Soddon kun oo murmaya iyo 12 Malyuun oo naf ka sugaya! W/Q: Axmed X. Muxyadiin

Soddon kun oo murmaya iyo 12 Malyuun oo naf ka sugaya!

Dadku waa kun dawladda ka tirsan oo ama xilhaya oo wasiiro ah, ama golayaasha ah ama “Darafu-Dawlo ah” oo difaacaya dawladda iyo kun kale oo ka soo horjeeda oo badankoodu ka tirsanayeen dawladdihii hore iyo tanba oo hadafkooduna aanu dhaafsiisneyn xil loo dhiibo ama in xisbigoodu meesha qabsado, iyo kun saddexaad oo wax aan uun ka faalloonaya oo an anigu ku jiro. Saddexdaa kun oo intooda badani joogto muqdisho marka ad la noolaato ama dhageysato maba moodid iney jirto umad kale oo hartay oo la rabey in loo shaqeeyo.

Kunkan dawladdu xoogooda iyo wakhtigooda intiisa badan waxa ay geliyaan sidii ay iskaga caabiyi lahaayeen ee ay uugu jawaabi lahaayeen kunkan mucaaridka ah, halka kunka mucaaridka ihina ay shaqadoodu ku soo ururtey eed iyo iney canbaareeyaan dawladda, kunka an anigu marmarka qaarkii ka mid aheyna waxa an nahay daawadayaasha oo kolba waxa labadan kun sameeyaan ayuunbaan ka faalloonaa. Sadexdaa kun ee nin waxa tala ka sugaya oo 12 malyuun oo shicib ah oo Ilaahey uun ogyahay intooda habeenkii casho la’aan ku seexata.

 

Ibrahim Mohamoud Abyan (AHUN) ayaa beri la weydiiyey oo la yiri horta maxaa joornaalkan dawladda ee Xidigta Oktoobar xafiiskaaga loo keeni waayey aroortii waata la geeyo xafiisyada kale e dawladda oo dhan e? wuxu yiri anigaa diiday oo iri waxba ha ii keenina wakhtiga uunbey iga qaadeysaaye. Waxa kaluu yiri, Joornaalkuba aroor kasta waxa uu ka sheekeynayaa 6 nin oo an jaar nahay oo labana dhooftey oo garoonka lagu sii sagootiyey, iyo laba dalka ku soo noqotey oo garoonka lagu soo dhaweeyey iyo laba kale oo siminaar ama shir meel ka furey. Lixdaba waa wasiiro aanu jaar nahay oo an maalin kasta is aragno. Ma lixdan nin uunbaan kolba kii dhoofey iyo kii soo degey sheekadooda hayaa miyaaney jirin dano kale oo umadda beylah ka ihi?

Bal hadda ka bax muqdisho  oo tag tuulada oo xaga Jowhar xigta ama haba fogaane kor u bax oo tuulooyinkan ama degmooyinka u dhow ee Afgooye ama marko aad, ama Waqooyi u bax oo Ceelmacaan iyo Warshiikh booqo. Umaddahaa dhulkaa ku nool oo dhan duruufo gaar ah ayaa heysta oo ay kaala hadlayaan oo aan aheyn waxa aan magaalada lagu xiiqey. Duruufaha iyo danaha heystaa sidaaba uuma weyna oo qaarkood taagtoodu waxa ay taagantahay biyo la cabbo halka qaarna ka hadlayaan dawada kaneecada. 12da malyuun ee shicibka ah ee dalkeena ku nooli intooda badani dawladnimada wey niyeysteen oo wey aamineen sida aynu inaba diinteena la inoo soo gaarsiiyay ee aynu qaadaney, balse manaafacaad badan kamey arag.

Marka ad magaalada joogto ee ad dhageysta xamaasadda iyo waxa laga doodayo, waxa ad arkeysaa in umaddiiba ku soo ururtay 3,000 oo fadhi ku dirir ah iyo 12 malyuun oo shicib ah oo duruufi heysato oo toodii cusleysey oo aan waxanba la socon. Labada masuul ee xilka kula kala wareegaya ee qaarkeen ka careysan yihiin sababta hebel loo bedeley, halka qaarkeena ku faraxsanyihiin ka cusub ee la saarey iyo kuweenna kale ee labadaa ka faalloonaya waxa ka maqan in dadka la rabo in loo shaqeeyo aaney aheyn waxa aan  mashquulka ku nahay ee ay yihiin dad kale oo taag yar oo aan awoodoodu gaadhsiin kareyn iney joornaal wax ku soo qoraan ama TV ka hadlaan ama mudaharaadaan oo cabashadooda muujiyaan Oo ay abaaro iyo daruufo kale heystaan.

