DAAQADDII JANNADA! W/Q: Cabdikariim Garruun

DAAQADDII JANNADA!

Indhaha ayaan kala furay. Waan dhacadiidaa oo si fiican hurdada ugama bogan, dawanka goorsheegtuna dushayda ayey uga yeedhaysaa sidii onkodka mahiigaanka.Haa, aniga ayaa ku xirtay codkaas xalay markan seexanayay si aan ugu tooso shanqadeeda, waayo waa maalintii iigu horreysay ee aan shaqo xafiis tago.

Roob ayaa dibbada ka da’aya, guuxiisa ayaa si deggan u shalalamlaynaya, neecow qaboow oo dabayl yari waddo ayaa kolba soo kacaysa oo dhabarka iyo gacmaha iyo kubabka iga maraysa. Jidhka intaan is geliyo ayaan bustaha hoostiisa ku sii gambadaa oo diirrimaad ka dayayaa, gunuunuc jidhiidhico ka kacayna korkayda buuxiyaa.

I Phone-kii dhinacayga yaallay ee shanqadiisu ii baxaysay ayaan faraha ku haahaabtay, hal il intaan bustaha kala soo baxay anoo indho mulacyeynaya ayaan heestii Hassan Aadan Samatar ee Qorraxdoo Aroortii, qaybisay fallaalaha, suulka midig ku daaray ( play ), kadibna intaan dhinacayga ku tuuray ayaan bustihii hoosta ka sii galay. Jawiguna sii macaansaday. Maxaa xigey hee?

Qorraxdoo aroortii
Qaybisay fallaadhaha
Ama qaanso roobaad
Daruur midda ku qarisay.

Roobkii wali wuu shubmayaa, darooshimihiisa ayaan jiingada ka dareemayaa, anna dusha oo dhan ayaa i qaboow oo nafta weli waxaan ku sasabayaa kac oo dantaada raaco, iyana way iga dhaga adaygaysaa oo weli lama gaadhin ee wax yar sug ayey i leedahay. Jawi deggan ayaan galay, xasuus jacayl ayaa xiskayga soo xaadirtay oo xididdayda raacday ilaa qaliga ay qac iga siisay. Ax, meeshii buktaa i damqatay, boogtii caashaqaa i balbashay. Waan dhoofayba oo xaggee u dhooftay? Waxaan u dhoofay maalmaha macaan ee noloshayda ka dhiman ee ii soo socda ayaan waxyar kasoo dhadhaminayaa. Hayee, bal ina keen. Mar kaliya ayaan kala lunay, ani iyo naftaydii. Waan gam’ay.

Daaqad ayaa furantay oo Jeegaan toddoba midab ku jeeni qaaran ayaa iftiinkeedii i qaatay. Waxaan dhex jiifaa gurrigii riyadayda. Waa hooy iftiin, jacayl, nolol, naxariis iyo wanaag ku dhan yahay. Illeyn waa daaqaddii jannada ee aan sugayay. Waa kan oo dhinacayga waxa jiifa ruuxii aan dunida ugu jeclaa. Waa gacaliyahayga, waa nasiyahayga, waa kaabahayga, waa jacaylkii oo qof ah.

“Xabiibi, noloshayda furaheedii ma toostay?” ayuu yiri intuu hadal sidii codka malaa’ikta oo kale u macaan si naxariis leh damnihiisa dhegtayda ugu soo dhaweeyay, dhabankana iga dhunkaday. Xaax, xanxanto intay xaaddu i istaagtay ayaan cod xabeeb leh ku tiri: haa, subax wanaagsan noloshaydii anaa dabinta qaniinsan. Intuu indhihiisii naxariista lahaa, eegmo jacayl jac ku siiyay kuwayga, dabadeed intaan daawashada is dhex qaadnay ayaan isku illownay. Alle indhihiisu naxariis badanaa!.

Dhoollacaddeyn ifaysa ayuu dhoolashiisii dabarka lahaa wac ka siiyay, anna intaan iska bareejeeyay ayaan qosol muusood leh dhabannada goday. “Subax la mid ah noloshaydii” ayuu iigu hal celiyay, isagoo mar kale dhabanka iyo qoorta iga dhunkanaya, cod macaan, xabeeb leh oo hooseeyana eraygaan adduunka ugu jeclaa igu leh “ Noloshaydii waan ku jeclahay, Rabbi igama kaa qaado”. Subxaanaka ayaa Cadiim. Tolooow xaggeen joogaa ? Waa sheeko kale.

