay midda Jiddah! Waan ogahay in Talyaaniga kufsada gabadh xabsi uga dhaw yahay Carab tolkii la joogga!

Laakiin, su’aashu waxay tahay, haweenkeena inagu marka hore ma sharfi karnaa? Caruuraheena agoomaynta maka deyn karnaa? Wabiyadeena burqanaya, badaheena waawayn, shidaalkeena & khayraadkeena dihin maka faa’iidaysan karnaa? Qabyaaladda, Musuqmaasaqa & Collaadaha ma joojin karnaa? Hadaynaan sidaa yeeli karin, tolloow maxaynu ugu jawaabi doonnaa qofka inagu yidhaahda, “Muslinnimo ninkaan igu dhaqayn, muuminnimo khaas ah, gaal maxasta ii koriya oon magansadaa dhaamma!” ama gabadhii Sucuudiga u dhooftay seban hore ee tidhi: “Wallee ama TATA (gaadhi) sheenay (keenay) ama tartariiqmay!”

Haddiibase ay dhacdo in gabdhaha Soomaaliyeed boo’isooyin ka noqdaan Sucuudiga si loo yareeyo dhibaatooyinka ku dhici kara waa in:

1-La siiyaa tababar 30 cisho ah oo ku saabsan xaquuqdooda & shaqada

2-Laga furraa Sucuudiga xafiisyo badan oo suggaya danta shaqaalaheena

3-La hubiyaa in reerka loo shaqaynayaa lamaane huffan oon dambi hore u galin

4-Loo furraa khad taleefoon cabasho oo 24 saac/Maalin kata oo Afsoomaali ah

5-La xaqiijiyaa inay helaan mushahaaro u qalanta saacaddaha shaqada

6-Loo xil saaraa guddi isku dhaf ah oo ka koobban hay’ado Islaami & Samafal iyo wakiilo ka socda Wasaaradaha Haweenka & Shaqaalaha. Tani waxay yarayn kartaa musuqa si aanay koox-yari dhididka iyo dhiigga haweenka u dillaalin!

“Afkii Baa Juuqda Gabay!”

W/Qorray: Axmed-Assad M. M. Awaare

Kala soco Facebook.com/MURTISOOR : Twitter.com/AxmedAssad

SHEEKOOYIN