Cidleeyaha Casriga ah! W/Q: Dayax Axmed Ileey

CIDLEEYAHA CASRIGA AH!

Dayax Axmed Ileey

Malintii aan bartay, tan iyo hadda oo aan laba curruur ah u dhalay, anigu marna maan xiisayn ee waxaan u qaaday dareen jacayl oo dhab ah. Daqiiqad walba wuu igu sii kordhayay. Saygayga waxaan u arkaa nimco Rabbi igu galladay, isagase waxa aan xaggiisa ka ahay ma ogi! Awlaad iyo guri yeelo ka sokow, waxaan xaajigayga Hurre u guursaday oo aan dunida waxa rag jooga uga doortay, in aan ka helo naxariis maadama uu iila muuqday nin wada naxariis ah. Waxa aan u guursaday in uu cidlada ciirsi iiga noqdo, cabsida wehel iiga noqdo, dawakhaadda adduun dawo iiga noqdo, xanuunnada digtoor iiga noqdo, walbahaarka walaal iiga noqdo, agoonnimada aabbe iiga noqdo, guud ahaan in uu gacaliyahaygu nolosha hoggaan heeggaan ah iigu noqodo. Dhoollacaddeyntiisa ayey farxaddaydii gashay . Ilbidhiqsi kasta waxaan u oomanahay sheekadiisa iyo ag jooggiisa, hadalkiisu waa ii dawo iyo dabiib oo dubaaqaygu kama daalo. Xajiga waxaas oo xiiso iyo xubbi ah aan u hayo, isagu waa mooge meelkale ka shaxaya.

Waxaan ahay oori iyadoo ninkeedii joogo dareemeysa cidla, cabburaad iyo ciil. Ima fahmo imana maqlo, waxaan doonayaa nolol ka ballaaran hunguri, hu’ hoy iyo hawo sariireed. Waxaan rabaa farxad, naxariis, danayn, dugsi, dayr, dawo iyo dubaaq. Waxaan u baahanahay saaxiib dhab ah oo ila dhammaysta nolosha, dhiniciisa qabta oo dheelliga u diida. Anigu, guri waxaan u aqaannaa goob lagu nasto, lagu nafiso oo niyadda deeqda. Xaajigu malaha guriga wuxuu moodaya, albeergo loo soo hurdo tago iyo maqaaxi loo cunto tago! Noloshu ma intaas uun baa? Marwada baahideedu ma biil uun baa? Amakaag Hurre weli muu beddelin dhaqankii markuu doobku ahaa! Maya, markii baaba aniga la ii qaatay. Shaxshaxdii shukaansiga iyo sheekadii maxaa qaatay? Waxaan ku iri xaajiga: “Waan ku doortaye dabacsanow.” Wuxuu u qaatay iga durug! “Dibnahaaga ereygooda ayaa naftaba daaweeya ee xubbi arintaas xasuusnow.” baan ku iri. Wuxuu u qaatay hadalkaaga iga iibi! Ruux adduunkagii ah isna adduun kale ku fooggan illeen kuma fahmo! Haddii aan saacad ag joogo iyo haddii aan ilbidhiqsi ag joogo, waa isugu mid.

Waaba hadduu dareemo ag joogeyga e, waxba ugama dhigna arintani! Anna ag jooggiisa dunida ma siisteen. Hadalkiisa, la jirkiisa, farxaddiisa iyo kanshaha aan ku helo, aniga waxa ay iiga dhigan tahay, aniga oo janno adduunka ku helay waase maan barray iyo maan Bilaale, isaga waxaasi uma muuqdaan. Haddii aannu afartan ruux guriga ku joogno iyo haddaanu labo uun nahay waa isugu mid. Ma yaqaan weheli, wareyso iyo lawadaag waayaha. Xaajiga aamusnidu waa u dookh yaan dambaabine waa markuu aniga ila joogo. Waaban dayn lahaaye dareenkaa igu qasbaya oo si dhab ah baan u danaynayaa kama dheeraan karo. Adduunyada ma siisteen mar qura aragtidiisa. Waa shibbane aniga laygu shakaalay. Jacaylku waayo badanaa wuxuu kugu tolayaa naf aan kuu jeedin. Nafka kaa janjeedhuu jeel kuugu ridayaa. Ruux kugu jiriricooduu kugu jujuubayaa.