“Qureec ayaan kuu soo diyaarinayaa ee i sug wax yar, hana soo kicin ayuu igu yiri. Waa (surprice ) ayuu ii soo raaciyay” isagoo sii qoslaya. Jinni jacayl oo dhan ayaa xubnaha jidhkayga ku soo xaadiray, kana dhex tumay sitaadka magaciisa oo saddexan Hebel, hebal, hebal!

Waxa ii baxaya oo aan dhagaysanayaa heesaha Khadra Daahir ee laabta luxa. Weli bustihii xariirta ka samaysnaa ayaan dhexda kaga jiraa anigoo dhacadiid u jiifa, daaqadda ii furan ee ku taal dabaqada 15-aad ee Jaziiradda aan dalkiisa u joogno, waxa si naxariis leh oo aan rabo uga soo galaysa neecow qaboow oo uurkayga malaha akhrisatay. Muraayadaha qolka aan dhex hurdo waxaan ka daawanayaa dhammaan muuqaalka guud ee magaalada aan joogo. Daruuruhu agtayda ayey socdaan, shibmiro kala cayn ahna kolba nooc ayaa isoo salaamaya. Yaa Salaam.

Waa kan saaxiibkay oo qureecdii aan adduunka ugu jeclaa gacantiisii aan jeclaa iigu soo sammeeyay. Waa kan isaga oo soo dhoollacadeynaya indhahana igu soo kuuraya, labada gacmoodna ku sidda cunto lama filaan ah. Waa iisoo heesayaa, waliba heestii aan jeclaa ee markaan haasaawi jirnay aan ka codsan jiray ayuu saaka hortayda ka qaadayaa.

Heeso midiba cayn tahay
Awgaa ma curiyeen
Waalid ima canaanteen
Cosob baxay la moodyee
Cawo iyo nasiibkeed.

Anna sidii hees macaan oo Hindi ah ayaan u dhagaystaa anigoo dhabanka gacanka ku haya, xusulkana irkisanaya, qalbigana kala jiibinaya heesta.

Waa kan ii soo dhawaaday ee dhabtayda soo dhigay qureecdii oo salad yar oo fidsan ku jirta. Weli way daboolan tahay oo ma ogi wax uu iigu talagalay saaka. Indhaha ayuu maro baati ah oo madoow igaga xiray, anna anigoo dhoollacadaynaya ayaan amarkiisa sidii askari layli ku jira u qaatay. Xiisahaygii wuxuu marayaa 100kiiba 300. Qureecdii ayuu furka ka qaaday. Qac, qaac caraf wata ayaa sanka iga saaqay, waa caraf aad ii soo jiidatay. Kalluun shiilan miyaa ku jira, ukun geedaysan miyaa ku jirta…mooyi

Xabiibi afka fur ayuu cod macaan mar kale dhagta iigu qabtay. Haye, intaan idhi ayaan Haah yidhi… yiri…

Hooyo kac , kac dee, . Waa maxay xilligan aad huruddaa bisinkee iyo dhirbaaxo ku xigtay ayaan ku salalay. Waa hooyaday oo markaan kici wayay qolkii iigu soo gashay oo xoog igu kicisay. Ma naag aroos ah oo toddobadii ku jirta ayaa kici karta? Kac oo laxooxda dub, kadibna shaqadaadi aad. Laxooxaa! Markaan maqlayba gaastii baa igu kacday!.

Aaway daaqaddii jannada ee ii furneyd, aaway qureecdii saaxiibkay afka ii gelinayay, maba dhadhamine…Aaway sariirtii aan jiifay, ma taney ahayd diisan iyo gurigan jiingadda ah? Iiiish… haye, hooyo haddaan kacayaa dee…

W/Q: Cabdikariim Garruun
Author and Blogger

NAGALA SOO XARIIR:

laashin77@gmail.com

admin@laashin.com

SHEEKOOYIN