Cabdi indho la’! Q-2AAD W/Q: Cabdulle Cabdi Kariin “Ugaas Jallaato”

Cabdi indho la’ Q-2aad

Markii aan guriga soo galnay ayaan ku indho daraandaray weynida iyo quruxdiisa waxaa ku dhax yaal beer ay ka baxayaan: Moos, liimo bambeelmo, Qare, Tufaax iyo Canab oo saf saf ah, waxa ka soo hor jeeda barkadda lagu dabaasho, dhanka kale waxaa iiga muuqday geed weyn oo geed Hindi ah oo ay kuraas iyo miisas yaallaan dhinaca kale meel yar oo wareegsan oo ay biyuhu kor inta u baxaan sidii Aqal Soomaaliga ay Fikta sare iskugu imaanayaan.


Waxa la yiri: MINAN MII GASHO MEEL DAY DAY LAMA NOQDO Anigoon is ogeyn bay maskaxdu igu amartay inaan ku ildoogsado, naftana waa ku raacday illeen naf qurux iyo macaan looma sheego waa howlaheeda haddii sheyddaan kuu wehliyana jidka toosan waaba kaa leexiyaa. Intaa Amran gacanteyda ayey wali ku dhagan tahay mana awoodin inaan iska fujiyo inkastoo ay Hooyadeed Xaadsan ay gacanta kale ee bidixdaa ka heysatay, labo siyood ba waa igu adkeyd in aan iska fujiyo koow ayadoo uu araggu ka maqan yahay iyo in ay ayadu door bidday   in ayas iga fuqin. Si kastaba arrinku ha ahaadee Aabbaheed Xasan Jimcaale waa uu yaabban yahay oo juuq iyo jaaq midna ma dhihin, ilaa iyo markii ay Hooyo Xaadsan Alalaastay wixii ka danbeeyay. Gudaha ayaan u dhaafnay Oday Xasan Jimcaale oo horteenna socday marna gadaal noo soo dhuganayay ayaa inta Albaabka furay oo gees u istaagay yiri: Soo dhaafa.

Markii aan sidaa u galay waxaa iga soo hor baxay fadhi weyn oo aad mooddo Baarlamaankii Ingiriiska (Isku wareeg) waxa uu leeyahay meel sare oo Masrixiyadda loogu talo galay sida Tiyaatarkii Soomaaliya. Oday Jimcaale ayaa yiri: igaarkeey iga raalli ahaaw oo noo dul qaado. Aniguna waa yabay oo dhagaha ayaan taagay, waayo ma garan waxa uu iga raalli galinayo  madaxa ayaan jiljilay oo aan ka waday raalli waan ahay. Intaa kuma ekaan ee Oday Xasan Jimcaale waxa uu yiri: haddaayay ayaan orod guriga uga soo baxnay markii uu waardiyahu nagu war galiyay gabarteenna Amran in ay kaligeed baxday mana aheyn wax waligeed ay sameysay oo wax nagu cusub oo ugub ah ayey nagu aheyd. Intii uu hadalka waday kuraastii  ii muuqatay ayaa dhaqdhaqaaqday  sawaxan yar oo aad mooddo inuu Faryaamo  alwaax jarjarayo ayaa is qabsaday wax yar kaddib waa tan kuraastii dhulka la simantay oo isku rogtay meel Barxad ah oo Roog guduudan ku fidsan yahay, masrixiina waa kan uu ku daboolmay Daah uu ku sawiran yahay Calankii Soomaaliya dhinacyadiisana ay ku xardhan yihiin Ubaxyo kala midab ah daawashada indhuhu ma ka daalayaan hadda ayey wali iga hor muuqdaan.

