Daltebyo! W/Q: Anab Diriye

images

Daltebyo!

 

Daltabyo, waa eray loo isticmaalo, dadka iyo xayawaanka, haba ku badnaato Aadanahee, kaas oo ku yimaadaa marka ay ka taagan meeshii horey ay ugu noolaan jireen, oo ay taagan berrin cusub. Inta badan, waxay ka qaadaan noloshaa cusub, oo ay galeen dhib. Waxay kala kulmaan, isbedel xagga caafimaadka ah, cuntada iyo biyaha, oo aysan la qabsan karin, xasilooni daro ka timaadda gocosho, hawada, oo ka duwan tii ay ka yimaadeen.

Markii dhibka aadka u weyn ka dhacay dhalkeenna, dadka intooda badan waa soo dalaabeen, iyagoo u kala dalaabay adduunka dacalladiisa. Kala firdhadkaa wuxuu keenay, in aan u galnay umado aan isku dhaqan, diin, cimilo, af iyo ahayn caado.

Wax lagu dhex jiro dhibkaa, waxaa qof walba oo caqli leh shinsanaayey, inuu dalku dego, oo nabadgelyo la helo, si dib ugu noqdo. Waqtigii waa is guray, oo sanadba sanad buu u dhiibay, meel uu ku noqdo uma jeedo, oo sababtii uu u soo dalaabay baa weli jirta.

Qof walba feker baa gurigiisa ama goobaha shaqada ku dhax haysata, waayo, maskaxda baa ku leh; ma ogtahay dalkaagii ma joogtide? Halkaasna waxaa uga bilaabanaya deganaansho la’aan uga timid, hilow uu u qabo dhulkiisii.

Daltabyadaas tirada badan, oo aan kala joogsiga lahayn, waxay dadkii soo dalaabay dhaxalsiisay, inay siyaasiyiin wada noqdaan, oo ay ka hadlaan hadba meesha ay marayso xaaladda waddanka.

Gorfeynta siyaasadeed, oo ay dumar iyo rag dhex maquuranayaan, ma ahan in ay jecel yihiin, inay siyaasiin noqdaan ama ay hoggaanka dhinacooda ka qabtaan, ee waxay ka timid adaltebyomaashaysay, oo waxay rabi lahaayeen, in ay maalin uun dalkii ku noqdaan, oo ay degaan, dib danbana u soo noqon, waayo, si kasta oo aad nolol fiican uga hesho, qalbiga iyo maskaxda baa ku xukuma, oo qabaar kuu soo gubinaaya, kuguna leh; goormaad noqonee? Ka dib waxaad siinee jawaab aan sal lahayn, oo ah sanadka soo socda baan baxayaa, mar waxay ku leedahay u kaadi weli ma sal dhigane.

Guntii iyo gunaanadkii, qof kasta oo naga mid ah, xil weyn baa ka saaran inuu u hiilliyo dhulkiisa, haba noqoto, inuu ammaano, oo horumarkeeda ka sheekeeyo.

Dhinaca san, oo laga hadlaa, wax weyn bay tareysaa, oo inta dhexjoogta kalsooni bay helayaan, inta dibadaha ku maqanna walaacowga baa ka yaraan lahaa, oo waxay u ekaan lahaayeen dad dalxiis ku jooga dhulka ay ku nool yihiin, oo ay si shuruud la’aan ugu noqon doonaan hal ay maanka ku hayaa.

 

W/Q: Anab Diriye

anabdiriye48@hotmail.com

SHEEKOOYIN