Caweys: Shiribka Toddobaadka Laashin. By Cabdiraxiin H Galayr December 17, 2015 Share Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Shirib aad u xiisa badan oo dhex maraya wiil iyo gabadh u haasawaaya sidii hiddaha iyo dhaqanku ahaa, Laashin Cabdinuur oo shiribkan isagu akeekimey iskana dhigey labadii lammaane ayaa yiri: Wiilka: Casir wanaag san caasho kiin Ceyntaada waaba caashaqee, Gabadha: Casir jawaan ku caashaqaa Cabdoow miyeeysan ceeb ahayn, Wiilka: Ceeb maahin waaku caashaqee Cilmi miyaad lahayn carfoon, Gabadha: Cagta dhulkuu dhig cabdiyoow Waxaan cunmeynin caarifkood, Wiilka: Cankaagaya calaacashaan Caasho nin arkay mees celaa, Gabadha: Cankeyga arki maa cabdoow Caruuda geel nimaan celeyn, Wiilka: Ceel buuxa caag biyaa carfoon Minaad ka cabto wees curjaa, Gabadha: Cawa tagtay mineey cabdoow Soo ciydo waaku caawihaa, Wiilka: Cirkuba caad la,aan carfoon Waasoo curtaahe ii ciddeey, Gabadh: cadiinya ciir waxaad cunnee Cood iyo waa qabnaa cantoog, Wiilka: Cirbad nin rabay hoo cadkaan Ku caafimaadi maa carfoon, Gabadh: Caqli woxoowsan soo celeyn Codso bal aan ku ceeyriyee, Wiilka: Cidla ninkugu caashaqee Caasho ku yiri caana sii Gabadha: caasho nimaa hor calmadee Is ceeji amma hoor carroo, Mida kale, Ha ii caweeynin ee caraaw Cungaa arri u soo ciyee Curiye:Laashin Cabdinuur Waddani Cabdiraxiin H Galayr See author's posts Share Facebook Twitter Pinterest WhatsApp SHEEKOOYIN Beertii Nagaashaha | W/Q: Cabdisalaan-Ceeryaamo March 17, 2022 Sheeko taxane ah : Il iyo Baal Q1AAD W/Q: Shaafici Maxamed... February 7, 2022 Sheeko taxane ah : Il iyo Baal Q1AAD W/Q: Shaafici Maxamed January 30, 2022 Semen waliba xeeshii! W/Q: Ciise Cali Ganeey January 21, 2022 BUUR-KACAAN | W.Q: CABDISALAAN-CEERYAAMO January 16, 2022 DULMAN Q2AAD W.Q: Cabdinaasir Xiddig November 21, 2021