Caloolyoow! Q-3AAD W/Q: Abdishakuur Jamac Cali

Caloolyoow! Q-3AAD

Ducaale isagu dhankiisa waa fuley iyo faqiir jacayl galey oo kuma dhiirran karo la hadlidda hablaha ku ayniga ah gaar ahaan Umul-kheyr oo ka dhalatey qoys ladan, marwalba wuxuu eegtaa Umul-kheyr, balse, kuma dhaco inuu dibnihiisa u kala furo. Maalin Arbaco ah iyadoo sida caadada ahayd tartan aqooneed la qabanayo ayaa waxa isku beegmey/aadey koox uu ugu madax taagnaa xagga aqoonta Ducaale iyo koox ay ka mid ahayd Umul-kheyr.

Macallin Suleymaan ayaa gar-wadeen ka ahaa tartankaas, dhammaadkii ayuu ka hor akhriyey daawadaayasha iyo tartamayaashaba natiijadda tartanka isagoo guul ugu bishaareeyey kooxdii kumbuyuuterka ee Ducaale ka mid ahaa. Waana la kala dareeray lana kala hoydey, Umul-kheyr iyadu galabta waxay heshay fursad ay hadal ku abuuri karto waxayna Ducaale oo qalin uu Cabdinuur usoo tuurey oo albaabka kaga dhacay dhulka ka qaadanaya ku tiri: “Alla Ducaaloow maanta maxaad na gaaddeen kooxdiinnu” sidaas buu il-qoodha uga eegay mise waaba Umul-kheyrtii uu salaatul istikhaaradda u tukanjirey baryo dhan, inta istaagey oo shaarkii gudduudnaa/cassaa ee daliigmaha madooba lahaa hoos u jiiday “Qaddarka ayaa siddaas ahaa annaguna waan dadaalney ee wax kale ma jirin” ayuu yiri: “Qadarkee dee? War wallaahi saaxiibtey Sucaad baa maqneyd maahan ee aayad nagama aydaan qaadateen” ayey ku jawaab celisey iyaddoo markaan cabsidii ay ka qabtey Ducaale ka ba’dey, isna isagoo khajilaad kaftamaya ayuu yiri: “oo haddaad siddaas ku kala maqneydeen malaha waa naloo yaabi laha haddaad wada joogi lahaydeen?” Haah! wallaahi”, ayey ku tiri: Umul-kheyr waxay ku heshay fursad galabta oo wataa la warrameysa Ducaale oo aysan weligeed hadal is weydaarsanin, waayo galabtii wey kala saacad horreeyaan, balse galabta tartankaa is waafajiyey, waxay ku tiri: “Bal aan kasoo nassanno buuqan iyo bullaan kan ee kaalay maqaaxidda Qaahira kusoo casariyeynaa”.

Malaha fallaaro jacayl baa ku luxmaya boggiisi garanba waa’ mar uu yiri: haye! wuxuu arkey wayterkii /kabalyeeriggii oo ka dul hadlaya, waxay u yeedheen labo cabitaan ah, iyadu waxay dalbatey seytuunka oo ay aad u jeceshahay , isna wuxuu u dirsadey mushakal . Sheeko iyo kaftan dheer kadib waa kan hadalkii kusoo biyo shubtey xiriir iyo haasaawe, Umulkheyr ayaa kula kaftantey, hees Aamino Cabdullaahi iyo Xasan Aadan ay wada qaadaan magaceeduna yahay: “labadeenna googgaa” waxayna tiri:

  • Weli gabar ma sheekaysatee
  • Kaftaan aan lahayn godob
  • Meysku gacalo miisteen
  • Hadalkii guddoon wacan
  • Ma ku gabo-gabeyseen?”

Laga af-tahansan ee “maya!” ayuu si qayaxan u yiri: qosol ayey dhoosha caddeysey ilaa gawsihii caddaa iyo ciridkii dhuxusha ahaa ay muuqdeen waxayna tiri mar kale:

  • Haddaan kuu warramo oon
  • Waddada caashaqa ku baro
  • Sideed iila wadi lahayd?”

“Waan kula qaban-lahaa caaqasha barbarkeyga” ayuu ku war celiyey Ducaale. Waataa sidii roobka gu’ga ugu hooreen daruurahii jacaylku dusheeda inta ay farxad is celin weyday oo ay gacmahiisa oo miiska dul-yaalley si baryootan ahna u eegtay ayey ku tiri: “Abboowe waan ku jeclahay ee ha igu deyrin caashaqa” isaguna “Haye! walaal ayuu ugu qalbi qaboojiyey”.

Khadiijo waa maddi rejo ah, waa guun/guumeys ka raagtey guurka, waxay macallimad ka tahay dugsiga H/dhexe ee Cumar Binu Khadaab, gallinka danbena waxay dhigataa jaamacadda Surad, sababta ugu weyn ee Yaxye u doonayo inuu galo jaamacaddaas waa Khadiijo, maalin ayey Yaxye soo wacdey Khadiijo, waxaa u saaran lamberkeeda hees uu u doortey soo dhicidda oo iyada iyo isaguba ka hellaan: “hellow xabiibi” ayey haddal uga billowdey. “Haah! gacaliso” ayuu ugu warceliyey, bariidin iyo salaan ka dib waxay ku ballameen iney caawa casho isku raacaan, isna wuu ka aqbaley kana ajiibey.

Khadiijo iyo Yaxye xiriir jacayl oo curdun ah, waxay soo waraabiyaanba, waxay ku heshiiyeen iney is guursaddaan, habeenkii ballanta ayeyna isku dhaarsadeen iney ka dhabeeyaan arrintaas oo midba kan kale xaggiisa ka adkeeyo ballanka iyo xiriirka.

Lasoco qaybaha xiga haddii Eebbe idmo.

W/Q: Abdishakuur Jamac Cali

SHEEKOOYIN