DAMACA SIYAASADEED EE HOGAANKEENA

Nor1

 DAMACA SIYAASADEED EE  HOGAANKEENA

Damac marka laga hadalayo waa baahi uu qofku wax uun u qabo, waxaas oo noqon kara wax walba, waxay ku xirantahay waxa uu qofku damcay doonayana in uu noqdo ama helo kolba dhanka uu damcaas ku salaysan yahay.

Siyaasad marka laga hadalayo damaceeda maanta waa inta ay calooshu u buuxdo oo meel kusoo hubsaday wixii uu qutul yoom heli lahaa dhanka uu doonaba haka helee, qofkaas ayaa maanta ku riyooda in uu umad hogaansho qaabaka uu rababa hogaankeeda ha u fahmo hana ka dhigo.

Waxaanu nahay umad waligeed iska nasiib darnayd oo marna aysan soo marin caddaalad dhab ah, mar walba waxbaan tabaneynay sifaha ay doontaba ha yeelato tabashadaas.

Waagii gumaysiga tabashadeena waxay ahayd goormaad xoriyad heli doontaan? damaceenana wuxuu ahaa goormaad asaagiina dunida la baratami doontaan waxna aad ka noqon doontaan dunidan gaaban ee aan lagu waarin?

Is waydiintaas soo taxnayd oo ku tiil qalbiga qof walba oo Soomaali sheegta ilaa maanta waa taagantahay, waa taxanaha aan dhamaan ee Nolosha Soomaalida qayb ka noqotay, jiil walbana is waydiintiisu waxay saldhigataa is waydiinta ah goormaa laga bixi midda maanta na haysata? goormaasa la heli dadkii dhabta ahaa ee xilligan adag umaddan ka saari lahaa?

Wax walba marka la alkumayo waa qasab in ay saldhig yeeshaan, saldhigaas qaabka uu noqdo ayeyna ku biya shubmaan jiritaanka sheygaas la abuuray, waxaan uga jeedaa qaabka abuuritaanka bulshadeena saldhigiisa ayaa wax si ka ahaayeen, kaas ayaana sabab u ah waxa aan maanta nahay.

xaalad walba marka ay jirto lama dareemi karo muhiimadda ay leedahay, balse tabashadeeda mar walba waa mid taagan dhinaca la rabo tabashadaas ha lagu saleeyo, waxaan uga jeedaa in Hogaan kala duwan iyo waqti kala duwan uu ina soo maray, balse inta muhiimaddiisa aan ka faaiidaysan lahayn ay howsheenu kusoo idlaatay uun is eedayn iyo tabasho tilmaamo loo yeelay.

Qof walba oo Bani aadam ah halka uu ka socdo ama uu wax kasoo allifo waa Madaxa, madaxa qofka marka uu beelana jir ahaan wuu u jiri karaa. balse Tayo ahaan ama wax tar ahaan qofkaas waa mid dhintay ayaa la oran karaa, maadaama wax uu soo saa’idin karo aysan jirin wax uu iska jaro mooyee.

Madaxa maadaama uu yahay hogaanka jirka sidaas si la mid ah ayey umad walba oo tayo iyo fir fircooni lehba haddii uu hogaanku ka halaabo u noqotaa umad  Cuuryaan ka  ah dhan walba sifaha daciifnimana loo nisbeeyo marka laga hadalayo umadaha daciifka ah ee ku guul daraystay in ay noloshooda maareeyaan.

Damaca siyaasadeed ee hogaankeena in uu guul daraysto, umaddeenana ay noqoto ma  haysato aan waxba loo hayn ayaa la dhihi karaa waxaa saldhig u ah ilaa shan qodob oo aan jeclaystay in aan halkan idinkugu soo bandhigo.

Soo bandhigiddayda waa mid ku kooban shaqsiyaddayda, waa la igu raaci karaa waana la igu diidi karaa, waana fakar uu leeyahay shaqsi ka mid ah umaddiina gocoshada badan ee mar walba wax sheegta.

DIFAACA DANTA BEESHA.

Dhibaato marka la doonayo in laga baxo waxaa wanaagsan in la fahmo dhanka ay ka timid dhibaatadaas kadibna la baadi goobo xalkeeda, balse iyada oo aan la fahmin dhibaatada asalkeeda haddii lagu dag dago xallinteeda waxaa ka dhalata dhibaato kale oo ka baaxad wayn tii awal la doonayey in la xalliyo .

