Dalkaygow dad kuu ka kaca hel! Qore; Mohamed Musa Shiikh Noor

Nor1

Dalkaygow dad kuu ka kaca hel!

 

Tan iyo maalintii aan garashada billaabay, waxaa jiray jacayl aan kuu qabo, jacaylkaas oo ahaa mid ka imaanayay niyadda, oo aan si gaar ah dareen joogta ah kuugu hayay. Waxaan ahaa mid mar walba ku farxo guushaada, jecelna in uu kuu huro dhiiggiisa .

Balse, waxaa illin iga soo qubatay, maalintii aan arkay xiddigihii kugu dhex noolaa, ee aad ugu deeqi jirtay quruxda garbahaaga saran, oo is dilaya, waxa ay isku dilayaanna uu macna hoose ka muuqday. Runtii waxay ii ahayd maalin murugo, galabkii axadda ahayd ee aan maqlay, xabbaddii ugu horraysay ee ka dhacda dushaada. Waxaa ii xigay bililiqada lagu samaynayay hantidii aad ugu adeegi jirtay xiddigaha yar yar ee soo baxayay iyo kuwa xiddiggoodu sii dhacayay (waa Dadka).

Waxay ahayd maalin kale oo murugo, markii aan arkay maydadkii ugu horreeyay noloshayda iyo dhiig qubanayo waddooyinkaaga quruxda badan, waxayna noqotay maalintaas maalinta uu billowday in uu mid mid u sii nuxuuso, quruxda iftiinkaaga ee dusha sare ee dunida laga daawan jiray .

Maalin walba oo timaaddo waxay kuu ahayd maalin murugo, oo dhiigga xiddigahaaga ay dhulka ku soo qubanayeen, dulmi fara badan ayaa la sii galayay, ciqaabta laga dhaxlana waa mid sii balllaaranaysay. Waxaa loo kala baxay laba kooxood oo mid walba hayb sheeganayso, dulmigii laga dhaxlayna wuxuu iskugu soo biyo shubtay in ilaa maanta la soo gaaro heer ay aabbaha iyo wiilkiisu ay kala shikiyaan waxna iska dhagaysan.

Wax sidaa la sii ahaadaba, dulmigiina sii bato, waxaa billaabatay in la is ku soo adeegsado cadowgaadii aad dusha sare ka eegi jirtay, si uusan ilmaha kugu dhex nool ee quuta quudka uu Eebbo kuugu soo dhiibo kaaga wax yeelayn, maadaama awal uu ilmaha hore oo kuwaaga ku abtirsada qaatay.

Nasiib darrada ayaa noqotay in isla ilmahaagi ay cadowgaadi la kala safteen, ayaga oo iska tuuray walaalnimadii ay lahaayeen, cadowgana walaalo ka dhigtay. Musiibo musiibo u sii gudubtay ayay ahayd, mana jirin nasiib darro kaaga daran, markii uu cadowgii ugu xumaa uu soo dul dagay xaruntii aad ka hagi jirtay ciidankaaga, qasaaraha badanna aad ugu geesatay.

Ma jirin maalin kaaga oohin badan maalintaa, marka loo eego xilligaa, waa maalinta aan kugu iri; “Waddankaygow ma aqaan meesha ay wax ka jiraan iyo meesha aan kaa taaganahay, maxaa nagu dhacay? Maxaa waxaan oo dhan ku sababsanay? Tanna manoo dhinnayd!”

Waa maalintii qof walba oo soomaali sheegto ay murugada qalbigiisa dabooshay, markii gowrac toos ah lagula dhaqaaqay ilmahaagii iyo waayeelkii kugu dhex noolaa, nasiib darrada ugu xunna ay  ahayd in cadowga ay hor kacayeen dad ka mid ah dadkaaga, qof walbana sabab ayuu watay, sababta uu rabo ha u wata cadowgee, muhiimmadda waxay ahayd, in uu is lahaa dantaada ku gaar, balse, ma jirin cid is leh dhibaatada markaa jirtay dhibaato ka wayn ayaa jirto, oo qof walba wuxuu maanka ku hayay haddii tan ay na gudubto, in wax dambe aysan noo harin, oo dhibkeennii meeshaa ku dhammaaday, dhadhan wanaaagsan oo barwaaqa ahna la gali doono.

