Dabre, dabrane iyo dabar fure! W/Q: Cabdalla Qaasim Daameey

Dabre, dabrane iyo dabar fure!

Markii ay dadka xaqa ku taagani ka aamusaan baaddilka, ayey qoladii baaddilku moodaan in ay iyagu xaq ku joogaan. Cali ibnu abii dhaalib (AHRN)

Bulsho waliba waxaa aayaheeda jaangooya dad gooni ah kuwaasi oo saameyn wacan ama weecansan ku yeesha aayaha iyo mustaqbalka bulshadaas, wacyiga bulsho waliba wuxuu u ekaadaa hadba sida ay u egyihiin dadkooda saameynta lihi, taasina waxey dhabbaha u xaartaa bulsho iyo jiilal hagaagsan oo meel u wada jeeda amaba bulsho is dhexyaal ah oo ay taladu isaga miliqsantahay. Kolka la joogo bulshada dhexdeeda wax waliba waxa ay leeyihiin boos iyo maqaam loo qoondeeyey, balse, waxaa dhacda in mararka qaarkood is dhaaf loo kala dhaxlo maqaamyada iyo hab maamuusyada awooddii saameyn ee bulshaduna ay u gacan gasho dad aan ehel u ahayn, aanse si kale kuugu tuso sheekadan farshaxanka ah ee ka tarjumeysa xaaladda taagan maantadan:


Libaax oo ahaa boqorka keynta ayaa si dareen li’i ah u jiifsady geed hoostiis, isaga oo hurda ayaa waxaa si lama filaan ah u dul yimid Eey kadibna libaaxii ayuu ka xiray lugta kuna xiray geedka salkiisa, si sahlan ayuuna isaga dhaqaaqay. Libaaxii oo soo baraarugay muddo kadib ayaa isku dayey inuu ka baxsado siriqda iyo xarigga uu ku xiray Eeygu, balse, waa ay u suurta geli weysay. Libaaxi oo ku xiran geedka salkiisa ayaa waxaa goobtii soo maray dameer kolkii uu indhaha saaray ayuuna la dhacay qosol iyo mashxarad isaga oo ku faraxsan sida ay dunidu u legedday libaaxa. Libaaxii ayaa ka codsay dameerkii in uu ka furo xarigga hayeeshee dameerkii ayaa iska diiday isaga oo ku andoocanaya “markii aan xarigga kaa furo ayaad i cuneysaa”. Libaaxii oo ay talo farahiisa ka baxday ayaa dameerkii ku yiri: “war maxaan ku cunaa ama aan ku daayaa, sow anigan jooga adduunyo uu Eey na xirayo dameerna na furayo”.


Halkii libaaxa waxaa maantadan taagan waaya araggii iyo aqoonyahankii soomaliyeed oo dunidii uu ka tala bixin lahaa iyo dadkii uu hagi lahaaba ay u talinayaan macna laawayaal isaguna uu ka yahay (dabrane) saa waa duni uu jaahilku wax dabrayo caaquna dabar furayo’e. Bal isweydii nooca ay yihiin dadka haga ra’yiga bulshada ee saameynta ku leh deegaankaaga, gobolka aad kasoo jeeddo iyo guud ahaan dalka, isweydii bal doorkii indheergaradka, aqoonyahanka, culimada toosan iyo dhallinta isbeddel doonka ah, intee ayey la egtahay saameyntooda ay ku jahayn karaan bulsbada, bal eeg sida uu u xiray waayuhu, ayna u dabreen ugana saameyn bateen wax ma ogayaalku iyo sida ay misana dabar furka uga suganayaan damanayaal ay dunidu ka dhigtay dabar furayaal.

W/Q: Cabdalla Qaasim Daamey

NAGA LA SOO XARIIR:

laashin77@gmail.com

SHEEKOOYIN