Caloolyoow! Q-6AAD W/Q:- Cabdishakuur Jaamac Cali

Caloolyoow! Q-6AAD

Yaxye isaga oo la yaabban waxa kulmiyey Khadiijo iyo Sureer ayuu habeenkii wacay Khadiijo bal si uu arrintan uga war helo, balse, Khadiijo kama qaban taleefanka oo waxay ku daashey tacsida ka shaqeynteeda wayna iska seexatey fiid horeba. Yaxye waxay ku noqotey filanwaa, waayo wuxuu yaqiinsanaa in isku dir iyo aarsi ay fali karto Sureer oo uu kal hore xumeeyey, dhanka kale, Khadiijo haddii uu waco taleefankeeda saqda dhexe way ka qaban jirtey, waayo, aad ayey u hurdo fududdahay, caawase teleefankii waxay uga seexatay qol kale mana xasuusan. Yaxye wuxuu maanka iska weydiinayaa dhowr su’aalood oo ah;  malaha Sureer ayaa kaa cadgoosaneysa?  Teeda kale, go’aan fududaa ma hore ayey iska baddashay haddii lagugu direy? Habeenkii sidaas ayuu ku dumey isagoo murugeysan, oo xaaladda taagan ka werwersan. 

Salaaddii  hore ayey toostey Umulkheyr, saaka dugsi ma jiro oo waa maalin fasax ah, waxay baadigoob u gashey taleefankii ay haysatey si ay ula hadasho saaxiibkeed Ducaale u lana socodsiiso hawsha soo korortey, markiu ay heshay ayey wacdey mise waa dansanyahay! Dhowr goor ayey ku celisey markey ka daasheyna way iska deysey walaac badanaa! Ducaale subaxyada fasaxa ah goor hore ma tooso haddii aysan dani kicin, markii uu kacay barqaddii ayuu arkey dhowr goor in ay soo wacdey Umulkheyr. Saaka maxaa soo kordhey? Ayuu niyaddiisa jabku u danbeeyo Iska weydiiyey. Wuu wacay markii ay ka qabatey sida qof sabool ah oo maalin taajir noqdey lacagta uu helay sida uu ugu farxo ayey ugu faraxdey, hadalna waxay uga billowdey:

  • Xabiibi subax wanaagsan?
  • Wanaagsan gacalo, ma nabad qabtaan?”
  • Waan fiicanahay, dhankayga? Wacnaan iyo warwar la’aan, ayaan haystaa ee maxaa soo kordhey saaka?
  • Xabiibi wax badan ayaa soo kordhay ee galabta maqaaxida iskugu keenna keen?
  • Waayahay xabiibti, balse, maad ii sii sheegtid dulucda?
  • War taleefanka lagu dhameyn karo maahan ee hotel Peace aan iskugu imaanno. Ayey ku aftideysatay.
  • “Haye xabiibi.” Taleefankiina wuu ku dhigay. Wuxuu is weydiinayaa baladan saaka kusoo waaberiisatay ee ay kaa qarineyso. Malaha waa dhoof oo way baxaysaa? War maahee malaha waa dhib ay kaa qarineyso, inuu ka dhursugo ayuu ku tallamey. 

Casar liiqii markey tahay ayey Hotel Peace oo galbeed ka xigta maxkamada sare ayey ku kulmeen, way soo labbisteen labadooduba, balse, farxad foolkooda kama muuqan. Salaan, gacanqaad iyo nabdeysi kadib waxay  fadhiisteen labo kursi oo isku beegan, intii uu kabalyeerigu ku maqnaa dalabka cuntooyinkii iyo cabitaankii uu ka qaadey ayey kaftan sii billaabeen. Umulkheyreey waxaad iigu yeertay, malaha waxaad u baxaysaa dibadda oo waa sagootis waxaani, ayuu hadalkii ku furey Ducaale.

  • Dibadda ayaa Janno noqoneysa ee shib dheh ayey hadalkeedii ku soo koobtay.
  • Maxaa dhacay! Ayuu ku hoos ugu yo’to’ay, Ducaale asiga oo naxsan.
  • Waa la isoo dooney…ayey tiri: iyada oo hoos dhuganeysa, wadnuhuna ay belbelayaan.
  • Caadi iila hadal, ayuu ku tiraabay; Ducaale, asiga oo anfariirsan!!
  • Hadalladdaasi kaftan maaha ee waa iga dhab gacaliye ayey hadalkii ku soo hankoolisay, iyada oo hadalkii sii waddana waxay tiri: Suldaanka adeerkay ah wiilkiisaa iiso dooney ee ma is guursaneynaa oo shaqo ma helaysaa?
  • Ducaale oo berkaagsan ayaa yiri: Shaqo! Aa! Sow adiga og inaan ardey ahay, xaggeen shaqo ka keenayaa?

Waadigan duloobayee
Dooxyada fadhiistee
Tiisaba daryeelaa
Dadka kale wax taartee
Maxaan kula dadaalaa
Dalmarow dantaada ku ciishee!!.

La soco qeybaha xiga haddii Eebbe idmo.

W/Q:- Cabdishakuur Jaamac Cali

SHEEKOOYIN