Ma aqaan macnaha aan kuu leeyahay waddankaygoow, marba haddaan noqday midka kuu dhiibay cadowgaada, midka ku burburshay, midka asaaggaada kaa reebay, midka ku bililiqaystay, midka dhallaankaaga dhexdooda baday in ay is dooxaan, cadowgoodadna isku adeegsadaan, midka abuuray nacabka ay maanta isku qabaan dadka magacaaga ku abtirsada. Xaqiiqdii murugo ayaan la taaganahay macnahaygii waa lumay, maalin walba meelaha ayaan taaganahay, muraayaddii aan isku eegi jiray ayaad ahayd, aniga ayaana ku jabshay oo meel aan isku eego ma hayo, macnaha aan kuu leeyahy ma garan karo.

Runta marka laga hadlana badda ayaan isku shubay, aniga oo is leh uma qalantid meeshan aadan macnaha ku lahayn, waa ii cuntami wayday, badda ayaan sun ku shubay aniga oo rabo in gabi ahaanba  si dareen la’aan ah aan u dhinto, waa ii suura gali wayday, haddana, oo xanuunkii ayaa igu sii batay, badda ayaan ka adeegtay, aniga oo isbaaro u dhiganaya caalamka kale si aan quud u helo, maadaama uu quudkii igu adkaaday, maxaan ka dheefay? Wax aan qasaara ahayn kama dheefin, oo fidnadii aan ka cararayay ayaa igu sii ballaaratay, xashiis cunid, dhillaysi, tagri-fal maaleed iyo balaayooyin kale ayaan ka dhaxlay.

Dhibku waa igu sii batay magacyo badan ayaa ii soo baxay, ma jirin awal qoor qofeed oo la gooynayo, waa igu soo korortay in qoorta inta la gooyo caloosha ama dhabarka la isku saaro, kaba sii daran masaajiddada oo ahaa meelaha ii dhaqan ayaa balaayadu iigu timid, waxa billaabatay in salaaddii oo loo taaganyahay la is qarxiyo, ama bam la iskuso tuuro, waa dhib igu cusub, waxaa ii xigtay in masjidka albabkiisa la ii istaago salaadda cishaha iyo midda subax oo marka aan soo dhammaysto qudha halkaa la iiga jaro, dhibkaygu wuu sii ballaartay, ma jirin qof magacaaga sheegta oo is qarxinaya, waa soo billaabatay middaa, waxaa ii xigay gabdhahaagi in ay guursadaan qolooyin ajaanib ah oo magac diimeed lagu walaa-leeyay, looguna hibeeyay, waxaa igusii ballaartay jahwareerkii oo dhan, gaalo mid cad iyo mid madow, waa i soo dul istaageen, waxay dhaheen waa idin kala ilaa-linaynaa, dhiiggooda ayaa dhulka ku qubtay dhiiggeennana waa qubeen, waa la isku dul xiiqay, maanta waxaa dhisan dowlad aan ku iman rabitaankayga oo ku timid rabitaanka gaalka cad iyo kan madow, magaca ay wadatana waa magacaagii.

Waan ogahay dalkayga, in aad wali nooshahay oo aadan dhiman, waxaan la yaabbanahay, goorta uu soo dhalan doono midka dib kuugu celin doona taariikhdaadi wacnayd, macnaha aan kuugu fadhiyo ma fahmi karo runtii, waxaan kugu noqday qasaaro maalinka aan dushaada ku dhashay, laga yaabee, in ay kuu ahayd maalin farxadeed, balse, ma noqon oo waxaan noqday, midka maanta ku dhigay halka aad taallo kuna baday diifta iyo, dareen xummada, illinta aan kala joogsiga lahayn, dalkaygow, waan wareersanahay, ma aqaan waxaan ahay, mana aqaan macnaha aan leeyahay, waxaan kala garan la’ahay dad iyo dugaag waxa aan ahay, waxaan astaan u noqday muuqaal walba oo xun ee dunida maanta laga sheego, aad ayaan u liitaa, ilmihii dibadda iga aaday waa lumeen, waalidkii dibadda geeyayna murugo ayaa dishay, oo waxay milicsadeen ama arkeen wax aysan arki jirin, dhaqankiina waa lumay, dheef xalaal ah haba sheegin.

Waxaanu ahayn dad shaqaysta, ma shaqaystayaal ayaan noqonay, waxaan cunnaa xaaraanta naagaha jirkooda ka ganacsada canshuurta laga qaado, dulli taa ka liito ma jiro, meeshii ugu hoosaysay ayaan taagannahay maxaa ii haray? Maxaa iigu daawanaysaa dalkaygow dhibkan i haysta? Waan ogahay in aan gabay shaqadaydii, waan ogahay in aan guul darraystay, waan ogahay in aan ku dhigay meel aadan mudnayn, maxaa dhacay ood sugaysaa? Maad soo saartid mid i dhaamo. Waxaan ku shallaayaa maxaa i keenay dunidan, maxaa macna ah oo leeyahay, macnaha aan kuugu fadhiyase muxuu yahay?.