Annaga oo baabuur wadana goor habeennimo ah oo mareyna keyn cidlo ah oo u dhow  tuulo ayaan aragney gabar ilmo yar dhabarka ku sidata oo howdka dhex mareysa. Baabuurkii ayaan joojinney oo an weydiiney waxay xiligan meesha la mareyso. Waxa ay noo sheegtey iney ku socoto reero meel dheer jira. Gabadhii ayaan soo qaadney waanan wareysanney oon dhahnay maxaa xiligan ku socodsiiyey. Waxa ay noo sheegtey iney ninkeedii isa soo laayeen,is dagaaleen kaddib markii ay iyada iyo sodohdeed is af dhaafeen. Waxa ay sodohdeen isku afdhaafeen in yar oo biyo ah oo ay gabartu meel dheer ka keentey oo ay sodohdo malaha dhow goor darsatey, oo markaa ay ku tiri biyo ma heysano berkedihii wey wada maran yihiin intan yarna waxa an u heysanaa oo keliya in dhuunta uun lagu qooyo ee biyaha noo dhowr. Sodohdiina wey ka xanaaqdey ninkiina hooyaddii ayuu u hiiliyey, gabadhiina sidaasey reerkii kaga soo carootay, duday

Ragayaga baaburka wata nagama qasna oo waxa an wadanaa dhowr kartoon oo biyo ah iyo sharaab. Marka ad magaalada ka timid xaalkaagu sidaa yahay wey kugu adkaaneysaa inad fahamto in reero dhan oo carruur iyo sodoho lihi ay ku burburayaan caagad biyo ah awgeed, ama ay jiraan dad aan meyran,qabeysan  bilo biyo la’aan awgeed ama ay jiraan dad u dhimanaya xanuun fudud oo si sahlan loo daweyn karo haddii dawadiisii la hayo. Waxa an aad uuga fikirey umadda dalka ku nool iyo duruufaha heysta ee aan Ilaahey mooyee cid kale oo u gargaarta heysan, iyo inteena bariisku u bisil yahay ee shaqada ka dhigtey “Kaaley ila Muran”.

Waxa muhiim ah in la xuso in dawladnimada runta ihi ay tahay ta la rabo iney u adeegto masaakiinta Danyarta, inta jilicsan, iyo kuwa caasimadda ka fog. Muqdisho waxa laga hadlayaa waa wadDooyinka oo jajaban, qashinkii qarax la maareyn waayay oo soo batey, bilicdii magaalada. Haddaad hawdka 30 kiloomitir uuga baxdana waxa ad arkeysaa hablo yaryar oo caagad yar sita oo baabuurta dhaafeysa biyo weydiisanaya. 

Waxa fiicnaan laheyn in 3000 ee murmayaa ay bishiiba dhowr habeen tagaan reerohooda, gaar ahaan kuwa ka fog magaalooyinka oo ay dhowr habeen la soo noolaadaan iyaga oo la cunaya waxa adadku cunayo, oo meel la seexanaya, la sheekeysanaya. Taasi waxa ay keeni laheyd xamaasad iyo qiiro  ku ogaano in umad badan oo jilicsani wax inaga sugeyso iyo ineynaan wakhtigeena ku dayicin hadal iyo muran ee an dadka wax u qabanno.

Inteenan murmaysaa waa intii waa kuweenii nasiibka helay. Waa inteena quutulyoomka heysata amaba soo heli karta ama soo shaxaadi karta. Waana inteena 12 ka malyuun rajada ka qabto iney maalin uun ka saaraan duruufaha iyo gaajada iyo jahliga. Maalinta la ina xisaabiyo ee la ina yiraa dedaalkii dib dhiska dalka bilaash xoogle yahow xageebaad ku maqneyd? Maxaad ku jawaabeysaa? Ma waanigii hebel iyo musharax  hebel la murmayey ayaan ku jawaabnaa. Ma hebel markii uu Hadley kii u jawaabey ee caayay baan ahaa ayaan libin ka dhigana. Mise taariikhda ayaynu geli oo waxa an ku doodnaa intaas oo kun oo carruur ah oo sabool ah ayaan jahliga ka saarey oo an siiyey hubkii ay gaajada kula dagaalami lahaayeen, Ama intaas oo deegaan ayaan biyo macaan oo nadiif ah u qoday oo maanta harraadkii ka baxdey. Saddexdeena kun ee nin ee murmayow, ogaada iney ina sugayaan 12 malyuun oo rag iyo dumar ah oo Ilaahey mooyee aan cid kale u maqneyn oo if iyo aakhiraba la inagula xisaabtami doono waxa an u qabanney.

W/Q: Axmed Xaaji Muxyadiin 

      Ahmedhaji95@gmail.com

SHEEKOOYIN