CAWO SHAYDAAN! W/Q: Cabdulle Cabdi kariim “Abka Jallaato”

CAWO SHEYDDAAN


Waa ammin danbe magaaladuna waa bandoow todobaad ayaa laga jooga markii ay dowladdu xayiraad ku soo rogtay gebi ahaanba isku socodka dalka,  waa 30 kii March 2020 waxa kaliya oo loo oggolyahay in ay socdaan howl wadeennada iyo tiro yar oo ay qasab tahay iney xaadiraan shaqooyinkooda. Waxaan ka mid ahaa dadka howl wadeennada ah, waxaan soo idleystay howl habeeneedkeygii, waxaan ahay hoyaad daal maahane xubin walba oo jirkeyga ka mid ah waa ahab mar lee guriga yaa ku gaarsiiyo, ayey iga mareeysaa, waayo halkii aan 8 saacadood ka shaqeyn jiray iminka waa 12 saac oo xiriir ah iyo seddex saacadood oo socdaal ah waa 15 saac, 2 saac is diyaarin ah 17 saac aniga dhan waxaa ii haray 24 kii saac, shan saacadood oo caato ah.


11-da subaxnimo ayaan galaa 11 ka habeennimo ayaanna ka soo baxaa markaan waa la qabsaday oo waxaan kor xanuun soo maray oo uu shaki ku jiro waayo astaamaha Coronavirus ka waxaa ka mid ah kor xanuun caajis iyo kuleyl intiiba waa arkaayay haddii qunfac iyo diif ku dari lahaa abootooy na furo  ta’kiid ay noqon laheyd. Waxaan soo hadaafo waxay indhaheygu si kedis ah u qabteen gabar Soomaali ah oo bas stop ka  taagan saa waa sii fiiriyay qof aan aqaan ayey iila ekeetay  inta ag istaagay baan u yeeray heblaayo soo bax si halhaleel ah ayey horay u soo fadhiisatay. Aniga naxdin ma aha qofkii aan u yeerayay ee waa gabar kale daalki i haayay waa iga haaday  waa uun is ka dhaqaaqay anigoo salaan iyo su’aal iskugu daraayo, iyana i garatay in aan qof kale u mooday waxeyse hadalkii iiga billaawday barasho wanaagsan magaceygu waa Aragsan Xasan  waxaan degganahay meesha uu baska ku dhamnaado agteeda shan daqiiqo meel u jirta.


Meesha baska ku dhammaado deegaannada ka danbeeyo waa warshado waa hore laga guuray aad baan u garanayaa,  nin iyo dookhiisa looma kala hiilliyo, markaas waxaa ii shidan hees erayadeeda ay ka mid ahaayeen: Badda maan ku dhacaa, mise waan ka durkaa dugaagga maa i dilee. Anigana waa isku sheegay; waxba kama qarin inaan qof kale u maleeyay, balse, hadda ay wax dhib ah jirin oo jug jug meeshaada joog ay tahay halkii baa kaftan iyo is wareysi nooga sii socday. Waxay ii sheegtay; in  ay hadda dhow soo degtay halkaas oo ay guri ka iibsatay oo hadda gacanta laga qaaday madax bannaan calaf doon ahna ay tahay. Yaa Ilaaheey ma kuu gargaaraa mise  gaddac gaddacda ayuu kuu ridaa ayaan maqli jiraye, wan digsigiisii wata yaa diidi karaayo. Waxaan ku dhahay Aragsaneey adiga iyo magacaaga waa is leeyihiin koow dheh barasho horteed yaan leys nicin anba calaf doon waan ahay aad baan u soo dhaweynayaa in aan wax isku darsanno ee reerka halkuu daggan yahay ma London mise? Waxay tiri:  Aabbe iyo hooyo waxa ay deggan yihiin: America saddex wiil iyo mid wadaad ahna waxa ay kala joogaan Jarmalka, Holand iyo Swedan aniga hadda u soo guuray London oo sannadkii labaad baa ii dhashay waxaan ka shaqeeyaa Isbitaalka ku yaal halkii aad iga soo qaadday, ST Maria qeybta jabka iyo kabniinka.