Waxaan ogahaay oo kaliya in aan maanka kugu hayo, kuuna damqado mar walba oo aan dhibkaaga maqlo. Haddana, waan hilmaama in aan ahay kan dhibka kugu hayo iyo kan kugu sababay waxa kugu dhacayo, maankayga kama baxdid mar walba murugo ayaan meel la muturaa, Mowlaha ayaan gacmaha u taagaa haddana, ducadayda aqbal maahan, oo maalin walba waxaan sii galaa dambi aad u xun, oo ka sii xun kan aan ka towbad keeno, maalin walba waxaan kufsadaa gabdhahaaga, maalin walba waxaan bakhtiiyaa iftiinka dadkaaga, maalin walba waxaan ku hoos geeyaa cadowgaada, maalin walbana waxaan jaajuus u ahay kuwa ka shaqeeya dummintaada, waan sii xad- gubay oo baddaada ayaan beec ka dhigay, hawadaada horey ayaaba loogu kala baxay barrina warkiisa ha sheegin, oo wataa cadowgu dur-dur ka dhigtay, balaayada aan kugu hayo maalin walba waa mid sii ballaaranaysa bad-wayn ayaan galay  dabaasheedana ma aqaan, aqooyahankaagii damiirkii qarannimo ayaa ka luntay, oo qabiilayste ayuu isku baddalay, wadaadkaagii wuu xumaaday oo maanta wadaad la aamino heer aan la soo helin ayaan joognaa.

Qolooyin cusub oo diin kala sheeganayana waa soo kordheen oo gaalo ah, qolooyin aan gaalo sheganayn oo kitaabbo cusub qortayna waa jiraan, bililiqada aan kugu hayay waxay awal ku koobnayd mid hanti haddase, mid mabd’a iyo mid diimeedba waan kugu soo kordhiyay, mashaakilka ma yara, wuuna sii kordhayaa, goormaad hurdada ka kacaysaa waddankaygow oo iska key qabanaysaa.

Maalin walba juq cidla ah ayaan sii galaa dhaxalka aan ka dhaxlana waa mid aan ka shallaayo, qabuurayaashii waa bateen dunida oo dhan ayaan ku aasannahay, tala xumo ayaa igu dhacday meel walba oo aan caalamka ka joogo ma heshiin karo, oo ma yeelan karo guddi u dooda xuquuqdayda, waan daalay dalkaygow war- wareeg waa i dilay markan, meel aan u ciirsado ma leh, dunida daafaheeda maanta waan joogaa, haddana, meel ii kaa dhaanto waan waayay, waxaan doonayaa in aan dugsado daarahaaga, daganaanta qalbiga u roon, door dambana aan ku yeelan dagaal dambe oo dushaada ka dhaca.

Waxaan doonayaa in aan difaac kuu noqod dalkaygow ee daji maankayga, dadkaygana dib isugu soo celi dib dambana ha noo kala dirin, dalkaygow ka kac hurdada, oo soo saar kii dadkan duufaannada dunida dileen bad-baadin lahaa, waan ogahay in aad awooddeeda leedahay, haddana, waxaan isku samirsiiyaa in maalin ay noqotaba aad hurdada ka kici doonto, horseedna aad u noqon doonto howlo badan oo maanta kaa dayacan, cadowgaadana caana dambe uusan dushaada ku cabi doonin.

Dalkaygow waan ku jeclahay, shallayto ayaan joogaa, in aan noqday damiir xumaha ku baday daganaan la’aanta kugu dhacday waan garwaaqsaday, waxaan dareemayaa in uusan jirin duul iga xun oo dushaada doogsad, madaxa ayaan ruxayaa, mana aqaan meel aan ka billaabo, gacmahaygana kor ayay u taaganyihiin oo ducada Rabbi kama daalaan, riyadayda maalin ay noqotaba waxaan rajaynayaa in ay rumoobi doonto, iskana kay cafin doonto, taariikh madow ayaan kuu dhigay taariikhda madowna marba qolo ayaa dhigta, waansa ka xumahay in qoladaas noqoshadeeda uu nasiibkayga iga dhigay!

 

Mohamed Musa Shiikh Noor

Ekisyare@hotmail.com

SHEEKOOYIN