Caadifad: cudur na caabuqay!
Mid ka mida cudurrada na luggooyay, waa laablakac! Soomaali haddaan nahay, laablakaceennu waa xad dhaaf, wixii nagu soo kordhaba, waan u sacabtunnaa, oo weliba heeso iyo mashxarad u raacinnaa, annagoo ka fekerin qasaaraha, faa’idada, wanaagga iyo xumaanta ka dhalan karta, ee waxaan ku cabbirnaa sida dareenkeennu uu yahay, xilliga arrinkaa cusub soo kordhay.
Badankeen, waxey wax walbo salka u geliyaan, QADDAR iyo QORAAL RABBI, oo waxaa ka dhaadhacsan, in aan la saadaalin karin, waxa soo socoda, ee dhici kara, oo waxey durba ku leeyihiin “Cilmul qeybka laga ma hadlo!“, waana midda keentay, in qaar badan, oo innaga mida, eysan ka fekerin, waxa soo socda, ee iman kara.
Dadkeennu waxaa iskaga dhex qasan, waxyaabaha la saadaalin karo iyo kuwo aan la saadaalin karin. Bulshadeenna waxaa dhaqan iyo halqabsi u noqday, in wixii soo kordhaba, ha ka imaadaan gudaha ama bannaanka, ee xayeysiin iyo faanis ka la duldhacaan, ayagoo la dagaala qofkii ka soo horjeesta, oo ku tilmaama, in hormarka iyo wanaagga uu diiddan yahay, waxaase shaki laheyn, in goor dambe, oo wixii hallaabi lahaa ey hallaabeen, meelaha la la soo istaago cabaad, bannaanbaxyo iyo waxyaabo kale, oo aan wax soo kordhineyn.
Hormarro la gaaray waa ka jiraan dalka, ma ahan kuwo la iska indho tiri karo ama la dabooli karo. Waa guul dalka iyo dadka u soo hooyatay, oon horey loo heysan. Sidaas si la mida meelo badan, oo aad u burbursan, is la markaana ey dhibaato ka taagantahay ayaa dalka ka jira, waxaana hubaal ah, in dhibku badan yahay. Dadka waxaa ku jira qaar is ka illoobay, qeybihii kalee dalka, waxey faafinaayaan mar walbo sawirro, muuqaallo iyo warbixinno ka hadlaya, inta yaree hagaagsan. Halka qeybihii kale, ee burburka iyo dayacaaddu ka taagan tahay eysan jirin, qof ama qolo ka hadasha, si dhibta ka taagan loo xalliyo, taa baddalkeeda waxaa muuqata, in jiritaankoodiiba la illoobi rabo, haddaanan horey loo illoobin. Qolo kale, kaliya, waxay kaga dhagtay, lixdankii iyo ka hor burburkii, sidii in aan nololi ka daba marin, ee kaliya hoog iyo halaag lagu jiray.
Si dalka loogu sameeyo dib u dhis iyo hormar, waa inaan maanka ku heysannaa, inta inoo hagaagsan iyo inta innaga halleysan. Ma ahan, in qeybo yaroo la qurxiyay ey na illoowsiiyaan, qeybihii kalee dalka, oo weliba laga yaabo, in xarumo muhiima ey ku jiraan. Intaasoo dhan waxaa ka horreysa, oo u baahan, in waqti iyo maal lagu bixiyo, dib u dhiska iyo kobcinta maskaxda dadka, markaasuu dalku wada dhismi karaa.
W/Q: Ramla Gobdoon