Macbuudkoow maxaa jira kan wadaadka sow walaalkaa maaha ayaan ku dhahay? Waxa ay si fudud u tiri: waa mid saaqiday oo gar dheer la baxay lugaha gaabsaday waa aqwaanul muslimiin  kuwa kalaan ka jeclahay, wuxuu iigu yeeraa: Cawo sheydaan iyo cijiyo dheer iyo magacyo xun xun buu iigu yeeraa mar kasta waa mid ma xishoodaa ah oo iimmaanka Alle ka qaaday. Dadka dhaxdoodu kugu ceebeynaa wana xoog weyne  xamaali furddada ayuu ku fiicnaa. Ayadoo weli warkii walaalkeed ku sii fogaaneysa ayaan ku iri: waa nimid ee i tilmaan xaafaddii aan ku ogaa warshado mar hore laga guuray oo dhismooyin aan weligey dunida ku arag  qaar sida Maraakiib kuwa Doomo ayey u eg yihiin qaar baa gawaarida casriga u eg, qaar baa diyaaradda concort loo yaqaan u eg waa ba duni ii dhineyd nolosheyda.


Dhinacyada waddooyinka waxaa ku xardhan ubaxyo qurux badan  gawaarida is dhax yaaceysa  maa cadadnaa walaa xisaaban waaye, waxaa iigu yaab badnaa gaari laba lugood kaliya leh oo wada muraayad ah oo si jees jees ah u socda gudahana qof ugama jeedin. Horay ayaan ka weyddiiyay anoo magaceedii Aragsan ahaa illoobay ayaan ugu yeeray Cawo sheyddaaneey gaarigaan muxuu ahaa? aseey u tiri si fudud: carruurta xaafadda ayaa ku ciyaarta. Shaki baa i galay toy car sidaa u weyn oo carruurtu ku ciyaarto iyo dhabartaan waxaan ku dhahay waa maxay carruur saacaddaan soo jeeddo? Waa ku dhawaad koowdii habeennimo. Si ka sii fudud sidii hore jawaab dabacsan iyo weliba ayadoo dhankeyga u soo jalleecsaneysa indho kuul kuulan buluug iyo cad baraxsho leh oo xididdada araggooda la arkaayo ay igu tiri: gacaliye su’aal badnidaa    daankana waa ay iga waa ay iga dhunkatay. Markaa ayaa iigu danbeysay su’aal danbe oo aan weydiiyo wax ay hadba xaga u leexo i dhahdo gurigeedii baan soo hor istaagnay , saacadda gaariga ayaan isha ku  xaday weli koowdii lama gaarin maskaxda ayaan dib u gujiyay sow adiga nus saac ka hor weyddiinayay gaarigii la yaabka laha ee Aragsan ku tilmaantay toy ay carruurta ku ciyaaraan.


Anigoo mowjad xiif xiif ah dhax muquuranaayo ayaan ka war helay Aragsan oo leh: gacaliye waa ku sidee miyaad xishooneysaa soo deg.
Si hal haleel ah fataq u soo dhahay waa uun daba galay sida awr awr wado albaabkii ugu horreeyay bay remote Control ku furtay, markiiba gudaha ayaan u dhaadhacnay   in door ah markii aan soconnay aniguna waa aan sidii ilbax tuulo oo magaalo yimid argagaxsanahay, inkastoo markaan aniga iyo Aragsan aan far iyo faraanti camal iskugu nabannahay. Haddana kama aamin ihi waxa socdaa waa wax iga tan weyn diiday iyo haa oo iga falanta ayaa haddana mar walba fikradda ay Aragsan wadato, maxaa yeelay, anigu ma ihi kaan ahaa markii aan jidka ka soo qaadayay. Qiyaas 5 daqiiqo markii aan soconnay albaab kale oo kor iyo hoos iyo labada dhinac u furmaya ay fak siisay waxa ay indhaheygu ku dhaceen erayo sidaan u qornaa:  Hoyga Queen Aragsan iyo Saygeeda Abka. Waa markab weyn oo wabiga Themes ka dhex fadhiya oo u dhisan sidii qasriga boqortooyinkii Cabbaasiyiinta. Weligey noociisa oo kale United kingdom  iska daaye dunida kale xataa kuma arag. Marna ma awoodo inaan weydiiyo  ama aan is weyddiiyo sababta magaceyga meesha ugu qoran yahay, sina waan u faraxsanahay sina culeys baa i saaran oo waxa aan ku jiraa jawi macaan haddaba qadhaadh ah, waayo wax yar ka dib su’aal baa igu dhalaneysa haddana halkaa dhuunta sooma dhaafto.


La soco qeybaha xiga


W/Q: Cabdulle Cabdi kariim “Abka jallaato”

  • NAGA LA SOO XARIIR:
  • laashin77@gmail.com

SHEEKOOYIN