****

Gacaliyahaygu waa gob qof ahaantii. Waa bulshaawi sheekeeya oo shiriya kolkii uu dadka la joogo! Anigase si buu iigu dubbaysmaa? Malaha waa buu igu caajisaa! Sow imuu dookhan? Muxuu ka diday! Bal adba jid uu saar. Cimriga Alle ha uu dheereeyee, xaajigaygu wuxuu ku jeedaa, jecelyahay oo uu u jalbeebaa cidleeyaha casriga ah. Hurre kolka uu joogo golayaasha rag ku xaajoodo waa laba xiniinyood xiddig ka ah goobta. Fagaarayasha marka uu ka haadlayo waa aftahan aan ereygiisu xasuusta ka go’in.

Qofkasta oo uu maanta barto, wuxuu siinaya farxad soo dhaweyn, ixtiraam iyo jacayl. Anigase erayga xitaa ima deeqsiin karo! Anigiyo dadyowga yaa mudan daryeel? Waxaan arkaa isaga oo intaas istuska (facebook) ku jira saacado xataa ku illaaba naftiisa. Whatsapp ku dhurmaya u qoslaya oo la qoslaya qayrkeey. Anna waabuu igu caajisa. Saacado ayuu qoslaa, farxaa, anigase labo erey ima oran karo. Xaaladdan xeerin la’aanta ah, xaqdhowr darrida ah, xiiso yarida ah xubbi darrada ah xaqiradda ahi, waxay igu noqotay xanuun xiska gaaray. Waxaan ka shakiyey naftayda. Waxaan hoos isugu dhigaa wareysi, tolow maanaa sheeko xun? Ma waxaanan aqoon dookhiisa? Ma waxa aan ahay dadka aanuu warkoodu nuxurka lahayn? malaha ma aqaan xulashada erayga habboon goorta ku habboon? Muxuu xaajigaygu iiga maahsan yahay oo uu isku kay moogaysiiyaa? Isku daalaye yaa i daweeya? Waxa ay iigu daran tahay marka saaxiibadayda shaqadu i dhahaan “Makooy waxaad tahay caajis tira. Sheekadaada waannu u xiisnaa” IWM.

Isma mahadiyee waxaan milicsadaa xaaladdii gurigayga anigoo indhaha hoos u rogaya kala war la’aa Ilaahay iyo Cambaro madow. Bal waxa islaamku arkay maxaa isaga ka indho tiray? Intaas waxaa la ii sheega amaanteyda waxaan arkaa dad badan oo u hammuun qaba qofnimadayda. Kuwo tamaniya in ay iga ag dhawaadaan! Marar badan waxaan maqlaa dad ile Alla Hurre nasiib badanaa! Saa aduu ku helaye. “Ninna shay uu hayo ma garto.” Uun baa igu soo dhacda, markaan isu fiiriyo xaajiga iyo dadkaan ii khalkhalsan. Waxaa hubaal ah xaddi kasta oo uu gaaro jacaylku, in ismoogaysiintu disho. Waa u dabar iyo dab baabi’iya guud ahaan dareennada.

