Daljirihii Dayacnaa W/Q; Cabdiwali Jaamac Barre

Untitled

DAL JIRIHII DAYACNAA …

Waa sanad guuradii 56 lixaad ee ka soo wareegtay markii dhidibada loo taagay Ciidamada xoogga xiligaasi oo ku beegneyd 12 April 1960kii, in mudo ah ayay soo jiitameysay aragtida kuu aadan abaabulid ciidan qaran sida ay sheegayaa qaar ka mid saraakiishii dalka soo martay.C/laahi Ciise Maxamuud ayaa laha fakrada la xariirta yagleelida ciidan xoogga soomaaliya , taliyihii ugu horeeyay ee ciidamadaasi waa Jen Da’uud Cabdulle Xirsi.

Maxaa lagu Xasuusta Ciidanka Xoogga.

Waxyaabaha lagu xasuusto waxaa ka mid ah Ka qeybgalka munaasabadii calan saarka taas oo ay ku soo bandhigeen dhoola-tus dhabanaheys ay ka qaadeen dadkii yimid Munaasabadaasi.

Sidoo kale waxa ka mid ah xasuusasaha aan marnaba maankeena ka go’i karin ee lagu xasuusto Ciidankeena Xoogga guulihii ay ka soo hayeen dagaalkii ay la galeen ciimadamada itoobiya 1964 kii ka dib markii si lama filaan ay u jabiyeen cadowga oo waqtigaasi hankiisu ahaa Soomaaliyada dhawaan xoriyada qaaddatay dib gumeysiga ugu celiyo.

Ku darsoo xiligaasi tirade ciidankeena iyo tayadiisuba aad bay u xadidneyd madaama 4 sano kaliya qaranku dhisnaa, laakiin dunida ay ka amaakaagtay mucjisada dagaal oo ay soo bandhigeen iyo sida ay uga guuleystii ciidankii ugu xoogga badnaa geeska afrika.

Kacaanka iyo kaalintii Ciidanka .

Ciidamada Xoogga kaalin aan dahsooneyn ayay ku lahayeen curishadii kacaanka, saraakiishii ugu cad cadeed ciidamada xooga ayaana kacdoonkaasi horkacayay.

Jen Maxamed Siyad Barre ahaa hoggaamiyihii guud ee towrada markii uu inqilaabka sameynayay1969 kii, waxa uu ahaa taliye xigeenkii ciidamada.

Dowladii kacaanku waxay door hufan ka qaaddatay xoojinta ciidama tiro iyo tayaba leh, shaqada ugu sharafta   badan ee sannadahaasi ayay dadku ku hamminayeen waxay ku biirida ciidanka.

Dhan kastaba marka la eego ciidanku kobac lixaad leh ayuu sameeyay wagaasi, waxa la furay xurumo ciidanka soo saara iyo xiryo lagu xareeyo .

Duulaankii 77 iyo doorkii Ciidanka Xoogga .

Ciidamadii xoogga ee xiligaasi uma kala harin ka qeybgalka dagaalkii dhexmaray soomaaliya iyo Itoobiya 1977 kii, waxayna ka dhigeen wacdaro iyagoo waxyeelo ba’an u geystay ciidan Xabashida.

Kadib guluf dagaal oo aan waxba la iskula haray waxay ku guuleysteen in ay in gacanta gumeysiga ka bixiyaan goballadii galbeedka soomaaliya.

Ciidankii qaranka iyo qaran jabkii Soomaaliya .

Waxii ka danbeeyay 1978 xiligaasi oo ku aadaneyd markii laga soo ruqaansaday dhulkii soomaali galbeed , waxay billawday dowladii kacaanku in ay si xun ula dhaqanto saraakiishii horkacaysay dagaalkii 77 sabab badan ayaana la tilmaamayaa in taasi keentay Maxamed Siyaad barre oo walaac ka qabayeen ay xilka ka turaan, habdhaqan xumo iyo abaalmarin la’aan.

Arrintaasina waxa ka gadooday qaar ka mid ah hogaamiyayaashii ciidan oo billaabay in ay ka horyimaadaan taliskii towrarada.

Malateriga iyo Maraxaladii burburka .

Markii ay burburtay dowladii dhexe, waxa iyana burburbaahsan soo foodsaaray laamaha kale duwan ee ciidamada gaar ahaan kuwa qalabka sida, waxay ku milmeen jabhadihii ku kacay kacaanka, sanadii Malatari iyo sahaydii ciidanba waxay gacanta u gashay ragii diidanaa jiritaanka xukunkii Maxmed siyaad Barre, sidoo kale hubkii iyi nuucyadii kale duwanaa ee gadiidkii dagaal ayaa iyana gacanta u galay ragaasi taasi oo sii ragaadisay colaadii.

Marxalada maanta iyo ciidamada xoogga .

Xaalada ciidanka xoogu maanta waa mid cakiran waxay ku shaqeeyaan marxalad qalafsan, iyoo aanan helin xaquuqdii ay leeyihiin, ma heystaan saad iyo saanad Malatari toona intii ay dunida ugu deeqadana suuqa ayaa la geeyaa .

Iyagoo waday dares ayay dariiqyada gacan tagaaleystaan, qiimo dhac ballaaran ayaana soo wajahay sumacadii ay lahayeen .

Abdiwali Jama’ Barre

Goobjoog Radio & TV  station

Program producer &Marketing Officer.

Tel.+252615583701

Tel.+2526195583701

FB; Cabdiwali Jaamac Barre

 

 

 

SHEEKOOYIN