Dadku yaysan duufsan Dareenkaaga! W/Q: Mohamed Musa Shiikh Noor

Nor1 

Dadku yaysan duufsan Dareenkaaga!

 

Dadku waa kuwa mar walba ku leh noloshaada saamayn dhinaca ay doonaan ha uga yeeshaan, in ay sidaa noqotana waa qaabka ay nolosha u dhisantahay, maxaa yeelay adiga waxaa tahay Dad, waxa aad ka timidna waa dad kale, waxa aad samayn doontana waa dad,  waxa mar walba xaaladahaaga dhinac u badalana waa dadka iyo dareenkooda.

Dadku waa kuwa mar walba kuugu kala yimaada wajiyo kala duwan, qaar waa kuwa wanaagsan oo aad la dhacdo qaabka noloshooda iyo dhaqankooda, waliba aad jeclaatid in aad uga dayato ama ayaga oo kale aad noqotid noloshaada dambe, amaba ay kuu noqdaan hadafka aad gaarayso nolosha, micnaha astaan wanaagsan ee aad ku riyooto haddii aad gaartana ay kuula mid noqoto riyadaada oo rumowdo.

Dadka qaar kalana waaba ka shalaysaa la kulankooda, oo waxaad iskula sheekaysataa in aysan haboonaan lahayn in aad xitaa ogaato jiritaankooda, xumaanta ay xun yihiin awgeed, waxaana laga yaabaa ina y kugu yeeshaan saamayn aan wanaagsanayn xiligaas, oo aad ka dhaxasho murugo ama fakar xun oo waqtigaada qaaliga ah kaa salfado.

Kuwa kala ayaa jira, aad u diir naxdid kana xumaatid qaabka noloshooda, haddii ay ahaan lahayd in ay ayaga doorteen iyo haddii ay ahaan lahayd in uu waqtigu u dooray, waana wax iska dhaco middaas maadaama aad tahay Bani aadam, dareen iyo diir naxana aad middaa u leedahay.

Halganaka nolosha dadka oo kala duwan iyo waqtiga oo ku kala kulul una kala qabow dadka, ayaa ah midka xaaladahaas aan kor kusoo sheegay abuuri kara, muhiimadda nolosha ayaasa ah waxa aad tahay iyo waxa aad u taagantahay heerka aad ka garan karto!

Dadku mar walba ma eegayaan, waxna kuma qiimeeyaan qaabka ay noloshaadu tahay,  xitaa qaarkood waxaa laga yaabaa marka ay cabir ahaan wax kuula wadaagayaan in aysan ku xisaabtamin, heerka xaalka aad markaa ku sugantahay, ee ay ku cabir qaataan qaabkooda nolosha iyo xaaladahooda ay markaa dhex maquuraan, haddii ay ahaan lahayd baraare iyo baahiba.

Sidaa darteed, dhabta marka laga hadalyo qof walba ma ahan sida uu u muuqdo markaa in xaalkiisu yahay, qofka isaga oo daran, dareen aan wanaagsanayna leh, dhaawac badan oo gudaha uga shidanna uu jiro, ayuu suurad ahaan u ekaan karaa qof iska ladan oo aad u faraxsan, laakin dhabta ayaa ah in wax walba sida ay u muuqdaan aysan ahayn, adiga Aadanaha ahna la doonayo mar walba oo aad wax cabirayso in aadan naftaada iyo xaaladda markaa aad ku jirto aadan ku cabir qaadan, ee aad dhinaca kale uga fakartaa in uu mar walba kaaga duwnaan karo xaaladda aad markaa dareemayso, tusaala ahaan haddii ay maanta kuu tahay maalin wanaagsan oo farxad leh, laga yaabee in ay isaga u tahay maalin xun oo aan dareenkeeda muuqaal lagu cabiri Karin in gudaha lagala olola mooyee! Balse, qofku uu doortay in maadaama dhibkan wax isaga ku kooban uu yahay uusan dadka kale dareen ahaan ugu muujin, maadaam aysan waxba kala qaban Karin, waana jiraan dhabtii dad nuucaas ah.

Dareenka dadka mar walba wuu kala duwan yahay, qof walbana si buu u maamulaa dareenkiisa, qof wuu la qaylshaa oo qaylo ayuu ku muujiyaa, qofna lama qaylsho ee ficil ayuu ku muujiyaa, qof kalana wuu iskala aamusaa waxa uu qabo,  marka sadexdaas nuuc  ayay dadku u dhaxeeyaan.

Balse waxaa jira dad ku muujiya afcaashooda dareenka ay markaa qabaan, iyada oo laga yaabo in ay u arkaan xalka kaliya ay isaga dajin karaan culayska duruufta uu markaa dareenku baday, lamana oran karo waa ku qaldan yihiin, maxaa yeelay qof walba marka uu dhib soo wajaho waxaa jirayso waddo uu u abaarayo, waddadaas oo noqon karta sax iyo khaladba.

