CARRAB-LAALAADIN (Qore Xuseen Wadaad)

Ma ogi, mana garan karo in la ila wada garan karo cinwaanka kore iyo in kaleba.

Midse waa barkumataal in, in badan oo idinka mid ah ay si fududba u sii saadaalin karaan kobta aan u socdo.

Wadahadalku, waa waxa la isku afgarto. Is afgaradkaasu, mar waxa uu noqdaa mid togan oo labada dhanba la dhacsan yihiin. Mugna, waxa uu noqdaa mid dhinac qanciya, balse dhinac kale aan u cuntamin. Mug sii kalena waxa uuba noqdaa mid lagu kala dareero oo nagu kala wad ah. Mugna waxa uu noqdaa mid dhinac la marsado.

Wadahadlladu, waxa ay u dhaxayn karaan laba dhinac, ha noqdeen laba qof ama laba qaybood oo kala duwan, mug sii kale waa ka badnaan karyaa labada oo qolyo kalaa ka mid noqon karo xiwaarka.

Si aad u noqoto mid aan wax la hoos gelinba, waxa habboon in aad muggaaga horeba lahaato aragti feejigan iyo karti aad ku isticmaali karto HAA ama MAYA.

Haddii aadan mugga ay su’aashu joogto ama ku bilaabato Hal oo carabi ah ama ma aadan dhihi karin Haa ama Maya, warkaagu waxa uu noqonayaa mid dhankii la rabo loo jiidan karo.

Layaab noqon mayso in daruur socoto ama dhado roob lagaaga dhigo. Adiguna sidaas ku aqbasho. Waa ballanqaad aan jirin oo u dhigma in aad ”Quud aan jirin qoryo u gurato”.

Xuseen M.Cabdulle ”WADAAD”

huswadad@hotmail.com

 

 

SHEEKOOYIN