Danaynta iyo daryeelku nolosha waa u door waxa mashquul iyo shaki igu abuuray moobilkan aad mooddo in uu saygaygu injirta ka gurayo. Waxaan layaabaa aamusnida iyo danayn la’ aanta, anoo dadka uga sokeeya! Duryanka iyo u dirnaanta daasaddan uu dukaanka ka soo iibsaday. Waxa igu dhashay shaki iyo masayr. Waxaan is wayddiiyay, waxaan xaajiga ku ah irbadda suuxdinta ah ee miyirkiisa qabsaday. Waxaan u kaba gashaday sidii aan uga warkeeni lahaa birlabtan haysata Hurre. Haba doonan lahaydaa dhulkaba uma oggola sida qunbo subag ah ama sabi dhallaan ah buu u dhowrayaa. Dhankiisa haddaan u dhaqaaqo dhawaq iyo dhidid buu isku darayaa! Maskaxdaydii baa muran igu furtay. Amakaagaye meesha maxaa ku jira? Weger ninkaan wuxuu soo wado iyo wabiga yaa wayn? Tolow meesha miyaa lagu falay? Waxna laguma faline malaha naagaa ugu jira? Waalliyeey waalli ma moobil baa naago qaada! Muxuu u qaadi waayay sawirro iyo meeluhuu kala hadlo ayaa ugu jiree! Aabbihii goblankan! Wuu i waali oo maxaad u waalan ee ku haya ma nin baad naago ka ilaalin kartaa? Hadda ayuu guursan hadduu damcee. Waa run oo nin abaal ma leh balaayo guursaygu naagtaaba ii dhaami lahayd. Waxan uu ku indho madoobaaday saa gurigeedaa bay ku ekaan lahayde saxariirtan sariirta ila jooga, sideen ka yeelaa!”

****

Hirarka isla hadalka ee maankeeda qarqiyay ayaa waxaa ka gaagixiyay qaylada carruurta, iyadoo hiif iyo habaar isugu daraysa bay kala aamusiisay. Mako arrintani way u cuntami weyday. Waxaanay ku noqotay aydin ku taagan ilaa ay nacday muuqaalka moobilka xaajigeeda. Waxay marar badan is tustay in ay ka qariso, waxayse garwaaqsanayd in aanuu daynayn ee uu degdeg u heli doono midkale. Isla sheekeysi badan kaddib, waxay go’aan satay in ay baarto bal waxa gudihiisa ku jira. Go’aankaas way isugu bogtay. Habeennimadii bay soo qaadtay moobilkii. Nasiib wanaag iyo nasiibdarro, waxay ahaydba mooyiye waxaa ku xiran fure sireed. Hurre oo fadhiga ku daawanaya kubbad bay u timid, hadalba umay galine waxay si kulul u tiri: “Ii fur bahalkan, maxaad ka xirtay? Maxaa baas ee aad ka ilaalinaysaa?” Arrin ugub ku ah oo aanu filayn bay ku noqotay Hurre, sidoo kale, wuxuu u arkay faduul aan way diinteeda xaq loogu lahayn. Isagoo is xanaajinaya intuu ka dhuftay moobilkii ayuu ku yiri: “Tani waa waalli cusub! Mako, ma furayo ogow moobilkaygu waa wax aniga ii gaar ah, mana jirto sabab aad u furato.”

“Haa waan filayay xaaji middan. Dee moobilka haddii lasoo qaado in aad miyir beeleyso waan ogahay. Waxaan ku wayddiinayaa ma ii sheegi kartaa furaha!” ayey iyadoo aad u gubanaysa tiri. Mar kale la yaab intuu la jeed jeedsaday buu ku yiri: “Mako malaha ma fayoobid, maxaad ku falaysaa? Anigu kaaga miyaan taabtaa? Fadlan wax kasta yaynaan isula iman.” Caro, ciil iyo shaki hor leh ayaa Mako ku dhashay. Waxay illaawday sidii dabacsaneyd ee ay Hurre ula hadli jirtay. Iyadoo xanaaq la hiinraaageysa ayey moobilkii ka daftay oo ay ku tiri: “Fiiri, anigu sidaada kuma suuxsani moobilka, konton fure-sireed na iima leh. Suuliga iyo sariirta midna lama tago. Xaaji waa xurmo darro, anigoo maanta oo dhan ciyaalka iyo guriga ku jahwareeyay kolkaad guriga timaaddo, inaad sidii adiga oo cidla jooga ama waalan tahay kaligaa isla qoslaya. Cajiib waaye waxa mobilka kugu tolay. Ii sheeg furo sireedkiisa.”