Meeshii wax yar ka hor u ekeyd Baarlamaanka ingiriiska waaba tan aan ku dhax lugeynayo yaab badanaa, horay ayaan u sii dhaafnay waxa aan galnay qol Fadhi caadi ah uu ku yaallo, waxaa kasoo hor jeeda jiko weyn  oo qofka ku jira aad qeybtiisa sare  ka arkeyso waa cidlo halkii ayaan salka dhulka la wada helnay aniga iyo Hooyo Xaadsan iyo Oday Xasan Jimcaale Amran markii ay fadhiga igu hubsatay ayey igu tiri: Abboowe wax qaboow iyo wax kulul maxaad jeceshay oo aan kuu keenaa? Intii aanan u jawaabin ayaa Hooyo xaadsan  adeegtadii guriga u yeertay hase ahaatee Gabadheeda Amran ku tiri: hooyo waa ay daalan tahay ee iska dhaaf anigaa joogo baddalkeedii martina la ii yahay, balse, u yeeristii adeegtada cidna uma jawaabin Hooyo xaadsan.

Amran ayaa ku tiri: Hooyo macaan dhib ma leh anigaa jikada galaayo miskiintaasina waa daallan tahay saacaddaan waa ay huruddaa ee iska dhaaf inta igu soo jeesatay ayey igu tiri: “Cabdoow maaddaana aad xishootay anigaa kuu Doorayo, kaddibna jikada ayey gashay. Anigoo yaabban oo is leh wah qof aan wax ba arkeyn waalidkeedna raalli uga yihiin jikada waa amuur la yaab leh ee ka war dhowr DHAANKII MAQNAA WAXA UU WAR SOO DHOOBO ayaa oday Xasan Jimcaale igu yiri: igaarkey minanka minankaagii waaye ha is martiyeynin aniga iyo adigaba laba dhagool ayaan ka nahay waxa meehaan ka socdo, balse, xaadsan waa xaaskiisa ayaa noo sheegi doonto, inta xaggeeda u jeestay ayuu yiri:  Xaadsan soo warran hee muggoo yaab Faraxaan aan kula qeybsanee aniga iyo igaarkeyga Cabdikariin.

Hooyo xaadsan ayaa warkeedii ku furfuratay: BISMILAAHI RAXNAANI RAXIIM horta qeyr lee ayaa jiro dhib dhan ma jiro igaarkeyga waxaan warkiisa maqlaayay labo sano oo dhalatay oo dhamnaatay ma kasinoo maanta waa farxaddeyda haddaan mar indhaha saaray hal walxaato kaliya ii dhiman inaan ogaado ii fiiri aw Xaajiyow gacantiisa bidix Haar ma uga taallaa hadda ka hor ay xabbadi uga dhacday  oo koobaabin wareeg ah leh. Runtii aniga waa isku naxay waa runteed oo dhaawacaas mar hore ayuu igu dhacay si loo tolo markii la waayay ayaa Gabar Ditooreeso ka aheyd isbitaalka la igu dabiibayay oo aadna u da’yareyd aqoonteedana ay gaarsiisay in ay qeybta qalliinka degdegga ah ay madax ka noqoto ayaa iga goysay maqaarkii iyo hilibkii meesha ka laadlaaday waxa ayna ku sababeysay haddii ay isku tosho, in laga yaabo in ay cudur xun igu noqoto ugu danbeyna gacanta la goyn doono si nafteyda loo badbaadiyo. Inta shaarka galuuska kore ka furay ayaan tusay anigoo ku leh waa sax ee sidee baad ku ogaatay Hooyo Xaadsaneey? Hooyo xaadsan ayaa tiri:  “Haa haddaan hadli karaa horta igaarkeygiyoow ha nixin adduunyo saan waaye haddii aan la dhimanin wax wabo waa la arkaa cimrigaaga oo dheerraadana Geel magaalo lagu dhax heysto waa arkee, waxaanse kuu sheegaa igaarkeygiyoow…….


La soco qeybaha xiga. Haddii Eebbe idmo.

W/Q: Cabdulle Cabdikariim (Abka Xaaji Jallaato)

  • NAGA LA SOO XARIIR:
  • laashin77@gmail.com

SHEEKOOYIN