Caqabadaha Haysta Garsoorka Soomaaliya W/Q: Carafaad M. Axmed

Garsoorku waa gole ka mid ah golayaasha saddexda ah ee ay dawladdu ku dhisan tahay. Waxa uu u xilsaaran yahay u kala garqaadida ummad sharci ku heshiisay; dhegaysiga dacwadaha; ilaalinta xuquuqda dadka; faahfaahinta; dib u eegista iyo taabbaggalinta sharciga, ilaalinta dastuurka iyo dhammaan xeerarka waddanka, sidoo kale waa keenada lagu xakameeyo damaca aadanaha ee aan kala joogsi lahayn. Garsoorku wuxuu ilaalayaa hab-dhaqanka toolmoo; kala danbaynta; macaamilka iyo ixtiraam kuwada noolaanshaha bulshada.

Markii ay Soomaaliya xorriyadda qaadatay 1960-kii, ee nidaamka dawliga ah ee cusubi dhashay, waxay horraantiiba dawladdu la kulantay jaahwareer dhanka garsoorka iyo sharciyada ahaa, dawladdii cusbaydna waxay dhaxashay afar nidaam oo garsoor oo kala duwan oo kala ahaa, nidaamkii sharci ee waqooyi ka jiray [British common Law]; kii koonfur ka jiray [Italian continental Law]; sidoo kale Xeer dhaqameedkii bulshadu kala hidaysan jirtay, iyo shareecada islaamka oo iyaduna ummadda Soomaalida ee islaamka ah dhexdeeda ku waynayd. Kaddib laba sanno oo nidaamka garsoorku aanu fadhiyin, ayaa 1962-dii, dawldii cusbayd waxay dhistay Guddiga Wadatashiga ee Is-dhexgalka Nidaamyada Sharciga oo shaqadoodu ahayd inay si wax ku oola usoo dhiraandhiriyaan habka lagu dhisi karo Nidaam Garsoor oo midaysan, kaddibna isla sannadkaas ayaa baarlamaanku ansixiyey gole shaqadiisu ahayd inuu mideeyo sharciyadii kala duwanaa, waxaana xiligaa soo baxay shuruuc ilaa iyo hadda waddanka ka shaqeeya sida: Xeerka Nidaank Garsoorka; Xeerka Ciqaabta; iyo kuwa kale. 1969-kii markii dawladdii ciidanku waddanka inqilaabka kula wareegtay waxay laashay dastuurkii la unkay, sidoo kalena waxay burburisay nidaamkii garsoorka, wuxuuna dhisay Maxkamaddii badbaaddada qaranka, taasina waxay xididdada u siibtay nidaamkii garsoor ee curdinka ahaa, waxaa 21 sanno waddanka caddaaladiisa maamulisay Maxkamaddaa. Ka dib 1991-dii markii waddanka dagaalada sokeeye ka qarxeen waxaa burburay nidaamkii garsoorka ee aan awalba awooda baddan lahayn.

Dedaaladii dib u yagleelida dawladda Soomaaliya ee soo bilowday 2000 ayaa dib u soo iftiimiyey dib u curshada hay’ad garsoor. Axdi qarameedkii ku meelgaarka ahaa ee lagu dhisay dawlddii lagusoo yagleelay magalaada Carta ee dalka Jabuuti sannadii 2000 ayay wufuudii isugu timi si wada jir ah isugu raacday in la amaamudu hay’ad Garsoor oo madax banaan, sida ku cad qodobka 22aad ee axdigaa oo leh “Dawladdu waxay ku salaysan tahay mabaadi’da ka la madaxbannaanida saddexda awoodood oo kala ah:

B. Hay’adda Sharci-dejinta (Golaha Shacbiga).
T. Hay’adda Fulinta (Xukuumadda).
J. Hay’adda Garsoorka”.

Sidoo kale cutubka 9aad ee Axdigii Imbageeti¹ ee lagu soo dhisay dawladdii ku meelgaarka ahayd ee Cabdullaahi Yusuf, iyo cutubka 9aad dastuurka ku meelgaarka Jamahuuriyada federaalka Soomaaliya ee la ansixiyey 2012-kii ayaa iyaguna si isku mida u qeexaya hay’ad garsoor oo madaxbannaan, waxaa iyaguna qodoba ka mid ah dastuuradooda ku qeexaya dhisida hay’ad garsoor oo madax banaan dawladaha xubnaha ka ah dawladda federaalka fiiri ; qodobka 57aad ee dastuurka dawlad goboleedka Puntland, qodobka 27aad ee dastuurka dawlad goboleedka Jubbaland, qodobka 64aad ee dastuurka dawlad goboleedka Gal-mudug, iyo qodobka 2aad ee dastuurka dawlad goboleedka Koonfur-Galbeed.

