Dambigaan ka Galay Duniyadaan Dhalay Q 4AAD W/Q: Sagal Jaamac Maxamed

Halkan ka aqriso  Qaybihii hore:  Qaybtii Koowaad. Qaybtii Labaad.  Qaybtii Saddexaad

12666364_459241034286740_2068257011_n

Dambigaan ka galay duniyadaan dhalay Q4AAD

Talo farahay ka baxday, lammaanaha waxa ay diyaar u ahaayeen in ay kala faataxeystaan waddo kasta ay u maraanba. Waxay si bareer ah ii gu dhaheen, “ogoow aabbo haddii aad go’aan keena hor istaagtid waxa ay ka dhigantahay in aad aayaheena caafimaadkeen iyo guusheenaba lid aad ku tahay”. Waxaan arkay in jaxaanjax iyo hamrasho midnana aynan ii heyn, sidaa awgeed anigoo dareemaayo niyadjab baan hoos iska iri, maxaa gorgortan u galineysaa in ay si xornimo leh uga fikiraan una maareeyaan nooca ay ka rabaan noloshooda.

Garbey u lahaayeen in sidaas ay iila hadlaan waayo waxaan curyaanshay maankooda, waxaan ku cabburiyay in rabitaankooda ay ka hadlaan markaasna aan ku taageero wixii aan u heli karo. In kasta oo ay igu adkaatay arrintaas, sharaf-dhac iyo culeysna ay igu aheyd haddana waan ku qasbanaa in aanan si niyad-xaaran u gu dhaho go’aankiina furriinka waad u madax bannaan tihiin, anna waan idiin duceeyay.Codkasta aan maqlo waxa ay igu noqotay sida jabaq meel dheer ka imaaneyso, abidkey ma aan galin innan aad dhashay ayaa garoob noqoneysa weliba ayadoon ilma heysan, maxaa ka daran aabbo hormuud ka ah guul-daroda ubadkiisa!

Duniyo waxay noqotay garoob aan garab heysan, yarkii ay gacalootayna Jaan iyo cidhib meel uu dhigay la garan waayey. Alhumadii jaceylkaa ku itaalsaday, anfacadi ayey ka go’day, furfurnaanshihii iyo baarinimodii malahan. Laxawga iyo murugada haysay ayaan ka dheehanayey dhaayaheeda dawose u ma hayo aanan aheyn in aan baadigoobo Mursal. Waxaan isla markiiba ka soo dafay telefoon yaalay miis iga yara fog waxa aana wacay dhawr lambar oo aan is dhihi karo waa ilaha ugu dhaw ee aad xog ka heli kartid. Ugu dambeyntii waxaa naloo sheegay aniga iyo Duniyo oo si wada jir ah u fadhino in uu Tahriibta ku dhintay.

Markii ay maqashay dhawaqaa naxdinta leh, waxaa is dhalanrogey guud ahaan dareenkeeda, waxaana u ekaatay qof sanad dhul yaal ah oo bukaan ah, waxay billowday Hiinraag iyo taah waxaanna dareemayney inay tabar daraneyso, waxay is tiri kac balse waa hollin weyday oo waa diiday, haddana waa isku deyday garabkaan ka qabtey, cod meel fog ah ayay igu tidhi   Aabbe waxaan aadayaa qolkayga xoogaa daal baan dareemayaa inaan nastaan rabaa.

Waxaan garowsaday in ay marmarsiino ka tahay, oo ay dooneysay in aan la ogaan booyinteeda. Dhalanteed ayey igu noqotay in gabadheyda sidaa oo dhan ay isku raacisay nin aysan weli wadaagin nafta, waxaana go’aansaday mar haddaan dib loo heleyn yarkii geeriyooday, in aan niyadda u dhiso kuna tashkiiliyo in ay iska illawdo dhalanteedka jaceylka sida ay horaan ba u illawday geeridda hooyadeed weliba ayadoo wax kaga baahi badnaa aysan jirin markaas. Sidaas baan ku iri waxaana u sii raacshay in ay guursato sida ugu dhaqsiyaha badan nin dooqeeda ah si ay dib u hanato farxadeedii iskagana ilawdo Tahriibe naftiisa haligay.

Warcelinta aan ka helay ayaa aheyd, in aysan u baahneen guur dambo iyo in ay sii joogta adduun dadka saaran ay cadaw ku yihiin, kadib waxa ay iga codsatay in ay u baahantahay in ay qaado dhabahii Mursal maray iyo xabaashiisii meesha uu ku geeriyooday in ay ku dhimato si u midowdoobaan markale. Arrin igu cusub ayey i gu noqotay weedhaasi, in ay waalantahay iyo in ay soo wadato ayaan kala garan waayey, waxaan isku gu yeeray Culimo dariskeyga ahaayeen markiiba waxaan billoownay in la Qur’aan saaro mudo dhawr maalmood ah. Walwalkeygii ayaa sii batay waxaan iska dhaadhacshay in jaceyl aheyn ee Duniyo la ig sixray, si ay ii gu fiyoobaato waxaan siiyay Wadaadada lacag badan, iyo xoolo inaan qalo si aan u sooro inta ay ku guda jiraan hawsha Duniyo.

