DAGIDDA RAYEDKA, RUN IYO BEEN W/Q:- Cabdalla Qaasim Daamey 

Run iyo been ayuu amminku u kulmiyey si lama filaan ah, beentii oo la hadleysa runta ayaa tiri: “jawiga maanta waa mid aad u qurux badan”. Runtii ayaa eegtay cirka sare waxa ayna xaqiiqsatay in beentu ay kolkan sheegtay hadal sax ah maadaama uu jawigu ahaa mid aad u wacan samadana ay ku daahnayd daruur. Wixi ay isla socdaanba waxa ay yimaadeen haro biyo leh, beentii ayaa gacanta gelisay biyaha deedna waxa ay tiri: “biyuhu waa kuwa qandac ah oo ku habboon dabaasha”. Runtii ayaa damacday in ay ka gun gaarto hadalka ay beentu sheegayso, kolkii ay iyaduna gacanta gelisay biyihii ayey markale xaqiiqsatay in beentu ay kolkanna sheegtay hadal sax ah oo biyuhu waxa ay ahaayeen kuwa diirran, runtii iyo beenti ayaana billaabay in ay ku wada dabaashaan biyaha iyaga oo dharkoodii kaga soo tagtay bannaanka.

Daqiiqado kadib, beentii ayaa si kadis ah ugu soo baxday debadda, kadibna, waxa ay xiratay dharkii runta deedna waxa ay isaga carartay goobtii. Runtii ayaa usoo baxday bannaanka iyada oo qaawan, waxa ayna billowday; in ay hadba dhinac u cararto iyada oo baadi goobeysa beenti, dadkii ka ag dhowaa goobtaa ayaa billaabay in ay indhaha ka qarsadaan runta qaawan, beentii oo iyaduna ku labbisan dharkii runta ayaa iska gashay magaalada iyada oo iska dhigeysa runtii. Wixi ka danbeeyey maalintaas waxa ay dadku ahaayeen kuwa indhaha ka qarsanaya runta qaawan isla markaana rumeysanaya beenta ku labbisan dharkii runta.

Sheekadan kor ku xusan oo ka mid ah kuwa ugu duugsan uguna caansan suugaanta Russia ayaa ah mid ka tarjumeysa sida marwaliba shacabka hortooda loogu dhoodhoobo beenta, mala’awaalka iyo marin habaabinta iyaguna ay u rumeystaan beentaas loo geliyey dharkii runta, indhahana ay kaga qarsadaan runta iyo xaqiiqada qayaxan, balse, had iyo goor u baahan in lagu daawado qaawnida.

W/Q:- Cabdalla Qaasim Daamey

SHEEKOOYIN