Iyadoo dedaalo fara badan lagu bixiyey in la dhiso hay’ad garsoor oo madaxbannaan, dadkana si caddaalad ah ugu garsoorta, laamaha kale ee dawladdana aan ku milnayn, shaqadeedana si waxtar leh u qabata Maxaa sababay inay weli hanaqaadi waydo hay’adda Garsoorku? Waa waydiin aanay fududayn ka warcelinteedo, una baahan in laga sameeyo daraasado si qota dheer u lafa guraya hudaanhutooyinka horusocodka u diiday Golaha Garsoorka, balse halkan ayaynu kaga faaloon doono dhawr qodob oo hortaagan in garsoor si taabbaggal ah shaqadiisa u gudanaya la helo.

Arrimaha ragaadiyey garsoorka Soomaaliya Waxaa ka mid ah:

1.Madax banaani la’aaanta Garsoorka:
Madaxbanaanida garsoorku waa ka dheeraanshaha nooc kasta oo faragelin ah oo uu la kulmo garsoorku iyo dhaqangelinta dhammaan 20-ka mabd’a ee muhiimka u ah madaxbanaanida garsoorka ee uu ansixiyey Golaha guud ee qaramada midoobay 29-November-1985 iyo 13-December-1985, wuxuuna leeyahay qodobka koowaad ee axdigani: [ Madaxbannaanida garsoorku waa in ay dammaanad qaaddo dawladdu oo ku caddaysaa Dastuurka ama sharciga dalka. Waxaa waajib ku ah dhammaan hayʼadaha dawladda iyo kuwa kaleba in ay ixtiraamaan oo ay ilaaliyaan madaxbanaanida garsoorka] ².

Sida ku cad qodobkan dhammaan shuruucda waddanka ka shaqeeya heer federal iyo heer maamul goboleedba, si isku mida ayay u ilaaliyeen uguna qoreen Dastuuradooda madax banaanida garsoorku inay tahay muqdas, qodobkanna way ilaaliyeeen qoraal ahaan, balse dhaqangelintiisa ayaan lagu dedaalin, bal haddaba aynu halkan ku soo qaadanno Dastuuradaa qaarkood:
Dastuurka ku meel gaarka ah ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya oo ah kan ugu sarreeya shuruucda waddanka, wuxuu ku sheegayaa qodobka 106-aad: “Garsoorku wuxuu ka madax bannaan yahay laamaha Dawladda ee Sharci-dejinta iyo Fulinta marka ay gudanayaan xilkooda. Xubnaha Garsoorku waxay u hoggaansamayaan oo keliya sharciga”. sidoo kale maamulada xubnaha ka ah dawlada federaalka sidan oo kale ayay dastuuradooda mabda’an ugu ilaalinayaan:

Dastuurka Maamul Goboleedka Galmudug qodobkiisa 64aad faqradiisa 1aad iyo 3aaad waxay sheegayaan inay lama taabtaan tahay madaxbanaanida Garsoorka “(1). Garsoorku waa awood ka madax-bannaan hay’adaha Sharci-dejinta iyo Fulinta… (3). Hay’ada Garsoorku waxa ay u madax-bannaanyihiin gudashada hawlahooda waajibaad ee garsoor].

Qodobka 57aad ee dastuurka Maamul Goboleedka Puntland ayaa laamaha dawladda u qaybinaya saddex gole oo siman oo kala ah: Sharci-dejin, Garsoor, iyo Fulin, waxaana si cad laamahan u kala madaxbannaaynaya qodobka 58aad oo leh: [ (1). Qayb kasta waxay u madaxbannaan tahay gudashada waajibaadyada, xilalka iyo awoodaha dastuurku u jideeyey, qaybina qaybta kale ma hoos timaado, marka laga reebo arrimo gaar ah oo uu dastuurku si cad u qeexayo. (2). Fulinta waajibaadka iyo xilalka qaybi leedahay qayb kale waa ay ka reeban tahay]

Qodobka 49aad Faqradiisa 2aaad ee dastuurka Maamul Goboleedka Jubaland wuxuu leeyahay “Garsoorku wuu ka madaxbannaan yahay Baarlamaanka iyo fulinta”.