Anfariir iyo af kalaqaad bay arrintaasi ku noqotay Hurre. Isagoo indhaha taagaya buu si caro leh u yiri: “Tani waxay billaw u tahay ismaandhaaf, muran iyo madax-wareer dhexdeenna ka dhaca. Waxay burburinaysaa kalsoonideenna. Fadlan, isdaji oo igu kalsoonow.” Qosol quudhsi ah intay qac ka siisay oo ay kor iyo hoos u fiirisay bay si kulul oo dhawaaq ah u tiri: “Ma aqaan si aan wax kuu fahansiiyo; waayo, qof is khaafinaya wax looma sharraxo. Dareennada lama codsado e waa la dhaliyaa. Kalsoonida iyo jacaylkuna iska yeelyeel kuma yimaaddaan. Dareenkuna jilliin ka wayn. Kalsooni darraada iyo maan-wareerku maanta kow ma ahan. Aniga shaki iyo cidla ayaan la gubanayaa. Ii sheeg fure sireedkan baas.”

Hurre arintani waxay la tahay gardarro cad oo aan geed loogu soo gabban iyo xadgudub. ‘Cajiib haddii aan maqli jiray rag baa naagohoodu maamulaan, illeen waa sidan oo kale. Qodobkani waa barbillawgii ay igu xukumi lahayd. Haddii aan tan ka oggolaado, berrina yaad la hadashay? Yaa kuu yimid? Xaggeed ka timi? Iyo waalli oo dhan baa ku xigta. Alaylehe taladu imikay gacantayda ku jirtaaye waa in aanay ka bixin. Sideedaba in ay I wayddiisaa khalad ah….’ Mawjado isla tashi isagoo dhex muquuranaya, ayey Mako oo iyadu wali dultaagan wayddiinaysana su’aalo ninkii ka jawaabi lahaana isla maqan yahay baa si caro leh u tiri: “Geed ma ihiye, intaad is khaafinta iyo isdhagoolaynta iska dayso, moobilka ii fur. Mise isma hubtid oo duul baa kuugu xaraysan? Haa illeen haddaan moobil kaala hadlo kabihii nabigaan gubaye! Waa markii u dambaysay e ma ii furaysaa mise waa maya?”

Hurre wuu dareemay in aanay xaaladdu si fudud ku dagayn xaajiyaddiisuna in ay xoog u xanaaqday. Wuu arkaa waxayse la tahay kiis iska waal iyo wayddiimo aanay xaq ugu lahayn. Intuu istaagay oo uu gacantiisa bidix garabkeeda saaray ta midigna hagoogtii Mako oo malaha iyaduna la dudsan oo sii dhacayddsa ku soo qabtay buu u hagoogay isagoo dhoollacaddaynaya oo leh: “Gacaliso xanaaqa kuma qurxoonid e shaydaanka inaga naar. Ha isku mashquulin wakhtina ha galin wax aan u qalmin. Soo fariiso oo kaalay kubadda…”

Intay gacantiisii garabkeeda saarnayd iska dhufatay bay tiri: “Imaqal ninow, (fallaari gilgilasho kaagama go’dee), intaad suuraha iyo kiis iska waalka iga dayso ii fur bahalkan.”

Intuu labadiisii gacmood dhafoorrada ku qabsaday indhahana galka ka soo saaray buu yiri: “Ha is wareerin. Sheeko Araweeladana igala tag. Maxaa moobilkayga kaaga dhex lumay ee aad ka raadinaysaa? Yaynaan isku qaldamin. Moobilkan aniga ayaa leh mana furayo.

Intuu kursigii uu ka kacay sida ruux orod ku soo daalay si diiqadaysan isugu tuuray, buu hadalkiisii sii watay: “Waan kuu sheegay ma furayo, mana jirto sabab aad aniga ii baadhaa e buuqa igala kor tag.” oo uu haabtay hagihii(rimood) fogaan-aragga (Tv).