Hogaankeena maanta waa mid ku yimid in uu ilaalsho damaca koox gaar ah inaga oo waliba cod bixin u qaadnay in hogaanka ina hogaaminayo uu ilaalayo damaca danta beeshiisa, hadaba, waxaa is waydiin mudan nin awal meesha ku yimid ilaalinta damaca qolo gaar ah siduu ninkaas xor ugu noqon karaa in uu ku hogaansho umad dhan hogaanimo sax ah, maadaama isaga naftiis si waqtiyeesan loogu doortay hogaaminta umaadaas gaarka ah?

Xaqiiqda marka laga hadalayo hogaamadeena maanta waa kuwa nuucaas ku kala yimid oo nin walba uusan gaari Karin go’aan ka tarjumaya hogaanimadiisa, maxaa yeelay kursiga uu ku fadhiyo waa mid loogu dhiibtay in uu ku dhowro danta umadda uu ka tirsan yahay hayb ahaan, wax walba oo umaddaas danaheeda gaarka ah ka hor imaan karana wuu diidayaa, maxaa yeelay ma jiraan wax dan guud la dhaho oo uu dhoworayo ama ilaalinayo hogaamiyaas.

RAALLIGALINTA SHISHEEYAHA

Damaca hogaamiyaha soomaaliga ah saldhigiisa koowaad waa in uu noqdaan mid ku xiran oo u adeegaya Dana Shisheeya, talaabo walba oo uu qaadayana waa in ay noqotaa mid raali galisa xulufadiisa siyaasadeed ee shisheeyaha ah, waxyaabaha la yaabka leh ee qodobkan labaad uu uga hor imaanayo kan ka sareeya ayaa ah, haddii ay is qabtaan danta beeshiisa iyo danta shisheeyaha uu siyaasad ahaan ku tiirsan yahay, in uu u hiilinayo danta shisheeyahay, maadaama ay iyaga uga dhaqaala iyo awood badan yihiin beeshiisa, uuna u arko in uu ay ku ilaalin karaan kursiga uu ku fadhiyo.

Hadaba is waydiintu waxay tahay hogaamiyaha nuucaas ah Umad uu hogaansho goormey ka baxaysaa is waydiinteeda ahayd, yaa inaga saari kara dhibaatada maanta aan ku jirno? Goormeesa la mid noqonaynaa oo wax la qaybsan doonaa umadaha asaageena ah, waxaan dareemayaa in Hogaamada labadan qodob ku hor gudban ba aysan sifo u lahyn jawaab u noqoshada is waydiintan taxanaha ah.

 

DANTIISA SHAQSIYADEED.

Marka uu meel ka noqdo hogaamiye qof ka mid ah Soomaalida maanta jirta, waxaa qasab ah in talaabooyinka ugu horeeyo ee uu qaadayo ay noqoto in uu marka hore dhiso dhaqaalihiisa gaar ahaaneed, isaga oo Guryo badan yeesha, Dumar fara badana guursada, ilmhihiisana Dibadaha dajiya waxna ka bara.

Intaas hadduusan samayn qofka madaxda ah waxaa hadhow lagu canaan doonaa in uu ahaa shaqsi aan waxba galin maadaama nafsad ahaantiisaba uusan waxba qabsan, laguma canaanayo qofka waxa uu bulshadiisa u qaban waayey!

hadaba waa mid ka mid ah damcyada uu xambaarsan yahay hogaanka maanta ina hogaansha, waana mid ka mid ah damacyada siyaasadeed uu xambaarsan yahay hogaamiy walba oo umaddeena u nasab sheegto.

Hadaba waxaa is waydiin mudan qof ka fakaraya calooshiisa oo kaliya goormuu jawaab u noqon doonaa  is waydiinta soo taxnayd tan iyo waagii aan jirnay? Kollayba su’aalaha qaar marbaa looga jawaabaa su’aalo kale.

NIN JECLAYSI

Iska riixidda umadda ay danta guud kala dhaxayso iyo soo dhawysashda qolo gaar ah waa mid ka mid ah astaamaha ay caanka ku noqdeen hogaankeena maanta, mid walba waxa ugu horeeyo ee lagu eedo ayaa middan ah.

Sababta ka dambaysana waxay tahay maadaama sababta uu awalba ku yimid hogaankan ay ahayd sabab aan xalaal ahayn, waa in uu la yimaadaa dadkii la xadi lahaa ama ku kaalmayn lahaa damiciisa shaqsiga ku salaysan ee siyaasad ku sheega ah, waana damac nin jeclaysiga.

Nin jeclaysiga waa sifo ka mid ah sifooyinka lagu sifeeyo hogaamiyayaasha xun xun ee guul daraystay, maxaa yeelay hogaankaas xun sababta uu qof gaar ah ugu gaar yeelayo howlaha guud ayaa waxay tahay in uu isagu si gaar ah oo aan Xaqa ku salaynayn doonayo in uu u maamulo waxa umadda kala dhaxeeya.

