Caqabad miyaad la kulantay? Hambalyo W/T: MohamedNur Hussein Abdalla Hame

37600

Caqabad miyaad la kulantay? Hambalyo

Waxaan xusuusteyda idiinkaga sheegaayaa mar aan shaqo-wadaag noqonay Mudane Celement Stone, oo ahaa maareeyaha mashruuca. Intii ay howshu socotay, waxaa nala soo gudboonaaday caqabado badan, hase ahaatee markan si kaduwan, waxaa na qabsaday caqabad weyn. Telefoonka gacanta ayaan kula hadlay mudane Stone, waxaan ku iri: “Mudane, caqabad ayaa naga qabsatay shaqada.”
Waanse amakaagay markuu iigu jawaabay: “Hambalyo!”
Waxaan ku iri anigoo dareensiinaya culeyska inta uu la egyahay: “Balse caqabadani waa mid weyn”
Si farxad leh ayuu markale iigu jawaabay: “Haday sidaa tahay, mar kale hambalyo!” wuxuu ii raaciyey: “xusuusnow mar weliba, dhib kasta dheef iyo waxtar ayaa ku qarsoon” intaa kadib wuxuu I weydiiyey in dhibaatadan aad loo darsay loona baaray si cilmiyeysan, wuxuu igu yiri: “Hadii aad ogaato waxyaabaha caqabaddan keenay, waxaad u xallin kartaa si fudud, hadiise aad ka walwasho culeyska caqabadda oo ay kugula muuqato mid xalkeedu adagyahay, marna kama gudbi doontid oo caqabad cusub ayaaba maskaxdaada ka shaqo bilaabeysa” wuxuu igu yiri oo kale: “Bal aan u daadaganno dhanka caqabadda, oo aan u kala qaadno qeybo yaryara, midkastana xalkeeda raadinno, ugu dambeynna aan xalka dib isugu soo ururinno”

Markii uu intaas igu dhiirageliyey ayaan telefoonkeygii gacanta si tartiiba u geliyey jeebkeyga sare. Waxaan bilaabay fulinta hadaladii dahabiga ahaa ee uu mudaneheygu ii sheegay. Si cilmiyeysan ayaan xaaladda u qiimeeyey, waxaan ukala jebiyey caqabadii weyneyd kuwa aad u yaryar, waanna xalliyey ugu dambeyntii, oo waxaan ka gudbay caqabadii u muuqatay buur aan dhanka kale looga tallaabi karin, weliba aan kuu raaciyee xalkii aan keenay aad baa loola dhacay, dadkii ka rajo beelay markii horena waxay iigu hambalyeeyeen sida inaan sameeyey qalab dadyowga dunidu u harraadsanyihiin. [1]

Sirta xallinta caqabadaha:

Runtii, sirta xallinta caqabadaha waaweyn ayaa ah, in aad ugu horeynba u dhoolacadeyso, si rajo ay ka buuxdana u qaabisho, adoo si degan u maraya wadadii uu mudane Stone u jeexay saaxiibkiis. Hadiise ay kugu filnaan weyso, waxaad gargaar weydiisan kartaa buugaagta iyo qormooyinka ka hadlaya sida loo xalliyo caqabadaha. Waxaan dood geli karin in maskaxda aadanuhu aysan awood u lahayn ka fakarka laba waxyaabood halmar, sidaa darteed, hadii ay maskaxdaadu ka walwasho caqabadda ku heysata, way adagtahay in aad ka fakarto xalka caqabaddaas, waayo waxaa maskaxda buuxiyey walwalkii caqabadda aad ka qaaday. Ha ilaawin marka in aadan maskaxdaada qeyb kamida siinin ka walwalidda waxa ku qabsaday, adoo xusuusnaanaya in hada keliya loo fadhiyo xalka ee aan walwal wax tar lahayn.

Caqabaduhu waa astaanta nolosha:

Sida aan kuu sheegay, caqabaduhu waa astaan cadeyneysa in uu qofku noolyahay, caqligiisuna shaqeynayo. Waxaad iiga jawaabtaa, miyaa laga yaabaa in qof dhintay uu caqabad la kulmo? Mase ka sugi lahayd xalka caqabad taalla qof aan noolayn? Jawaabtu waa in adiga oo ah qof nool uu la kulmi karo caqabad, isla adigana xalkeeda lagaa sugayo. Sidaa darteed hadii la kulanto caqabado waaweyn ama aad u badan, hambalyo waad nooshahaye, raadi xalka iyo farsamada aad uga madax banaanaan lahayd caqabadda.

Ugu dambeyn, caqabaddu waxay ka mid tahay lagama maarmaanka dunida, waa hubaal in aanu qofna noloshiisa ku dhameysaneyn dunidan isagoo aan waayihiisa nololeed ku horgudboonaan wax caqabad ah. Sidaa darteed, si dhab ah u baar dhib kastood la kulanto, kana dhigo saaxiib kumeel gaar ah, haka dhigan cadow aadan la kulankiisa u baahneyn.

W/T: Mohamed-Nur Hussein Abdalla Hame

Xigasho;

 

[1] V. N. Peale, You can if you think you can, Cedar, 1998. P33, 38.

SHEEKOOYIN