Bulshada iyo bandhigyadii Hilaadin W/Q: Bashiir M. Xersi

Bulshada iyo bandhigyadii Hilaadin 

Qoraal ma ahan hawl fudud, oo wuxuu u baahan yahay aqoon, ogaal iyo aqool (tabo) badan, oo ay wehliso dhabar adayg iyo dulqaad aan wax loo dhigaa la arag, haddana, qorid buug ku ma sii jirto, oo waxaa u dheer magac xulid, manhaj u dejin, maaddo curin, mug iyo muc u yeelid iyo meegaar u xirid ay wehliso jaldi u dookhid, midab raacin iyo ku aslid farriinta buugga.

Qoriddii buugga Hilaadin wuxuu ii ahaa gelid albaab aan hortaagnaa gu’yaal badan (dhawr iyo toban gu’), anoo awood iyo itaal u lahaa, haddana, mar walba aan is lahaa; maalinteeda sug, ha ka hordhicin, si aadan ugu dhex kufin.

Hilaadin markii aan bandhiggiisa qorshaynayey, wax walba ee u horyaallay ayaan ka hormaray ee hawl maalmeed, hagid nololeed iyo han kale ahaa. Isaga keliya ayaan u soo firaaqo noqday, si aan ugu helo ammin ku filan iyo ayaamo aan haaneediyo.

Bandhiggii koowaad ee Hilaadin illaa kii u dambeeyey, oo qaatay afar bil ku dhawaad waxay ii ahaayeen maalmo farxadeed iyo faxfax aad bana uga maqsuuday.

Madka waxaan rabaa, in magacayga iyo magaciinna aan ugu mahadceliyo intii bandhig dhacday mudanayaashii iyo marwooyinkii soo qabanqaabiyey, oo la’aantood aan waxba qabsoomeen. Magac haddaan xuso, waan hubaa, dad baan tagayaa, marka idinkoo is ku duuban; mahdin badan dhammaantiin. 

Sidoo kale, waxaan u mahadcelinayaa mudanayashii iyo marwooyinkii iga la qaybqaatay bandhigga, ee buugga, qoraalka, aqriska iyo waayaheenna nololeed i la gudbiyey.

Bandhigyadaa waxaan ku soo bartay dad badan, oo magac, milgo iyo maamuus bulshada ku dhex leh, qaar magacooda ayaa maqal keliya igu ahaa, oo muuqooda ayaa ii dhimmanaa, qaar kale, magacooda waan hayey iyo muuqooda, ee kulankooda ayaa ii harsanaa, qaar kale markaa ayaa magac iyo muuqba iigu horraysay. Barasho wanaagsan.

Dhanka kale, waxaan u mahadcelinayaa, ka qaybgalayaashii, danahooda iyo hawlahooda u soo baajiyey bandhigga Hilaadin awgii. Qalbigaad ku taalliin.

Si la mid ah, waxaan mahadda ku darayaa, qof walba, oo Hilaadin ka gatay bandhigyadii aan qabtay ama meelo kale, ee buugga laga heli karo, oo aan dhawaan idin la wadaagi doono, iyadoo faahfaahsan. Hilaadin hesheene hiliq ka dhaha.

Guntii: anigu buuggii qoray, haddana bandhigay, oo idin soo gaarsiiyey, marka wixii hadda ka dambeeya waa kaalintiinnee, waxaan idin kaga fadhiyaa gorfeyn, dhaliil, naqdin iyo weliba haddii loo baahdo dhaleeco. Soo dhawaada.

Hoosaasin ma rabo, oo Aadane wax uu sameeyo iin iyo eel ka ma marra, haddaba, ha is dhihin waa Bashiire u tur ama ha ku tiigsan. Marka aad saas samayso, ani waad i dhagartay, adna waad is hafartay, ee ani ii ma roonaan, adna isu ma run sheegin.

 

DHAN.

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

https://bilediraac.wordpress.com/

SHEEKOOYIN