Garsoorka shuruucda waddanku sidaa madaxbannaanida u siinayaan, wuxuu ka cabanayaa madaxbannaani la’aan iyo aawoodiisi oo faragelin qaawan lagu hayo, wuxuuna madaxa ka qaadi la’yahay golaha fulinta oo si cad qool ugashatay Garsoorkii. Daraasad uu sameeyey Machadka Heritage [Heritage Instirute] sannadii 2021 oo uu magac uga dhigay Dib-u-dhiska Nidaamkii Caddalaadda Soomaaliya ee Burburay³, wuxuu ku sheegay in madaxda garsoorku laba sababood ugu dhib qabaan siyaasiyiinta:
1). Tan koowaad in hoggaamiyayaasha siyaasaddu awood u leeyihiin magacaabista iyo ruqsaynta madaxda garsoorka heer federaal iyo heer dawlad- goboleedba; markaa tani waxay meesha ka saaraysaa in hawl-wadeenada garsoorku noqdaan kuwa shaqa ahaan iyo awood ahaanba u madaxbanan oo waxay noqonayaan kuwa cid kale daaha gadaashiisa ka maamusho, marka haddii xubinta garsoorku ah ay waydo awood madaxbannaan oo ay shaqadeeda ku gudato waxaa meesha ka baxaysa in hay’adiina ay noqoto mid xor ah , maadama oo ay waqti koobana joogayaan, ninna meesha keensaday, sidoo kale waxaa iyana si duuduuba meesha uga baxaysa in hay’ada garsoorku madaxbannaanaato maadama oo xilka qaadista masuuliyada garsoorka iyo awood siintiisuba ay tahay mid uu gacanta ku hayo madaxwaynuhu.
2). Tan labaad ee daraasadani tibaaxday waxa weeye, in laanta garsoorka saboolnimo kaliya aanay dishoonnin ee xataa hoggaamiyeyaasha u isticmaalaan waxa ay ugu yeeraan “la haystayaal” si ay madaxda caddaaladda gacanta ugu hayaan. Si ay arrikan “lahaystanimda” u dhaqangeliyaan hoggaanka sare ee dawladdu, marka horeba waxay ku dedaalaan inay u magacaabaan boosaska ugu sareeya garsoorka rag iyaga ka agdhow oo ay hadhow dahanooda sii dhex marsan karaan.

2.Miisaaniyada Nidaamka Caddaaladda lagu bixiyo oo yar:
Hubinta mushaharka garsoorka iyo laamaha caddaaladda, waxay muhiim u tahay taabaaggalka hay’ad garsoor oo awood u leh gudashada shaqadeeda, haddiisa ay tani meesha ka baxdo waxaa imaanaya musuqmaasuq; eex; iyo wax isdaba marin ay bilaabaan shakhsiyaadkii loo xilsaaray inay ilaaliyaan caddaalada. Waxaana waaajib ku ah dawladda federaalka iyo maamul goboleedadaba inay ilaaliyaan, sidoo kalena u qoondeeyaan miisaaniyad ku filan golaha garsoorka, si ay shaqadooda ugu qabsadaan sida ugu habboon, wuxuuna leeyahay qodobka toddobaad ee axdi qarameedka qaramada midoobay ee madaxbanaanida garsoorku “Waxaa waajib ku ah dowlad kasta oo xubin ka ah inay bixiso hanti ku filan si ay garsoorka ugu suurta gasho in uu si habboon u guto hawlihiisa” ².

Dawladda federaalka iyo maamulada xubnaha ka ahba xil iskama saarin mushaharka garsoorka, waxaana mararka qaarkood dhacda in garsooryaashu ay waayaan mushaharkii ay xaqa u lahaayeen taaso sababi karta inay laaluush qaataan. Waxaa iyana cad in hay’ada garsoorku tahay tan miisaniyada ugu yar lagu bixiyo marka la barbardhigo labada gole ee sharcidejinta iyo fulinta. Tusaale ahaan Maamul goboleedka Puntland Gudoomiyaha Maxkamadda Sare waxaa mushahar ahaan u qoran $700 iyo xoogaa, wuxuuna la siman yahay dhanka mushaharka Agaasimaha guud. Markaynu eegno mushaharkan iyo miisaaniyada uu u baahan yahay qof booskan joogaa isuma dhigmaan, waxaana jira mabda’a dhigaya in garsooraha khidmadiisa laga dhigo mid aad u sarraysa, si looga ilaaliyo damac iyo doonitaan hantiyeed oo uu waddo sharci darro ah u maro. Sidoo kale daraasada uu sameeyey Machadka Heritage waxay tibaaxaysaa in Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Soomaaliya qaato mushahar gaadhaya $2000 taasoo aynu garan karno inay aad ugu yar tahay qof u baahaan ciidan amnigiisa suga; lacag uu noloshiisa qoys iyo tiisa gaarka ahaaneedba ku maareeyo.