Hadaba, dadku mar walba waa kuwa ku xukmin doona, xukumintaaas ay ku xikminayaana ma ahan xikumin ka tarjumaysa shaqsiyaddaada dhabta ah ama dareenka aad markaa gudaha ka dareemayso faraxad iyo mururgaba waxay tahay.

Laakin,waxaa la doonayaa in fikirka ay dadka kaa qaabaan uusan samayn dambe ku yeelan shaqsiyaddaada, maxaa yeelay dadku waxay mar walba kaa aamini karaan wax aadan dhab u ahayn ama aadan dareemayn.

Bani aadamku waa mid laga abuuray dag dagsiimo, mar walbana sida uu wax u xukmiy ma ahan, xukmintooadana sida badan waa mid ku kooban waxa ay markaa dareemeen, ama muuqaal ahaan u arkeen, tusaala gaaban, haddii ay maanta arkeen adiga oo iska faraxsan balse gudaha kala gubanaya xanuun ku saabsan noloshaada, ha ahaado jirro markaa lagaa soo sheegay ama qalbi jab aad kala kulantay qof kugu qaali ahaa, ama dhaawac dhinaca dhaqaalaha ah oo kusoo gaaray, ama hammi meel aad ka lahayd oo  kuu suura galin, hadana aad dooratay in muuqaal ahaan aysan kaaga muuqan tiiraanyadaas, dadku marka ay arkaan wajigaaga iyo qaabka dhaqankaaga isla markiiba waxaa laga yaabaa in ay kugu xukmiyaan ninka iska faraxsan oo fur furan, hadda waa adiga qofka sidaa doortay, balse dhab ahaan gudaha waxa aad ka tahay waa  xaalad ka duwan waxa ay kugu xukmiyeen.

Hadaba, xukmintaas qaldan ee ay dadku mar walba kugu xukmin karaan, waa in aysan duufsan dareenka dhabta ah ee noloshaad, waxaa kaloo laga yaabaa adiga oo aan ahayn ama u dhalan qof xun ama xaasid ah, in isla markiiba dadka qaarkii ay kugu dhuftaan shaabadda ah, in aad tahay qof xun, taas oo dhab aahaan aadan u dhalan iskaba daa in aad ahaato.

Noolaha sidiisaba waa Gafe mar walba u taagan dhanka xun, oo qof walba wax wanaagsan kuuma rajayn karo waana iska dabeecadda aadanaha, in sida badan ay mar walba kugu riiixaan meel aadan ku haboonayn, in lagu dhigo, dhabta ayaasa ka duwan mar walba sida ay u muuqato.

Hadaba waxa aad tahay waa tahay, cid kaa badali kartana ma jirto, dareenkaaga waa mid ku qaas ah naftaada, sida aad usoo bandhigtana waa mid naftaada doorashadeeda ku timaada, qasab maahan dareenka gudahaaga in uu banaankaaga ka muuqdo, qasabna maahan in dareenkaaga dhabta ah iyo ficilkaaga uu is yeesho.

Haddii aan ka eegno dhanka xun, waxaa laga yaabaa adiga oo gudaha xumaan oo dhan dadka ugu sida, hadana, dhaqan ahaan marka aad la dhaqmayso aadan ula dhaqmin sida aad u dareento ayaga, ama aad ka aaminsantahay, adiga oo u muujinaya mar walba dhaqan wanaagsan balse gudaha aan kaa jirin, sidaas ay tahayna isla markiiba ay kugu xukmiyaan in aad tahay qof ayaga u wanaagsan, dhabtuse waxay tahay in aad ayaga dhagrayso oo aadan u wanaagsanayn, sidaa darteed lama oran karo xukmintaas ay ku xukmiyeen waa ku sax san yihiin waana daciifnimada bani aadamka, sidaa darteed, waxaan kusoo gunaanadi lahaa qoraalkayga oraahada ah “dadku mar walba way ku xukminayaa, laakin fikraddooda xukminta ku salaysan, waa in aysan noqon mid duufsata dareenkaaga dhabta ah iyo sida aad ayaga u dareemayso”

Haddaba, dareenkaaga iyo hadafkaaga, waa mid ku qotoma jirtaanka noloshaada, ma ahan dadka waxa ay leeyihiin, in ay kaa marin habaabiso gaaridda hadafkaaga iyo waxa aad u taagantahay ee aad markaa dareemayso.

 

W/Q: Mohamed Musa Shiikh Noor

Ekisyare@hotmail.com

Xabuu8@gmail.com

 

SHEEKOOYIN