Cabdi indho la’ sheeko gaaban! Q-5AAD W/Q: Cabdulle Cabdikariin “Ugaas Jallaato”

Cabdi indho la’ sheeko gaaban! Q-5AAD!

Amran hooyadeed wajiga ayey gacanteeda marisay waxaa ku dheggan faashad oo waa daboolan tahay, in ay iska fiiqdo ayey damacday xaajigeeda ayaa gacanta ka qabtay oo ku yiri: xabiibti is daji maalmo kooban ayaa kuu haray inta lagaa furayo  faashadda biraha daankaaga lagu kabay isla waqtigaas ayey kaa bixinayaan 100% wax iska baddalay ma jirto quruxdaadii indho daraandarka aheyd hadda ayaad ba kasii qurux badan tahay sidii hore.

Amran hooyadeed oo hadalkeedii sii wadata ayaa tiri: maxaa kale oo aad iga qarineysaa sideese waxaan oo dhaawac ah mooto ii gaarsiisay? Xaajiga ayaa  yiri: Amarka Eebbe ayey ku ahaatay ee ku samir intaa kuma ekaan ee waxa uu yiri: asagoo raba in uu illowsiiyo xanuunka aan hadda qalbiga ka dareemayo sheeko gaaban oo ku dhacday gabar Soomaaliyeed. Waxa uu ku billaabay gabar ayaa hooyadeed waxbarasho ugu soo dirtay dibadda. Waxbarashadii ayey billaawday maalmo kooban kaddib jiscinkii dhalaha ahaay ay hooyadeed soo siisay waa ka dhammaaday.

Qaddar Alle iyo ku qabatay waa la qaataa, iyadoo dhibban talana ay ka wareertay, ayaa waalidkeed iyo walaalaheed  wicid ku soo billaabeen in ay biil iyo arad tir ka kaafiso maaddaama ay Yurub joogto asaaggeedna ay soo diraan lacag guryana ay iibsadeen. Waa or oradday ugu danbeyn shaqo ay waxbarashada ku wadan karto  ayey heshay subaxdii galaas ayey gashaa saddax saac (9.00 am) waxa ay kasoo baxdaa sagaal saac galabnimo (3.00 pm) toban saac iyo bar (5.30 pm) waxa ay soo dhammeysaa  toddoba saac iyo bar (1.30 am)  waxa ay gurigeeda tagtaa 2.30 ilaa 3.00 am  isku dar 24-kii saac waxa ay huruddaa in ka tar 4-saacadood. Isku soo wada duub ee bisha waxa u soo dhaca KUMI kama cunto eedna lagama daayo, eeddaas oo uga timid in ciddooda loo sheegay in gabartooda aysan dadka soo dhax galin mar walbana gaalo ku dhax jirto.

Habeen habeennada ka mid ah ayadoo shaqada joogto xilliga nasashada meesha shaqaalaha loogu talo galay in ay ku nastaan kuna cunteeyaan fadhida, goobtu waa buuq iyo sawaxan miiran musig ayaa ka shidan dadka meesha fadhiya kor bay u hadlayaan si qofba qofka kale codkiisa u gaarsiiyo, shaqaalaha meesha ku cunteynay cad iyo madoow gaal iyo islaam looma kala maqna. Hooyadeed ayaa soo wacday waana ay ka qabatay salaan iyo is wareysi kaddib  hooyadeed ayaa ku tiri: maandhaay waxa lagaa sheegaayo waa run  ee maxaa gaalada ku dhex dhigay? Islaantii afka ayey furatay duf ku bax oo meel daran ka dhac waad na ceebeysay ceeb u dhimo qabrigeygana ma imaan kartid.

Gabartii hadalkaa ku dhegay waana suuxday gargaarka degdegga ah ayaa loola cararay, markii isbitaalka la geeyay oo lala tacaalay, maamulayaashii waxa ay damceen in ay ehelkeeda u wacaan telkeeda ayaa lasoo qaaday, mase, waxaa ku qoran saddax telephoon oo kaliya, kan shaqada iyo waalidkeed kan iskoolka, waa ay yaabeen waxa ayna is dhaheen waxa laga yaabaa inuu ku cusub yahay oo aysan wali kusoo min guurin numbarra kale. Telfoon number ka hooyadeed oo kii u danbeeyay ayey eegeen labadii sano ee lasoo dhaafay waa kan ugu badan ee ay wacdo soona waco kii ayey ku dhufteen hooyadeed baa ka qabatay.

  • Maamulaha: Hi
  • Hooyadeed: yaah waa la murugay!
  • Maamulaha: we need to inform you  daughter in critical condition.
  • Hooyadeed: yur yur yur bacaawyahoow xaad tiri ku celi.
  • Maamule: she’s  not  yur yur be’aaw her name  Leyliina  Ali.
  • Hooyadeed: ar caliyoow soo roor!
  • Maamulaha: sorry em em can you come again.
  • Cali: waa ayo qofka ila hadlaayo?
  • Maamulaha: Hello iam Doctor Steve!
  • Cali: Dulli dulli dhalay waryaa naacda nagala tag.
  • Maamulaha: oh my God!

Saacado kaddib waxa lasoo helay af celiye.

  • Af-celiye ASC, hooyo?
  • Hooyadeed: WCS, maandhow kheyr sheeg!
  • Af-celiye: eeddo kheyr bay ku idlaan ma garaneysaa Leylo Cali Xaayoow?
  • Hooyadeed: haa maandhoow! Waa gabarteydii leyga duufsaday!
  • Af-celiye; haa eeddo gabadhaadu isbitaal ayey ku jirtaa marka haddii aad u imaan kartaan ama qof ehelka ah aad u soo diri kartaan sidaa ula soco. Xaalkeedu ma deggana in muddo ahna miirku waa uu ka maqan-yahay!
  • Hooyadeed: Bisinkoow! Maandhoow xaa ku dhacay ma shil bay gashay?
  • Af-celiye: waxa la ii sheegay in goobta shaqadeeda ay ku suuxday haddana qalliin degdeg ah ayey gashay oo qabsimada ayaa isku dhageen gaajo awgeed.
  • Hooyadeed: yaasiinka wa tabaarakoow gaajo aa?
  • Af-celiye haah eeddo! Jid sooca ayaan idiin soo dirayaa ee degdeg ha loogu yimaado! 
  • Hooyadeed: maandhoow  magaaladaan ma kala aqaan bal odaygaan u sheegayaa! 

La soco qeybaha xiga haddii Eebbe idmo.

W/Q: Cabdulle Cabdikariim “Ugaas Jallaato”

  • NAGA LA SOO XIRIIR:
  • laashin77@gmail.com

SHEEKOOYIN