3. Kalsoonidarada bulshadu ku qabto garsoorka iyo awooda xeer-dhaqameedka:
Bulshada soomaaliyeed, guud ahaan, kalsooni baddan kuma qabaan garsoorka, waxayna kaga kalsoon yihiin inay arrintooda ku xalistaan iyagoo u maraya garta dhaqanka, sababaha keenayna waxaa ka mid ah:

B. Deg-degsiimada: Inta badan bulshadu waxay ka cabataa in maxkamadaha aan hore waxba uga dhammaan oo uu kiisku aad u jiitamo, tasoo keenta in qofku mararka qaarkood ka quusto inuu helo caddaalad, halka marka odayaasha dhaqanka garta loo gaysto ay caan ku tahay in isla jeerkaaba xaajada la galo, go’aanna laga soo saaro.

T. kharajka: Qofku marka uu kiis maxkamadda ka furanayo waxaa ku baxa kharaj intuu doonaba ha le’ekaadee, wuxuu bixiyaa cashuur, wuxuu sameeyaa nuqulo qoraalo la xidhiidha eedda, caddaymaha iyo arrimaha kale ee dacwada la xiriira oo lacag lagaga qaato. Halka marka ay dadku dhaqanka isla aadan aanay u baahnayn waraaqa ay dacwigooda ku qortaan, mana jirto kharaj badan oo kaga baxaya inuu xaqiisa raadsado.

J. fulinta: Bulshadu waxay sheegtay in fulinta xukunadda ka soo baxa maxkamadda ay aad u yar yihiin, halka xukunadda ay soo saaraan odayaashu ay isla jeerkaaba hore ka fulaan.
Arrinkani waa kuwo ka mida arrimaha uu ka hanaaqdi la’yahay garsoorka Somaaliya, oo waxaa dhacda mararka qaar in kiis maxkamadda ka furnaa ay dhinacyadu intay joojiyaan, in ay isku af-gartaan inay oday dhaqameedka garkiisa ula bayraan.

4. Midayn la’aanta Nidaamka Garsoorka:
Dhammaadka 2002 ayaa shir dib u heshiisin ah ka bilowday dalka Kenya. Geedi socodka waxaa lagu gaaray ansixinta Axdiga Federaalka ah iyo Dawladda Federaalka ku meel gaarka ah. Sannadii 2004 ayayna ahayd markii dhidibda loo aasay Dawladdii Federaalka ku meelgaarka ahayd ee uu Cabdullaahi Yuusuf Axmed Madaxwaynaha ka ahaa, taasi waxay keentay in dhammaan hanaankii dawladnimada Is bedelo, waxaa sidoo kale is bedelay haykalkii uu u-dhisnaa Nidaamka Garsoorku waxaana waajib noqotay in hanaanka garsoorku isu bedelo Federaal.

Haddaba in hanaanka dhismaha Garsoorka la fadaraaleeyo weli waa caqabad taagan, oo aan xal laga gaarin, taasoo keensatay inuu ilaa iyo hadda sal-dhigi waayo nidaam garsoor oo midaysan waddankana ka hirgala. Golaha Sharci-dejinta Federaalku weli masoo saarin sharciyo si rasmi ah u federaalaynaya golaha garsoorka, balse waxaa jiraa dedaalo aan guul ku dhammaan oo ay si wadajira uga qayb qaadanayeen Dawlada Federaalka iyo Dawladaha xubnaha ka ah, kuwaasoo lagu doonayey in laysla meeldhigo qaabka uu yeelnayo Nidaamka Garsoorku, waxaana ugu danbeeyey isku day-yadaa Shirkii caasimadda ku meel gaarka ah ee Hiir-Shabeele ee Jawhar ku dhexmaray Wasiirada Wasaaraddaha Caddaaladdaha ee heer Federaal iyo heer Maamul Goboleed sannadii 2018 kasoo ay kasoo baxeen qodobo wax ku oola balse markii danbe ay ku gacan-sayrtay Dawlada Federaalka, Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Federaalkuna ku tilmaamay in Dastuurka lagu tuntay.