“Alleylehe nin go’aan gaadhay dheh. Waayahay waan kaa filayay tan. Waa runtaa adigaa leh moobilkaaga waxba ha furin waxaad ka heshana waxba ha igasiin. Maahsanaantii, mashquulkii iyo macaan yaridii haddii aad muran ku dartay. Naayaadheheen furimaayo kuye oo miyuu furikaraa saw maaha maqaaxi naago u cammiran. Hooyaday ima dhalin Hurroow haddii aanad ka qoomamoon.” Intay tiri oo ay moobilkiina darbiga ka soo jartay bay qolkeedii gashay. Aad buu uga xumaaday falkaas uu fadaydka u arkayay iyo moobilka oo lacagtiisu qaali tahay. Isagoo sonkorla moodana ku hoos daadsan darbi lagu xardhay midab caddays ah. Intuu ka kacay kursigii caddaa oo uu hagihii madoobaana saaray miis dhallo ah oo cad buug iyo bakeeri cas oo uu bun ka cabayayna saaran yahay buu u dhaqaaqay xaggii moobilka. ‘Ma moobil darbigan lagu garaacay baaba ii noolaan kara? Mako waxeedu waa ka badbadis iyo xaalad cusub.’ isagoo hoosta ka leh buu inta jilba joogsaday isku dayay, bal in uu haraadiga moobilkiisa meesha ka ururiyo.

Intuu shaydaanka iska naaray buu ooridiisii qolkii ka dabaggalay oo uu inta sariir go’caddaan iyo madaw ahi ku goglan yahay dhanka bidix kaga soo fadhiistay daaqad daah yar oo shabag ah oo laydhu ku ciyaaraysana xiray buu yiri: “Alla, qolku caraf badanaa! Carfoon xaaskaygiiyeey, xanaaqa iska daa. Qolkan sidan u nuuraya weji cadhaysan ha ku dhex joogine oo inta dhankeedii u soo durkay oo uu qoorta soo qabtay indhahana indhaha u saaray buu hadalkii sii watay oo uu yiri: “Macaan dhibaato dhexdeenna ha ka abuurin. Hadda anigaa dilan oo aad moobilkaygii burburisay, haddana raalli noqo. Ma mudna in aad halkaas gaarsiiso caradaada. Teeda kale, nin Carfoon haysta ma cid buu u baahan yahay? Hadda, khasaarad innagalisay qalbi. Intuu qosol fudud oo gogoldhig kaftan ah qac ka siiyay buu sii raaciyay: “Bes weeye waa in aad ii gaddaa moobilkayga xisaabi xilmale, haddaan la xumayne Mako waa in aad dayn baxdaa. Hadda ciyaar.”

Ina-adeer hadalka igala kor tag. Go’aan kaagu wuu cadyahay. Anigay talo I jirtaaye iska nafis, intay tiri bay madaxa iyo minjaha duubtay.

Sidaas bay habeenkii ku kala seexdeen, iyagoo isu caraysan mid walbana iskii isula gar leeyahay oo uu eed tirsanayo. Waagii kolkuu baryay buu Hurre moobil cusub soo gatay. Iyaga oo aan heshiin moobilkan uu degdegga u soo gatay baa Mako caradii ku sii istaadhay. ‘Haa, isuhaye illeen iskama hagrado. Allow maan iraahdo ilmaa bukee lacag aan dhakhtar ku geeyo keen. Sida geela ha u ololo oo kun marmarsiyood ha texee. Dee miyuu daynkaraa sow hawaduu ku neefsanayay maaha. Aniga malaha wuxuu i moodayaa mishiin uu soo iibsaday. Nolol meeshan iima taallee waa in aan iskaga tagaa gurina maahee godkan baas.’

