Cawo Sheyddaan! Q-2AAD W/Q: Cabdulle Cabdi kariim (Abka jallaato)

Cawo Sheyddaan! Q-2AAD


Marna ma awoodo inaan weydiiyo  ama aan is weyddiiyo sababta magaceygu uu meesha ugu qoran yahay, sina waan u faraxsanahay sina culeys baa i saaran oo waxa aan ku jiraa jawi macaan hadba qadhaadh ah, waayo wax yar ka dib su’aal baa igu dhalaneysa haddana halkaa dhuunta sooma dhaafto oo dib baan u liqaa ugu danbeyntii ilaa aan illaawo su’aashu waxa ay aheyd. Hoygii ugu casrisanaa adduunka ay indhaheygu qabtaan ayuu ahaa waxaaba iigu darneyd markii aan gudaha u dhaadhacnay oo ay ii ishaartay inaan fadhiistoo kuraas ka sameysan dahab wareegyada ay ku fadhiyaan salka markii aan dhigtay durbadiiba waxaan dareemay kuraasto in ay leedahay: Riix Bixis anigana waaba taan daalnaaye waa ku sii dangiigsaday.


Durbadiiba hurdo ayaan la dhacay  waxaanna dhax jibaaxay riyo cajiib ah, anigoo dayax gacmeedka kula qaadanayo ammin macaan gabar aan yaraanteennii ama aan dhaho jaceylkii iigu horreeyay oo aan far iyo faraanti isku aheyn reeraha ay isku keyna ogaayeen oo wadku na kala waday la joogo. Dadka xaafaddu waxay noogu yeeri jireen mataanaha, sababtoo ah maba kala hari jirin subaxdii markaan indhaha kala qaado qofka iigu horreeyo ee aan arko waa hooyadeey qofka ku xigana waa Xamdi Abuukar.


Halkaas ayaan iskala lug heli jirnay oo howl maalmeedkeena waxa uu ahaa iskuulka inaan wada aadno ka nimaado labada guri hadba mid tagno qadeyno dugsi quraanka aadno shaqo guri wada jir uga shaqeyno kaddibna lucmaan aan ku daawano gurigooda oo television yaallay, ma xasuusataa Lucmaan? ku darsoo dhalyo wadaagna waan aheyn oo afar oday ayaan kala tirsannaa, maalinta Jimcaha ruwaayad la oran jiray Olol ayaa raadiyaga iskala dhegeysan jirnay waxaan ka xasustaa: OLOL MA BADDAAS BAAN KU SII DEYN KARAA cajaa’ib  Allow yaa amminka dib noogu celsha habeenkeedana Shineemo Xaawo Taako oo casir dheer saf loo sii galo ayaan iska xaadiri jirnay. Taasi waxa ay noo aheyd: joogto howlaha adeegga guriga kama marneyn maaddaama ay reerkeennu lo’ u joogtay mararka qaar ayaan Billaajo Carab maankaal uga dooni jirnay, markaan soo gaddoono suuqa balka Wardhiigleey  ayaan moxog uga soo gadi jirnay.


Moxogga inta jarjarno ayaan maankaalka iyo buunshada isku qasno lo’da siin jirnay. Sac waxaa noo joogay Dhiin la dhaho oo markiI aan sii baxeyno iyo markaan soo galeyno noo dhawaaqa waa sicii aan ku bartay sida lo’da loO liso  lo’da kale waa la xiraa qofkii uu aqoonin herti uu boodka kala tuuraa, Dhiin . Waxaa noogu darneyd mar aan saq dhexe ku soo toosnay cabaadka tuug guriga u soo dhacay oo dhulka yaal kaddibna uu suuxay waa la soo qaaday biyo lagu rusheeyay markuu soo naaxay ayaa la camal weyddiiyay asna runta uu iska sheegay Hooyadeey badar siisay waana la fasaxay inuu iska tago asana waa diidyay inuu baxo. Dabcan tuug waxa uu ahaa: reer Wardhiigleey yaqaan in ciyaal buris u ganban yihiin si kasta oo la yeelay wa ka dhaartay inuu bartiisa ka dhaqaaqo saldhigGa i geeya uu soo istaagay.


Waxa uu yiri: tabar aan ku ordo ma lihi jugna iima noqoto ee isxaan ha la ii sameeyo isteeshinka i geeya. MarkiI danbe walaalkey ayaa talo keenay in deerka gogol loo dhigo subixiina qof caadi ah camal u baxo dadku markii ay guryahooda ku laabteen Siciii Dhiin ahaay ayaa ber looga celiyo laga quustay, mashaqo badanaa annagoo sidii u soo jeedna ayaa waagii walac korkeena ka yiri. Nin askari ahaa oo xaafadda wax ka degganaa ayaa hooyo ka codsatay inuu ninkaan xaafadda ka bixiyo waayo ciyaalka xaafadda qaar ayaa fara maceysi diyaar u ah oo u dhakan si kastoo la yeelay baxa waa lagala quustay. Teeda kale, reer Wardhiigleey waxaa caado u aheyd: darbiga iney caddeeyaan, filimka dhammaadkiisa in ay ogaadaan waa qasab. Ninkii askariga ahaa ayaa Gaari Landrover u watay ku qaaday  sidii ayuu ku badbaaday, warkiisa meeshaa ayaa iigu danbeysay u maleey maayo inuu dib ugu soo noqon doono xaafaddeenna. Wax waqtigu socdo oo sannadba sannad u dhiibo saacaduhu is daba  maraan maalin maalmaha ka mid ah ayaa Xamdi Abuukar  xanuun ku soo booday dhaqtar ayaana lola cararay.

La soco qeybaha xiga


W/Q: Cabdulle  Cabdi kariim (Abka jallaato)

SHEEKOOYIN