Daraasada uu sameeyey Machadka Heritage ayaa soo bandhigaysa in khubara iyo xeel-dheerayaal wax laga waydiiyey nooca hanaanka caddaaladdeed ee ku habboon Soomaaliya ay soo jeediyeen labada nooc ee kala ah:
1. Nidaamka Garsoorka ee is barbar-socda [Doul Court system] kaa soo ah habka uu sheegayo Dastuurka ku meel gaarka ah qodobkiisa 108aad. Nidaamkan Garsoorka is barbar-socdaa wuxuu awood u siinayaa Maamul Goboleedyada inay yeeshan Maxkamad Sare.
2. Kooxda aan nidaamkan ogolayn waxay iyagu ku dooddayaan in Dastuurka wax ka bedel lagu sameeyo, lana hirgeliyo Nidaamka Garsoorka isku dhafan. Nidaamkani waxuu awooda Maxkamaddaha Sare [Racfaanka, Maxkamadda Sare, Maxkamadda Dastuuriga ah] siinayaa Dawladda federaalka. Waxayna qolyahani ku durayaan nidaamka hore inuu u baahanyahay lacag badan oo markaa ay adkaanayso in waddan sida Soomaaliya sabool u ah uu ka baxo kharajkiisa, sidoo kale inaanay bulshada Soomaaliyeed xuduudo kala lahayn taasoo aad u adkaynaysa kala soocida awoodaha sharciga ah.

Federaalynta nidaamka caddaaladdu waa caqabad u baahan xal, iyo sidoo kale hoggaan u bareera ka gungaadhideeda, si loo hirgeliyo nidaam caddaaladdeed oo bulshada wada gaara.

G U N A A N A D:

Haddii la helo Hay’ad Garsoor oo awood leh shaqadeedana u madaxbannaan waxaa hubaala in la helayo dawlad Soomaaliyeed oo cidh-baheed dib isugu taagta, kala qoqobnaanta, nidaam la’aanta iyo kala danbayn la’aantana laga takhalysayo.

Ugu danbayntii Dawladda hadda dhalatay ee Madaxwayne Xasan Shiikh Maxamuud waxaa looga fadhiyaa inuu awood badan geliyo dib u dhiska hay’ada garsoorka, sidoo kale waxaa laga sugayaa inuu salka u dhigo Nidaam Garsoor oo midaysan, xalna laga gaaro kala furfurnaanta Garsoorka ee Dawladda Federaalka iyo Dawladdaha xubnaha ka ah.

—————————————————————-
1. The Transitional Federal Charter of the Somali Republic – February-2004- Nairobi.

2. Article [1] “independence of the judiciary shall be guaranteed by the State and enshrined in the Constitution or the law of the country. It is the duty of all governmental and other institutions to respect and observe the independence of the judiciary”.

3. Rebuilding Somalia’s Broken Justice System [Fixing Politics, Policies, and Procedures- January- 2021].

4. Article [7] “is the duty of each Member State to provide adequate resources to enable the judiciary to properly perform its functions”

——————————–‐‐——————————-

T I X R A A C:

1. Dastuurka ku meelgaarka Jamahuuriyada federaalka Soomaaliya 2012.
2. Dastuurada Maamul Goboleedyada.
3. Axdiyadii Carta [2000], iyo Imbageeti [2004].
4.Cilmi-baaris ay samaysay Machadka Heritage ciwaankiisuna yahay Dib-u-dhiska Nidaamkii Caddalaadda Soomaaliya [ Rebuilding Somalia’s Broken Justice System- 2021].
5. Axdi Qarameedka madaxbannaanida Garsoorka ee soo baxay 29-November-1985 iyo 13-December-1985.
6. Sooyaalka Dastuuradii, Axdiyadii iyo Nidaamka Federaalka- Qareen Sakeriye I. Nuur

——————————–‐‐——————
Ladhka hoose waxaan kasoo qaatay [Website] la dhoho TIMES OF INDIA.

W/Q: Carafaad M. Axmed

SHEEKOOYIN