****

Qoyskii waxay cagta saareen waddadii buuqa iyo xasillooni darrida oo ka billaabantay moobilkaas uu Hurre ku indho madoobaaday. Madax adayga iyo macangagnimadu waxay burburisaa xirrir kasta oo adage ooridii iyo saygeedii waxay isku noqdeen dab iyo baasiin. Habeen ay xoog isugu buuqeen buu Hurre gurigii ka baxay isaga oo is leh bal meelahaas ku soo nafis. Haddii uu isagu bixi karo balka waran xaawalayda iyadu aan bixi karin ee u xayiran carruurteeda. Hawo iyo socod toona ma hawaysan karto oo waa hooyo. Waxay dantu baddaa uun inay darbiga guriga ku dhex carooto kuna caro burburto. Hurre wuxuu u tagay adeerkii Geeddi oo u ah lataliye iyo dajiye. Kolkuu guriga ka soo cararo buu ku nafisaaye, wuxuu uga sheekeeyay in aanuu toddobaadyo nasan ooridiisiina is hayaan. Geeddi wuxuu wiilkiisii ku yiri: “Adeer Hurrow, ugu horrayn ogow in aad qof la nooshahay. Waa jihaad u baahan adkaysi iyo dulqaad. Waa nafle aan kula dookh iyo damac ahayn haddana dad kuu xiga. Adeer noloshiinnan casriga ah ee dunidan xawaaraha dheereeya ku xirani yaanay reerkaaga kaa dumin. Balaayadan laydinku dawgalay ee daasadda ah miyaad xakamayn kari la’da hay? Inkasta oo aad casrigii koob iyo labaatanaad nooshihiin, haddana noloshiinnu waa cidla ciirsi la’. Waa gorof aan gacaltooyo lahayn. Waa maahsani iyo macno darro. Maxaa kaaga soo go’a wax baaskan buuqa kugu furay? Midheheed ka gurataa? Bismillaah waar idinkoon geel iyo ari toona raacayn oo aan waran iyo seef ku dagaalamayn baadd kadeedan tihiin. Ma carruur baad tahay, maxaa kugu falay caano ma dhiiqaanka! Axmad Geeddi baan khaati ka taaganahay oo intaas foorara uun.

Waxaad mooddaa in uu qalbi la’yahay oo hiiiiih waxaan ahayn aan laga heline. Ruux maahsan oo maqan yaa wax ku falaya? Maandhow maxaa kaa bi’i, haddaad qanciso xaaskaaga oo aad u furto kuba falnow oo? Alle ka cabso oo xaaskaaga ka xishood. Adeer qallafsanaan haween laguma qabee qaabkan beddel.” Hurre oo adeerkii u arka oday aan aaladahan fahmayn baa yiri: “Adeer layguma dayo. Iga walla haddaan taas ka yeelo waxaan noqonayaa waddo halaq iyo hebed haweenaydiisu hoggaamiso. ”Geeddi ayaa ka dhexgalay hadalkii oo yiri: “Aabbahaa kamana xiniinyo badnid kamana karti badnid; haddana hooyadaa buu hayin u yahay oo hoggaanka u haysa e baxaan guul ahayn ee uu ka helay. (Nacas naagtiisa ka adag, fariidna naagtiisu ka adag) bay Soomaalidu tiraahdaaye keed tahay? Teeda kale, miyaadan maqal ragga saddex baa u liita: Mahaasaawiye iyo ma hambeeye. Kiikale mahayee wiilow reerkaaga dhaqo. Ooridaada orod u hoyo oo daji. Tuug la qabtayna ma tihide u fur waxay rabto.”

Canaantaas iyo waanadaas adeerkii qalbigiisa way jilcisay oo xaskiisii intuu u yimid bay is af garteen.

****

Laba toddobaad kaddib ayuu tagay gurigii aabbihii. Wuxuu la kulmay hooyadii Canab oo aad u xanaaqsan, salaan kaddib buu wayddiiyay “Hooyo macaan maxaa ku helay? Oo maad la buuqaysaa? Yaa kaa xanaajiyay hooyo?” Canab intay cabbaar aamustay bay tiri: “Miyaan noolahay moobil baa naftii ii keenaye, ma waxaad aragtay qof maahsan uun oo inaad hadlayso iyo in kaleba aan ku ogayn! Kaftan iyo sheeko toona male gurigani waxaad mooddaa jeelka waallida oo waxaad arkaysaa uun balaayo qol madaw ka dhex qoslaysa. Ma waxaad aragtay afar qof oo qol ku wada jira oo qaarado ku kala maqan? Waan amakaagsanahay. Carruurtani waxay damacsan yihiin! Cidi ku salaamimayso ku wareysanmayso. Way sii kala jeedaan uun. Koob biyo ah ku siinmaayaan! Maxay ku wareysan kuba haleelimaayaane.”

