DAACUUNKA W/D: Gallad Dahir Hassan

DAACUUNKA

 

Daacuunku waa cudur daran, oo ka dhasha biyaha iyo cuntada wasaqaysan. Inta badan waxaa la la xariiriya goobaha biyo yari iyo nadaafad xumo ay ka jirto, sida xeryaha qaxootiga. Sanadihii la soo dhaafay daacuunku waxow uga dillaacayaya dalkeen si isdabajoog ah, asoo ugu so ganbanayay abaaraha, colaadaha iyo helid la’aanta adeeg cafimaadeed, haddaba waa maxay daacuun? Dhibaatadiisa intay la egtahay? Sideese looga hortagaa?.

Daaccunku waa cudur shuban siyaado ah wata, kaas oo dili kara bukanka sacado gudahood, haddii owsan daawo iyo xaannayn helin. Waxow ka tirsan yahay cudurrada faafa, si dhaqso ahna ayow u faafi karaa. Waa cabuq daran oo uu sababo xayawaanka ilma qabatadaa ee loo yaqaan vibrio cholera.

Bukaanka qaba calamadihiisa waxa ka mida shuban biyood iyo matag, kuwaas oo keeni kara fuuqbax, tabar la,aan, indhaha oo godgala, cadaadiska dhiigga oo hooos u dhaca.

Calaamadihiisa waxay ku soo muuqan karaan sacado yar, ilaa shan saac, ka dib markii caabuqa ow u gudbo qofka, ayadoo sidoo kale la la xariirin karo difaaca jirka qofka.

Qofka waxow ugu dhici karaa daacuunka in ow cabo biyo ama cuno ku wasaqaysan noolaha sababa ee an kor ku soo sheegnay. Wasaqayntaa waxay ku iman kartaa, in cuntadi iyo biyihii ay gaaraan saxaro qof xanuunsan!

Cudurku wuxuu ku faafi karaa si degdeg ah, qatarna ugu jira dadka ku nool goobaha aan laga heli karin biyo nadiif ah oo la cabo, musqulo ay dadku ku saxaroodan iyo nadaafad ku filan.

Daacuunku si sahlan ayaa loo dawayn karaa sida in loo badalo bukaanka dheecankii iyo cusbadii jirkiisa ka baxay, iyadoo la siinayo milanka nafaqaynta ee loo yaqaanno (oral dehydration solution). Antibioticska waxay yareeyan darnaanshaha xanuunka.

Maqaal ay hay’adda caafimadka aduunku ka qortay xaaladda daacuunka ee soomaaliya bishii labaad ee sanadkan ayay waxay ku sheegtay, in bishii January kaliya ow ku dhacay daacuunku 3113 qof oo 47 ka mida ay u dhinteen. Bishii labaadna ay gartaartay tiradada dadka xanuunka qabaa 4621 qofood halka dhimashada ay ahayd 138 qofood.

Xanuunnada iyo dhimashadan aan kor ku soo sheegnay waxay ka dhaceen 38 degmo oo ku yaalla konfurta, bartamaha iyo 4 degmo ee waqooyi bariga dalka ku yaalla.

4603 xaaladood oo la soo gudbiyay bishii febraayo ee is la sanadkan ayaa 45.7% waxay ahayeen haween halka 38.8% ay ahayeen carruur 5 sano kayar.

Sidoo kale sanadkii tagay ee 2016, daacuunku wuxuu ka dillaacay gobollo badan waxaana la diwaan galiyay 9000 xaaladood, dhimashaduna ay gaaraysay 441 inta la ogyahay.

Maadaama ow daacuunku yahay cudur sanad kasta soo noqnoqda, galaaftayna nafaf badan ama uu handaday xaaladda caafimaadeed ee bulshada waa in dowladda iyo dhammaan hay’adaha ka shaqeeya caafimaadka sameeyaan siyaasad adag, oo loga hortagayo cudurkan.

Siyaabaha looga hortagi karayo daacuunka waxaa ka mida, in loo fududeeyo dadka biyo nadiifa, sare loo qaado fayadhowrka, la dhiirragaliyo, in hooyoyinka ay naas nujiyaan carruurtooda ugu yaraan lix bilood, in la baro hooyoyinka sida loo mareeyo cunugga ow ku dhacay daacuunka, in la wacyigaliyo nadaafadda iyo in dadku ay cunaan cunto badqabta. Waxaa intaa sii dheer, in la dardargaliyo laguna baahiyo dhammaan gobollada dalka ololaha tallaalka ee loga hortagayo daacunka.

 

W/D: Gallad Dahir Hassan

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.