BOQORTOOYADII SILCIS iyo BOQORTOOYADII AL-AMIIR Qore: Yaxya Caamir

BOQORTOOYADII SILCIS iyo BOQORTOOYADII AL-AMIIR

13256464_1121447371230328_6253801960588461342_n
ARAAR: Qoraalkan macnihiisu ma ahan,somaliya oo dhibaatada qabiil la ciirciireeysa in aan taariikh qabiil barayo, ee qoraalka si aragti gaaban ha u fiirin ee u fiiri taariikh qaran ahaan,waxaan xasuustay in iskoollada naloogu dhigi jiray taariikhda boqortooyooyin yar yar oo ka jiray,Hindia,shiina, carabta iyo yurubta qaar,sidoo kale fasalka 8daad waxaa naloogu dhigi jiray boqortooyooyin yar yar oo ka jiray south Afrika sida Boqortooyadii SHAKA,kuwii Sinigaal iyo Naygeeriya oo dhul iyo awoodba ka yaraa kuwii Somalia ka jiray oo aan ayaga lagu darin duruustii berigaa ay noo qorsheeysay wasaaradii waxbarashadu.

BOQORTOOYADII SILCIS
Jabkii Ujuuraan k addib waxaa soo baxay Qabaa’iil kale oo iyaguna xoog wax ku qabsaday, kuwaa waxaa ka mid ahaa Boqortooyadii Silcis oo qabsatay inta badan dhulka Sh/hoose, laba fikir ayaa jirta: mid wuxuu leeyahay awooda Siicis waxey aheyd mid meesha qabsatay markii Ujuuraanka la jebiyay ka dib, fikirka kale oo inta badan la isku raacsan yahayna wuxuu leeyahay horayba silcisku wuxuu uga tirsanaa askartii Ujuuraan wuxuuna ahaayeen kuwii uga wakiilka ahaa Sh/hoose iyagoo ahaa Qabiil aad u xoog badan, Fiiri Marqaati (FM) buugga The Shaping of the Somali Society bogga 94-aad, waxaa kale oo caddeyn laga heli karay: Cali Cumar Goyle, Yuusuf Nuur, Aw C/laahi Xasan oo reer Afgooye iyo Xamarba ahaa.
Si kastaba bartamihii qarnigii 17aad Afgooye iyo nawaaxigiisa waxaa ka jiray xukunka Silcis oo dadku ay ku tilmaameen inuu ka naxariis darnaa kii Ujuuraanka, waxeyna badiyeen canshuurtii laga qaadayay miraha beeraha, kadibna waxey bilaabeen iney canshuur ka qaadaan xoolaha biyaha Wabiga ka cabaya, FM bogga 111 ee buuga Dr Lee.(((Soo noq noqosha da taariikhda waxaa laga yaabaa in xoolo Silcis leeyahay maanta laga canshuuro biyaha Wabiga Afgooye))).
maamulkii Silcis kuma ekaan inuu canshuur qaado, ee waxey dadka ku khasbeen iney ku soo dukadaan salaadda masjid ku yaal meesha la yiraah “Lama Jiidle” oo Afgooye loo yaqaan maanta halkaa oo aheyd xarunta maamulka Silcis, iyadoo aan laga hor imaan karin amarka suldaanka Silcis Gorgaati, sidoo kale raaciyaha ku hoos noolaa xukunka Silcis waxaa lagu khasbay iney guryahooda kor ka saaraan SAAB (Conical Wicker-Basket) si ay u muujiyaan iney xukunka Silcis ogol yihiin, qofkaan gurigiisa Saab kor ka saarinna waxaa loo aqoonsanayay Silcis-diid.

