Buugga Cusub ee Sirta Guusha W/Q: Hassan Mudane

0001-1Buugga Sirta Guusha

Hadaad rabto in aad la duusho shimbirka hawada sare maraya waqti badan yuusan kaaga lumin digaagga dhulka hoose socda!

Waxaynu marag ka nahay in qof weliba   heegan ugu jiro siduu uu nolosha ugu guuleysan lahaa, ugana mid noqon lahaa kuwa guuleystay, hubaal iney guushu tahay mid la wada jecelyahay, balse, wax weliba waxay leeyihiin  hab iyo hawl loo maro.

Guusha waxaa barbaryaal guuldaro,  haddaba   haddii  qofku maro  waddo ka  weecsan ama ka leexsan  hooygiisa  waxaa hubaal ah inuu ka habaabayo jidkii qumanaa,  sidaasoo kale hadduu qofku baal maro marinka  hirashada iyo higsiga  libinta nololeed  waxaa hubaal inuu ka ambanayo  dawgii habboonaa .

Aqriste ma doonaysaa in aad barato sida loo guulaysto? Ma rabta in aad hesho buug kaaga sheekeeya guusha aad dalbanayso? Buuggan Sirta Guusha waa bare ku habboon sidii aad ku baran lahayd guusha aad u qalanto, waa hage ku tusiya waddada guusha, waana madal aad u laaban karto marwalba oo aad u baahato in aad wax ka ogaato guusha. Buuggan wuxuu farta kuugu fiiqi doonaa habkii aad ku ugaarsan lahayd guusha aad u baahantahay, wuxuu taabanayaa oo uu kaaga sheekaynayaa sidii aad u guulaysan lahayd, horumar u gaari lahayd, yoolkaagana u xaqiijin lahayd.

Buuggan Sirta Guusha waxaa saldhig u ah labo ujeeddo oo kala ah:

  1. In aad hesho xog muhiim ah oo la xiriira guusha.
  2. Dhaqan gelinta xogtaas adiga oo adeegsanaya hannaanka guusha.

Ugu dambeyntii, buuggan Sirta Guusha waxaan u qoray dhammaan ummada Soomaaliyeed gaar ahaan dhallinyarada si ay ugu faa’ideytaan una bartaan xikmadaha ku dhigan buugga.

 

 

Hassan Mudane

Nov. 30. 2016

Istanbul/Turkey

SHEEKOOYIN