Caloolyoow Q-2AAD W/Q: Abdishakuur Jamac Cali

Caloolyoow Q-2AAD

Sureer intii ay waddada soo socotey aad ayey u walaacsaneyd oo waxay u luudeysay sidii qof xubnuhu ay daaleen, mar qura ayey ku war heshay hoonka gaari iskaroge ah “Biiib Biib” iyo darawalkii oo u raaciyey “naa naga hor leexo ha nagu dhiman malcuumad yahay mijaha xun leh” sidii qof hurdda oo biyo qaboow xilli qaboow looga nixiyey ayuu hoonkaasi u ahaa, wey carartey oo waddadii ayey ka tillowdey, gudaha ayeyna u gashey dukaankii ay Hooyo Warsan uga soo tagtay, durbadiiba hooyo warsan wey garatey in jawigu ka khaldamey  oo wax ku dhaceen gabadhii hadda farxadda kala tagtay kor waayeel waa wada indho e  waxay ku tiri: Hooyo maxaa ku helay? ayey tiri : “waxba iguma dhicin ee madaxaa ayaa yara xanuunaya oo mid baas oo waddada marayey baa hoon igaga nixiyey” ayey ugu jawaabtey alaabteediina u dhiibtey, waa duhur dabadiiye dukaankii intey xireen ayey ka qado iyo hurdo tageen.

Markii salaaddii jimcada laga baxay ayuu khadiibkii galay faalleynta micnaha guud ee khudbaddu ay ka hadleysey, waxay boorrineysey khudbaddu, wanaag in la isku falo iyo isku naxariisashada aadamigu isku galo in ay soo jiiddo naxariista Eebbe isaggoo daliishadey Xaddiis micnihiisu : isku naxariista dadkiinnan arlada joogow , waxaa idiin naxariisanaya kan samada jooga Eebbe.” wuu soo noqdey isagoo la yaabban wuxuu falay oo arxan darro ah, markii uu gurigiisa yimid ayuu dhinaca dhulka dhigay oo seexday.

Sabtiddii xigtay Jimcadii waranka caashaqu wadnaha ka haleelay Sureer, iyadoo walbahaar iyo walaac ku seexatey habeenkii, waxay toostey diiq-yeerkii, waxay karisey quraacdii, intey boobisiiyey ayey ka kallaxdey/jarmaaddey , waayo waxay leedahay saaka imtixaan tijaabo ah oo uu macallin cabdinaasir ka qaadayo ardeyda sannadkaan baxaysa ee fasalka 12aad ,xiisad kimistari ah ayuu imtixaan tijaabo ah ka qaadey isagoo kula ballamey in maalin kasta oo sabti ah ay usoo diyaar garoobaan imtixaan. Iyaguna wey ku raaceen, kursiga saddexaad ayaa ardey ka kacay, wuxuu xiran yahay, shaar cagmo-dheere ah oo badhamo/galuusyo madow leh iyo surweel kaaki ah, waa Ducaale, Ducaale waa ardey aamusane ah oo ma hadal iyo rabsho badna wuxuu ku sifoobey xaddiiskii ahaa: “Muslimku waa kan ay muslimiinta kale ka nabad gallaan afkiisa iyo addinkiisa”. cid kastaa jecel, la sheekaysata, kuna nagaata ag jooggiisa , wuxuu yiri: “macallin cabdinaasiroow waa arrin wanaagsan waxaad waddaaye, macallimiinta kalena gaarsii arrintaan si aan u helno maaddo kasta maalinta sabtigaa imtixaan tijaabo ah” macallin cabdi naasir isna waa uu u riyaaqey fikraddan cajiibka ah ee ku biiriyey Ducaale wuxuuna hal-haleel u yiri: “haye Ducaale anigaad hawshaas ii deynaysaan”. Ducaale waxaa aad u jecel oo ka hesha korna ka ilaashata Umul-kheyr oo iyadu is leh mar uun gacantaadu ha soo galo.