13221480_1121447591230306_6523728006955864038_n
Ugu dambeeyn maamulkii Silciska waxaa ka carooday Galladiga iyo Wacdaan oo sameystay isbaheysi ilaa manta jira.Isbaheysigaa Gellediga iyo Wacdaan ayaa jebiyay Silciska billowgii qarnigii 18-aad FM buugga Dr. Lee bogga 94 iyo buugga kale ee Social Structure ee Luling bogga 36aad. Sida ku cad qoraalka Luling ,Suldaankii ugu dambeeyay silcis wuxuu ahaa Suldan : Cumar Abuukar Abroone, gabadhiisa Ambiya Suldan Cumar iyadoo wadata adoomankeeda ayeey maalin kasta beeraleeyda Wacdaanka iyo Galladiga ka soo uruurin jirtay galeey canshuur ah, taa oo aheyd in hal suus oo galeey ah guri kasta uu bixiyo Maalin kasta, taa oo ayna awoodin dadka qaarkii.qoraalka Virginia Luling waxaa kale oo ku qoran in Maalin Ambiya suldaan iyadoo cashuur ururinee ay soo garaaceen Galladi cashuur diid ahaa. Markii ay aabbaheed u timid ayuu yiri: maanta waa la i afgooyay “they have cut off my mouth“, oo uu ula jeedo maanta wixii aan quud ahaan u heli jiray ayaa la iga hor istaagay oo afkaa la i qabtay. Halkaa ayaana magacii laba jidle lagu badalay magaca Afgooye. Kadibna silciskii waxa ay noqdeen gob jabtay oo kala firxatay.( i Seles sono ridotti a piccoli raggruppamenti sparsi lungo lo Scebeli da Afgoi a Bulo Mererta”) waa sida qoraalka Luling ku Qorane.
sida qoraalada taariikhda ku qoran,silciska Qaaarkood ayaa u soo guuray dhinaca warshiikh qarnigii 19aad, talyaaniga ayaa heshiis nabadeed la saxiixday duqeeydii Abgaal iyo Silcis ee warshiikh bishii Agosto 26.1894, kadibna talyaanigii ayaa sanadkii 1897dii nabadoonka warshiikh u magacaabay Xaaji Macow Macalin Cilmi oo Silcis ahaa.Bacdamaa ay ahaayeen dad ilbaxnima hore lahaa sanadkii 1951 dii ayaa odayaal badan oo silcis ahi dacwa u gudbiyeen Jamciyada quruumaha gudigii maxmiyada (United Nations Advisory Council for the Trust Territory of Somalia under Italian Administration) ayagoo ka cabanaya in dhulkii silcis talyaanigu qaatay, ayagoona ku doodaya in ay wakiil ka yihiin Silciska ku nool magaalooyinka : Warshiikh,Jowhar,Harar, Jigjiga Afgooye iyo Mogadishu.koobiga dacwada waxa aad ka helee kaydka UN ka.

13244817_1121447147897017_7062477626709354943_n
BOQORTOOYADII AL-AMIIR.
Silciska oo kaliya ma aheyn Qabiilladii Sh/hoose degenaa ee ka faa’ideystay jabkii Ujuuraanka, kaddibna qabsaday xukunka qeybo ka mid ah deegaanka, Waxaa ka mid ahaa AL-AMIIR oo qabsaday xukunkii magaala Marka.
Al-Amiir oo horayba intii Ujuuraanku joogay kacdoon uga waday duleedka magaada Marka ayaa qabsaday Xukunkii Marka, FM buugga L. V. Casanelli iyo warbixinta Guillian ee 1847 isagoo leh Al-Amiir waxey awoodoodu jirtay 1650-1700 asalkoodana waxey ahaayeen Abgaal Xamar ka yimid, haddii mudadii halgankooda laga saaro dhab ahaan waxey Al-Amiir Marka xakumayeen 34-sano sida ku cad dokumentiga saddexaad ee Guillian Nambarka 3,43,127 iyo 141, isagoo leh xukunka waxaa ka qabsaday qabiilka Biyamaalka garnigii 17aad ka ddib markey Al- Amiir iyo dadkiisii ay gurmad ka waayeen Abgaalkii Xamar joogay.(( (Waa sida soo nog noqoshada taariikhda ah oo Abgaalku ayna isu gurman))).
Labada qoraa ee Lee iyo Guillian midna buugiisa kuma faah faahin halka ay ku dambeeyeen Al-Amiir iney dib xukunka ugu soo noqdeen, iney sii socdeen iyo in halkoodii lagu cirib tiray. inta badan Sh/hoose waxey aheyd goob dagaal 500-sano ee u dambeysay, oo marba maamulo iyo kacdoono is daba joog ah ayaa jiray. Iima suura galin in aan helo sawiradii boqorada ,laakin waxaan helay sawirka Afgoye qarnigii 17aad oo ay talinayeen.

FG: Ma ahi taariikh yaqaan ku taqasusay taariikhda sidaa darted Qoraalkan ,wax waad ku kordhin kartaa, sixi kartaa,dhaliilina kartaa.

 

Qore: Yahya Amir

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.