Intaanuu Hurre hadlin baa Samatar oo ah Hurre aabbihii hadalkii qaatay oo yiri: “Canabeey xaajiyo ha ku xiiqin oo ha ku xabeeban dadkane kaalay tusbixii isii. Waar Hurre ii waran oo bal hooyo soo fadhiisi.” Hurre intuu hooyadii laabta galiyay oo uu sujuudda ka dhunkaday buu inta gacanta soo qabtay ula soo dhaqaaqay har qoodaalkii aabbihii darintu u taallaay oo inta aabbihii salamay fadhiisteen isaga iyo hooyadiiba. Hurraa yiri: “Hooyo carruurtani yaanay dhiikar kugu ridine iska daa.”

“Carruur maaha balaayo la maahsanooyin. Hadduu hadda nalku damo buuq iyo muran bay nafta kaaga jarayaan, kolka kalana waakaas aad guriga mooddo xero laga guuray. Raad iyo ruuxtoona arkimaysid hooyo. Samatar baa hadalkii soo dhexgalay oo yiri: “War la’aamneey ba’! Canabeey, kuwani waaba dhallinyaro ee waxaanad wali arag rag shir ku jira oo gartii oo socota moobillada fadhaya, sidii oo ay shinni ka gurayaan. Bal ka waran, qof intuu kuu yimid si uu kuula sheekaysto saacado ku ag dhakoolaya isagoon madaxa kor ilbidhiqsi u qaadin ee moobilkaas uun ku foorara, saacado kaddibna ku oranaya adeer waan sii socene nabadeey. Anigu in ay qoortu jabtaaban ka baqdaa.”

Canaboo aad u dhuuxaysay hadallada odaygeeda baa tiri: “Dee waa waalli. Qoor iyo lafaba way jabi. Bahal hadduu qaniinana kuwani isma oga. Imisaan ku iri, nagadaa balaayadaas guriga hannoo soo galine.” Samatar baa intuu Hurre eegay islaantiisii ku yiri: “Canabeey, kuwani waaba carruur aan xil culusi saarnayne, waxaan ka baqayaa in ninkan uu moobilku reerkiisa dumiyo oo intuu Hurre ku jeedsaday buu ku yiri: “Waar ma beddeshay wixii xilka lahaa ee aad xaaskaaga isku haysateen? Moobilna maahii waa cidleeye casri ah oo Canabeey carruur, cirroole iyo caaqilba wax xilluu bahalkani ku hayaa. Intuu reero dumiyay ciiddaas ka badan.”

Canab oo caro iyo ciil codkeedii isla baddalay baa tiri: “Waan ogahay in aanuu isba kuwaan dhaamin oo uu gurigiisii bahalkani sigay. Dee moobilka iyo aaladahan casriga ahi cillad ma lehee dadkaa badaw ah oo u baahan in ay bartaan goorta iyo goobta la adeegsado. Kuwaa waddada iyagoo socda foorara ood is oranaysaa armuu gaari dardaraa ama darbi jiiraa. Dee dhul baadiye ah hadday joogi lahaayeenna ceelasha iyo baraagahay ku daadan lahaayeen. Maxaad tiri xaaji waa cidleeyaha casriga ah, allayle, waad la heshay oo dee waynagaa innagoo dad buuxna galab kasta sidiiyoo ay madheen labadeennu uun is ag yuururna!”

W/Q: Dayax Axmed Ileey

NAGA LA SOO XARIIR: laashin77@gmail.com

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.