Goorsheegtadu waxay istaagtey abbaaro 12:33 duhurnimo, qorraxdu wey kulushey oo waa bishii saddexaad ee March (Maarso), waxaa laga dhawaajiyey jalaskii/ganbaleelkii sheegayey in la fasaxan yahay, Sureer waxay taagan tahay albaabka hore ee dugsiga sare ee  aqoon-same, waxay meel dhow ka aragtey Guuleed oo ah dumaashigeed ay u dhaxdo walaasheed ka weyn ee Sumaayo, wuxuu biyo qaboow ka iibsanayey dukaanka ay iibiso Nimco oo dhinaca bidix ka saaran iskuulka, wey salaantey isna wuu gartey oo waakaa markiiba daaqadda inta looga ka furey yiri: “Alla! waa Sureer, soo gal gaariga qorraxdu maanta aad bey u kulushahayee” iyana horey ayey u gashey oo shirka ka fadhiistay gaarigiisi leylo-calawida/laangaruusalka ahaa, Guuleed heesaha iyo fankaba aad buu ugu ma-manyahay una jecel yahay, markaan waxaa ka shidan gaariggiisa hees jacayl oo ay ku luuqeyso Binti Cumar Gacal magaceeduna yahay webiyada kalgacalka, waa cod hoose oo dabacsan qalbiyadana ruxaya judhiiba waxay maqashey:

  • “Waligay intaan jirayee
  • Adigaan wanaaggiyo
  • Warsan kugu akhrinayee
  • Webiyada kalgacalkaan
  • Wadaan kuugu xirayoo
  • Wadnahayga adigaan
  • Kaaga waab sameeye
  • Waranka igu dhacayiyo
  • Halistii waxyeelladda
  • Jacaylkaan la weerahay
  • Walwalkiyo dhibaatada
  • Kuma waari doonee
  • Waxyeellada iga gaadhiyo
  • Adiguna wadeecada
  • Warba iima hayside
  • Wanaaggii dhexdeenniyo
  • Ama ila wad caashaqa
  • Ama aan ku waayee
  • Wajigaaga iga qari”.

Intey madaxa u luxdey bey si hoose iskula hadashey iyada oo leh: “wacanaan lahayddaa adigo labadaas waddo mid kaa helaa Yaxye”!. Ducaale wuxuu ka dhashey qoys sabool ah oo waa guri-danbeyska (yaraanka) reerka, aabihiis waa Yaasiin oo da’ noqdey, reerkooda waxa u shaqaysa walaashiis ka weyn Raxmo oo meel isbitaalka degmada Dhagaxleey oo uu ku dhashey ku yaal, iskuulka si bilaash ah ayuu ku dhigtaa oo deeq waxbarasho ayuu u helay, sidaas ayuu culays reerka uga dagay, wuxuu la nool yahay eeddadiis Dahabo oo iyada ayuu carruurteeda ka mid yahay, dhibna wuu kala kulmaa mararka qaar oo wiilkeeda weyn ee Maxamuud, markii uu is damaaciyo iibsiga alaab uu jeclaadey wuxuu yiraahdaa maxamuud “Nin weyn baa tahee shaqayso iyo lacagta ma hooyada iyo aabbaha baa leh”! Hadalkaas markasta wuu ka naxaa, kuna tallamaa inuu ka xoroobo gumeysigaas, talo kuma lahan reerka oo waxay u arkaan shaqaale u nool u adeegiddooda, wuxuu kusoo dhacda heestii Saalax qaasim ee ahayd “Abaal” kuna jirtay ruwaayddii dacar lahaa magaceeduna ahaa “Beenay waa run”

  • “Waqtigu nacaysaysanaa
  • Waayuhu niyo badan ogaa
  • Dhallintu waji garadsanaa
  • Weelkaagu haddaanu buuxin
  • Waxsaarku ku qaban ogaa
  • Weedhaadu itaal yaraa
  • Walaalkaa koley ku tahay
  • Baryadu weydasanaa
  • Wax hayntu mar fiicaanaa”


Illimaa kasoo burqata ,haddana wuu calool adeygaa. Umulkheyr waxay galabta usoo labbisatey iskuul al-aqsa oo ay culuumta caafimaadka ka barato, waa gabar ka dhalatey qoys hantiile ah oo dabaqadda sare ah, dalka iyada hooyadeed iyo walaasheed Sumaayo uun baa jooga, intii kale dibadda ayey jiraan, hu’ iyo hunguri kasta oo ay u baahato waa laga haqab tiraa, si fiican ayey galabta waxay xiran tahay dhar bilic qurux badan leh, Ducaale isna wuu dhigtaa oo wuxuu bartaa Culuumta Computer-ka, Umul-kheyr waxay marwalba iskula sheekaysataa “maad siddii aad kula talisey Sureer u bareertid inaad u shegatid umuurahan kaa dhex guuxaya Ducaale” balse, wey ogtahay in aan qof aamusan inta badan la qiyaasi karin dabcigiisa qarsoon, maxay kale oo ay sameysaa waa iney u ban baxdaa arrinta jacaylkeeda.

Lasoco qabybaha kale, haddii Eebbe idmo.

W/Q: Abdishakuur Jamac Cali

SHEEKOOYIN