“DAAHYALEEY” Maansadii shanaad ee Jawaabta Maansadii “Duurxul” Curiye; Maxamad Xuseen Faarax

mxf

“DAAHYALEEY” Maansadii shanaad ee Jawaabta Maansadii “Duurxul”

Curiye; Maxamad Xuseen Faarax 

Maansada: Daahyaleey

 

1- Doorkii abwaankoow

2- Daneeyihii wanaaggoow

3- Dalladdii waddanigoow

4- Daacad ina Galeyroow

5- Cabdiyoow ducaysane

6- Duurxul maansadaadii

7- Satarlaydka duulaa

8- Deg-degsiimo ii keen

9- Ha yeeshee, duqiiyoow

10- Jawaab soo diraalkii

11- Waan kaala daahoo

12- Duruufaha waqtiga iyo

13- Danta seetadeedaan

14- La dagaallamahayoo

15- Adduunyey la daadaye

16- Ma dakaamin saaxiib

17- Sidaas iyo daraaddeed

18- Shaxda degelka taallee

19- Nin waliba dakaantiyo

20- Afarrayda daadsaday

21- Aniguna ogbaan degey

22- Digba waa digteedee

23- Waa DAAHYALEEY daban.

 

24- Afartaasi ku deeqdaye

25- Aan mid kale u daadego.

 

26- Cabdiyoow dabuub dedan

27- Iyo sheeko duurxula

28- Nin kastaa ma daalaco

29- Qalinkiyo dawaadaha

30- Looxa lagu daliigee

31- Dirqi laba tashiilkiyo

32- Duuduubka loo qoro

33- Ma aqriyo damiinkuye

34- Ha ku daalin saaxiib!

 

35- Afartaas ka diga rogo

36- Mid kale ku soo durug

37-Inta dayuxu dibad yahay

38- Dirir saxal la degan yahay

39- Daalaladu dahsoon tahay

40- Cirir daafayaal yahay

41- Dabadheer abaar iyo

42- Waa xilli diraaceed

43- Dulucdiyo ujeeddada

44- Waxaan uga danleeyahay

45- Sagallada is doontiyo

46- Cabdiyow daruuraha

47- Meel kastaba ka da’ayee

48- Dadku dooganaayaan

49- Dambarsame gu’ hooriyo

50- Maahan dirirki cowleed

51- Waa xayraan dalaganoo

52- Danab iyo dabayl iyo

53- Duufaanno wadatoo

54- Duray daba karuubiyo

55- Difqineysa daacuun

56- Daliishaa la yaab ka leh.

 

57- Haddaad diiddo saaxib

58- Waxay doodi iga tahay

59- Dib waxay ka noqotiyo

60- Aanu duugga aragnee

61- Noogu daa halkeedaas.

 

62- Afartaana ka diga rogo

63- Mid kalena ku soo durug.

 

64- Inta dibi madoobaha

65- Kan cad lagu diraayee

67- Guduud loo dardaarwerin

68- Duurjoog sideedii

69- Ama Idaha deexeed

70- Daleel hogal intaa nahay

71- Danleey dooyo noo tahay

72- Doydar noo horseed yahay

73- Dibusocod duq noo yahay

74- Day-day noo hoggaan yahay

75- Mooryaan dullowdiyo

76- Dagaal oogayaashii

77- U dabaaba xiran yahay

78- Nabad dooni maynnee

79- Ha ku daalin saaxiib.

 

       Afartaana ka diga rogo

80- Mid kalena ku soo durug

81- Haddii duulba duul diley

82- Duulaamadu isdhaafeen

83- Wadaaddadii is dooxeen

84- Masjid lagu dagaallamay

85- Maydka laga dulboodiyo

86- Dhiigga dadanaayana

87- Aayad loo daliishadey

88- Cabdiyoow ducaysane

89- Wax dambood ka eegtaa

90- Waa deelya lagu reeb.

 

91- Afartaa dawaaraye

92-Aan mid kale u daadego.

 

93- Laysku diid is diidaa

94- Qabiil dabo ku wadatada

95- Daahiil horsocotada

96- Dawgeed magaratada

97- Doqon dooratada baas

98- Caku diririgteediyo

99- Iska daaq taggeedee

100- Goormay dareentaa

101- Midka doorinaayoo

102- Dibindaabyo hoosiyo

103- Dabbaal hoogle ugu maqan.

104- Waxaan uga danleeyahay

105- Inta xumaha diiddani

106- Hadday diirrimaad ficil

107- Barqo daabka qaataan

108- Isku duubni wadareed

109- Dhan u wada dareeraan

110- Dabadhilifka daashadey

111- Iyo kala dirsoocaha

112- Dagaal ba’an ku qaadaan

113- Wallee lama dulleysteen.

 

114- Afartaa dawaaraye

115- Aan mid kale u daadego.

 

116- Cabdiyoow ducaysane

117- Daahir waxaa tiraahdaa

118- Haddii duhur dharaareed

119- Laguu dhiibay doolaal

120- Dib waxaad ka eegtaa

121- Doqonniimo weeyee

122- Dacaygiyo hoggaankiyo

123- Ka fur xarigga dabarkaa

124- Dooxada ku sii daa

125- Ka dulbood dureemada

126- Ku dur-duri dijaallada

127- Afdukaanle ha u bixin

128- Dunuunecena yeelkadi

129- Dacwad kalena gaarsii

130- Dibqallooca derintiyo

131- Kuugu jira derbiga guri

132- ka digtooni qaadoo

133- Didi mici duraalaha

Dhammaad

 

Curiye;

Maxamad Xuseen Faarax

SHEEKOOYIN