Bulshadii Buktay!‏ W/Q: Naciima Xasan Xuseen

Qabyaalada_Keydmedia-620x330

Bulshadii Buktay!‏

 

Dugsi ma leh qabyaaladi, waxay dumiso mooyaane!” abwaan Tima cadde

Waa sheeko dareen qabyaaladeed xambaarsan. Waxaa ii warramay mid ka mid ah saaxiibadayda ii dhadhaw, waxay tiri:

Waxaan ku dhashay, ku koray, kuna waxbartay magaalada Muqdisho. Waalidkey iguma barbaarin inaan Qabiil dartii wax ku jeclaado ama ku noco. Qabyaaladda dalkeenna hareysay ima aysan i saameyn, oo waxaan walaal iyo wadaayba u arkayay qof kasta oo ay na mideyso afkaar toosan, dadnimo, diin iyo waliba dhaqan.

Balse arrintii iigu darneyd ee aan la kulmo noloshayda waxay ahayd in Qabiil dartii saaxiibtinnimo la iigu jaray.

Kolkii aan soo gaaray heerka jaamacadeed waxaan ku biiray fasal ay u badan yihiin gabdho, waxaan nasiib u yeeshay safafka hore ee fasalk. Waxaan billaabay inaan ardayda kala barto oo sheekeysanno. Waxaan durbaba is fahannay gabdho dhowr ah oo wada socon jiray.

Waxaan billaabay inaan ka ag dhawaado; si aan u la kaashado casharrada Jaamacadda, anigoo markaa dareensanaa inay yihiin gabdho aqoon sare leh. Waxaan billaabay inaan la aqristo casharrada oo la diyaarsado imtixaannada. Waxaan wada soconnaba maalin bay i weydiiyeen xaafadda aan Muqdisho ka daganahy, isla markiiba waxay igu shabbadeeyeen inaan ahay Qabiil hebel; waayo sida badan Xamar waxaa loo kala daggan yahay qabiil iyo jifo.

Nasiib darro, ciddii ay igu tuhmayeen ma aanan aheyn, anna isuma sheegin ciddaan ahay. Balse, iyagu waxay billaabeen inay ii muujiyaan qaddarin iyo tix-gelin anigase la socodkooda iima dhaafsiisneyn saaxibtinnimo iyo soomaalinnimo. Marnaba kuma fakarin inaan qabyaalad wax ku qiimeeyo xitaa waxaa jiray gabdho aan isku qabiil nahay oo Jaamacadda wada dhiganeynay iigama aysan soocneyn ardayda kale.

 

Berigii xaqiiqdayda la ogaaday!

 

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa gabdhihii mid ka mid ah si faduul ah waxay u tiri: “Horta waa innagan gabadhan iska soo dhaweysannee qabiilkeeda saxda ah yaa yaqaanno”?

Waxay is weydaarsadeen kollay haddiiba ay xaafaddaas dagantahay waa qabiil hebel, mid kalaa ka garab hadashay oo tiri; Maya, iyadoo deegaan la kala leeyahay haddana, waxaa jiro dad dhex daggan deegannadooda meelaan ahayn, ee aan raadinno qabiilkeeda dhabta ah.

Waxay isku xilqaameen inay ogaadaan ciddaan Soomali ka yahay. Dhowr maalin ka dibba waxaa loo sheegay inaan ahay qabiil aysan filaneyn! Waxay ku noqotay lama filaan. Naa gabadhu waan ku degdegnaye illeen qabiilkeennaba may aheyn!

Yaab iyo amakaag! Waa la is fiirfiiriyay oo la shuxshuxleeyay, waxayna go’aansadeen inay iga haraan.

Aniga howshooda dhanba waan ka dhaga la’aa, mana ka filan dad aqoon leh oo laga rabo is beddel iyo horumar inay dalka u horseedaan inay qabyaalad dhuuxa iyo lafaha ka gashay.

Waxaa la billaabay in tartartiib la iigu jaro, muusood aan meel jirin iyo mujaamalo la ii wado.

Anigii waan yaabay dhowr weydiimood baan is weydiiyay, meelo badan ayaan wax ka fiiriyay anigoo is leh talow maxaad ka sameysay saaxiibbadaa? Oo maxaa keenay is garab marka, is weydaarsiga iyo is wareysi la’aanta!

Ugu dambeynna waxaan fasalka ka dhex maqlay arrintii ay darteed xiriirka iigu jareen, waana gar waaqsan waayay. Waase dacar la isku dubbaridaye waan iska laqay markii dambe..

Dareenkan oo kale waxa ila wadaagay dad badan, wayna jiri doontaa illaa laga helo wacyigelin sarreyso, iyo in la fahmo in Qabiilku yahay wax la isku garto ee uusan ahayn wax la isku heyb sooco.

 

Farriinta Qormada

 

Inaan ka fogaanno qabyaaladda iyo qurunkeeda, oo aan halbeeg ka dhiganno dadnimada iyo dookha nololees ee saxda ah.

 

W/Q: Naciima Xasan Xuseen

asmaa891@hotmail.com

SHEEKOOYIN