Muddodii Qur’aan saarka markuu u dhammaaday ayaan gudo galay in la baxnaansho iyada. Marka ay i dhahdabo waan fiicnahay ee iga daaya cadaadiska aad igu heysaan waxaan iraahdaa yaan warkeeda dhaq jalaq loo siin waxey mareysaa xaalad badbaado ay u baahantahay. Geed dheer iyo ku gaabanba waxaan u koray sida aan ku dabooli la haa in Magaalada aysan ku fidin kutiri-kuteenta arrinta Duniyo, marmar baan waxaan is dhahaayey deegaan kale ma u guurtaa. Ayaan wanaag mar aan is dhahayey Duniyo wey ka kabsatay xanuunkii baa waxaa iga soo doonay Wadaadadii mid ka mid ah oo da’ ahaan aan iga yareen, aad baan u gu riyaaqay waxaana iska dhaadhacshay haddii aan u ku u guursho in gabadheyda ay cagta saari doonto dariiqi ay jecleyd ku ka wanaagsan, baraaro na ay gali doonto, haddii ay bukootana uu ugu dulqaadan doono culeyskeeda iyo kan ubadkeeda, oo Marra Qur’aana uu mari doono.

Mala-awaal iga ma dhammaado, tilaabadaa qaadaba hadba waa mid Duniyo u ah hoog iyo ba’, annigu se waxaan is dhaha kaalintaadi aabbonimo si fiican u ga soo bax oo innantaada yeysan kaa noqon suuq-wareegto dhurwaa kasta gees keeda ku soo leexdo. Aniga oo la tashan ayaan ku iri Duniyo, nin kaa weyn baa ku dhaqi karo oo Caalim Cilmiga dhameeyay ah, uurxumo iyo bugaan dambana maanta ayaa kuu gu dambeyso waan hubaa in aad ii duceyn doonto aadna illoobi doonto wixii horrey oo ku gu dhacay oo dhan. Waxaan u dadajiyay in aan u aroosiiyo anigoon wax xujo ahna kuma xirin.

Nasiino la’aanta iyo culaabta iga qabsatay gabdhaas waxa ay aheyd mid aan weligeed isoo marin, waxaan iska hilmaamay hawlihii kala aan haaya oo dhan hadday tahay tu ganacsi iyo tu qoys ba. Waxaan dareemay xasilooni iyo in markaan aan ka miro dhalin karo qorshayaasheydii qabyada ahaa. waana gudo galay in aan duulimaad ku tago dalka dibaddiisa. Soo laabashadeydii Muddo yar ka dib waxaa la kowsaday xanuun hor leh in uu ku yimid Duniyo.

Talaa raarantay, hawshu ma fududo gabadhii afka ayaa la qabtay ma hadleyso in indhaha ay kaa fiiriso ma ahanee, dhaqasho maleh Ninkiina aan uga xilanayey in uu wanaajin doono na uma uu diir-nixin ee inta uu ka dhaqaaqay ayuu furay. Waxey laheyd uur 3 billood ah miirkeedana ma joogo, waa carruur caloosha ku sido carruur kale, misana awood u heyn in ay xajiso xanuunka, labada xanuun ee iskuugu darsantay, kama soo xaaqi karo ilmaha ku beeran oo gabood fal kala ayey igu noqoneysay. Dhaqtar ayaan geeyay waxaana la gu sheegay in xanuunada dhimirka uu ku dhacay.

Waxaan soo xasuustey, murtidii iyo maahmaahadii Soomaaliyeed ee ahayd: “Wax badso wax beel bay dhashaa” waxaan gabarteyda xayirey dookheedii iyo doorashadeedii, waxaan dabrey dareenkeedii, waxaa duudsiyey xoriyadeedii, waxaanan ka dhigay mid aan lahayn damaciyo dareen ay wax ku dooran karto.

Marnaba ma maqal tabashadeeda, ma tixgelin tusaalaheeda, mana taageerin taladeeda, niyadjabkii ku dhacay iyo qalbijabkaan u geeystay ayaa keenay inay waalato oo miyirkeeda wax u dhinmaan, waxaa ugu dambayntii dhacdey inay dhaqaaqdey, goor aan habeen iyo maalin midey tahay cidi ogeyn, iyadoo uur leh, ilaa haddana aanan garanayn meel ay jaan iyo cirib dhigtay, ma socdaal bay gashay oo waxay tagtay meel naga dheer, ma cidlaa bahal iyo cadow ku cuney, ma kayn iyo hawd bay gaajo ugu dhimatey oo habardugaag hilbaheeda ku feenatay, ma badey isku tuurtey, ma ceelbay ku dhacday, ma dhimatey mise waa nooshahay, ilaa hadda waxaa qalbigeyga ka guuxaya dhibaatadii aan u geeystay iyo dhibaateyday igu reebtay, waana arrinta keentay sheekadan dareenka leh ee aan ugu magaca daray “Dambigaan ka galay Duniyadaan dhalay” tixdan maansada ah ayaan ku soo afjarayaa, Dakanadii iyo dambigaan ka galay Dunidaan dhalay.

  • Dadyahaw maqal waanadeyda
  • Dareenkiyo hadal dubaax leh
  • Hadduu daayin deeq ku siiyo
  • Dad iyo ubad duunyo buuxda
  • Haddii duudsiyin ee dulqaado
  • Ha noqon doqon darajo dhaana
  • Qofnaba dookhiis ha duufin
  • Ha noqon duumo xanuunka
  • Duleeya dhashiisa doorsan
  • Ha noqon dakaniyo mid beera
  • Daaniyo ciil aan dameynin
  • Dambiga duniya aan u geysay
  • Deeqiyo ubax yey dareemin
  • La duubo dhashaada daayin
  • Daryeel danahooda guudna.

 Dhammaad

W/Q: Sagal Jaamac Maxamed.

SHEEKOOYIN