Siyaasadda ku salaysan nin jeclaysiga waa siyaasad ay ku caan baxeen hogaamada xun xun oo dhan, waana mid ka mid ah astaama lagu garto in hogaanku uu xun yahay, waxaa kaloo jirta in hogaankaas uusan xitaa ku raagin ninkaas uu xigsanayo waqtigaas, oo waxaa laga yaabaa in marka uu danta uu ka leeyahay ku gaaro uu hadana mid kale oo uu is leeyahay ku gaar dan kale uu meesha keeno, marka siyaasadda hogaamiyahaas nin jcalysiga leh ayaa ah mid aan fadhin oo mar walb is bad baddalkeedu uu badan yahay maadaam hugurigiisa uu marba si wax u doonayo.

GARASHO LA’AANTA DANTA GUUD

Marka laga hadlayo hogaan xun ama damac siyaasadeed oo xun maba imaan karto garasho danta guud, sidaa darteed qodobkan waxaan ugala jeedaa in dadka qaar ee mar walba rajadoodu aysan hoos u dhicin aysan ku sirmin in hogaamiyaha leh damacyada siyaasadeed ee kor aan kusoo sheegayn uusan lahaan Karin garashada danta guud, marnabana aysan ka filin in uu danta guud ka shaqeeyo.

Qaabka uu u samaysan yahay iyo qaabka uu hogaankaas ku yimid ayaaba ahaa danaysi gaar ah, iyo u hiilinta qolo gaar ah, ilaalinta xaqa dad gaar ah iyo, difaacidda danta dad gaar ah , marka maadaama qaabkaasba ay ahayd howsha loo igmaday side looga fili karaa in uu danta guud garto?

Hubaal in uusan garan Karin danta guud maxaa yeelay, maba ahan midda loo sameeyey ama uu isagaba usoo shaqa tagay, marka garasho la’aanta danta guud waa mid ay ka wada siman yihiin hogaankeena maanta, hadab is waydiinta waa mid wali taagan taas oo ah, goormaan heli doonaa mid garta danta guud ee umaddan oomantahay ee ay waligeed baadi goobaysay.

Su’aalaha qaar jawaabahooda waa kuwa aan la helin lagana yaabo in umad aanan warba u hayn goorta ay bilaabatay is waydiinta iyo cidda jawaabaheeda u ooman ay helaan jawaabaha maanta aan is waydiinayno.

Nasiibka qofka ma ahan mid uu awood ku leeyahay sida uu noqonayo in uu wax ka baddalo, balse, wuxuu qofku awood u leeyahay in uu sameeyo Dariiq wanaagsan oo tilmaan u noqon kara imaatinka nasiib wanaagsan.

Qofka bani aadamka ah Qaddarta Rabbaaniga ah sida ay noqonayso wax shuqul ah kuma yeelan karo, balse wuxuu awood u leeyahay doorashada qaabka ay noqonayso noloshiisa.

waxaad mooddaa in aan isla inaga abuurayno qaab aan isku waydiino su’aalaha faraha badan ee Qarniba qaniga kale u gudbaya iyaga oo aan jawaabahooda dhab loo helin, waxaas la yaab sii ah in isla anaga aanan doonayn in aan isku shuqlino helidda jawaabaha su’aalahaas aan is waydiinay?

Su’aalaha qaar jawaabahooda marbey su’aalo kale noqdaan, waxaana dhihi lahaa, marba haddii aan isla inaga nahay kuwa soo curiyeey ee u ooman jawaabaha su’aalaha qalbigooda ka guuxaya, maxaan u raadin la’nahaay jawaabaha dhabta ah ee aan u baahanahay? Maxaase u abuuraynaa su’aalo kale oo aan jawaabahooda la hayn, iyada oo kuwii hore aan laga jawaabin?

Waxaan dhihi karaa ma ahan wax aan ku tala galnay, ee waa wax waqtigu sidaa u doortay, runta ayaasa waxay tahay in baadi culus ay inaga maqantahay, taas oo ah in aan helno waxa aan nahay maanta wax ka baddalan oo ka wanaagsan, is waydiinta arrintaasna ay inooga horeeyeeen Jiilal badan oo umaddeena ah, ayaga oo aan jawaabihii helina ay dunidan ka hayaameen, is waydinta taaganse waxay tahay? Waa jiilkee jiilka heli doona jawaabaha is waydiintan?

Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.