Dambigaan ka galay Duniyadaan dhalay! Q2AAD W/Q: Sagal J. Maxamed ”Qarandoon Dhiirran”

12666364_459241034286740_2068257011_n

Dambigaan ka galay Duniyadaan dhalay! Q1AAD

Aniga iyo Suleeqo waxaan isla meeldhignay in aan kullanno habeenkii habeenkaas xigay. Goobta ballantuna waa hoyga Suleeqa iyo xilliga gabbal dhaca.  Si fiican ayaan u soo diyaargaroobay, aniga oo ilaalinaya xilliga ballanta, wuxuu waqtigu is guraba, waxaa la gaaray xilligii aan Suleeqo kulanka ku ballansanayn, ka dibna waan soo ambbabaxay aniga oo sida haddiyad. Markaan gaaray guriga, waxaa iridda iga furay Suleeqo. Salaan diirran iyo ismarxabbeyn ka dib waxa ey ii kaxeysay goobtii ay ugu talo gashay in aan waqtiga haasaawe ku qaadanno. Waxaa marinkeenna ah meel barxad ah oo ka sokeysa halka ey Suleeqo u qorshaysay in aan ku wada sheekeysanno, waxaana ku caweynayay barxaddaas qoyska Suleeqa.

Anigoo xishoonaya ayaan ku soo leexday reerkii, si aan u salaamo, iskuna baranno, nasiib wanaag iyagaaba iga la hormaray. Si gacaltinimo leh ayey igu la hadleen, iyaga oo i leh “ha is martiyeyn wiilkeennii baa tahay”. Ka dib waan u mahadceliyay, horeyna waan u sii socday. Waxa ay i keentay meel doog ah, oo dhaayaha u roon, sida reexaantana u udgoon, oo ay ka baxayaan Ubaxyo, Cambo, Babbaay iyo khudaar kale. Waxaan ku fadhiistay kuraastii meesha tiillay midkood, si xushmad iyo xil-kasnimo ey ku dheehantahay ayey ii soo dhaweysay, durbadiiba waxey si hal haleel ah u aadday dhinaca kushiinka oo aan innaga fogeyn, halkaas oo ay inooga keentay cabitaan kuleyl iyo qaboowba leh, iyo macmacaan kale.  Halkii ayaan dhoollacadeyn, ammaan, iyo kaftan hordhac kaga dhiganey sheekada, annaga oo si deggan u wadna cabitaankii iyo macmacaankii ay Suleeqo ku farayaraysatay. Si baa cabsidu iigu larantahay, oo waxaan garan la’ahay meel aan hadalka ka billaabo, haddana in mowduucu uu furmo cid iiga ma baahi badna.

Marka ay aragtay in aan is maaweelinayo, dulucda hadalkana ka leexleexanayo, ayey iyada oo si xishood leh u kabbaneysa cabitaankeedii igu tiri “Abboowe Liibaan Caddoow, soo hurguf waxa ka dhex guuxaya maankaaga. Qosol-gariir ayaan billaabay, cir iyo dhul meel aan joogayna waan kala garan waayey, oo filanwaa ayey igu noqotay sida dareenka iyo daneynta leh ee ay u xiiseyneyso in ay ogaato muraadka aan ugu soo martiyay, taas oo anigii danta lahaana aan ka baqayay in aan u furo.

Aniga oo isku bogaadinayo waad ayaan badan tahay, ayaan si kalsooni iyo geesinimo ku dheehantahay ugu soo bandhigay hadafka aan ka leeyahay, iyo sida aan doonayo in aan u hirgaliyo haddaan ku heshiinno. Sidoo kale waxaan uga sheekeeyay in aan ciyaal rajo ah korsanayo, oo aanan Karin, inaan sida dhallinyarada hasaaweha lammaanaha gardaadiya in aan waqtigeygu ii saamaxayn inaan haasaawiyo oo aan sida faraantigeeda oo kale ka agdhawaado mar walba, balse, ay iga go’antahay guur iyo ineynu guri wada yagleelno.

Dhawr weydiimood oo ay ku hubsaneyso in uu dhab iga yahay guurka ayey i weydiisay, sidoo kalana waxay wax iiga sheegtay nolosheeda, iyo waxyaalaha ay ku hammineyso guurkeenna, ka dib in aan ku garab siiyo sida; in ay aqoon-kororsi ku sameyso waxbarashada, si ay horumar uga gaarto aqoonteeda, anna waan soo dhaweeyay hammiga Suleeqo, waana u ballan qaaday in aan taageero buuxdo ku siin doono sidii ay himmilooyinkeeda u gaari lahayd.

Waxaan uga mahadceliyay sida wanaagsan ee ay iigu soortay qalbigeeda iyo kalsoonida ay ii muujisay. Sidoo kale waxaan ku ammaanay garaadkeeda, garashadeeda iyo asluub wanaageeda.  Sheekaddii waxaan ku soo gunaanadnay in aan toddobaad ka dib kulanno, inta ka horreysana qof kasta uu ka soo baaraandego qorshaheenna guur, isaga oo kaashanaya maankiisa, markaan isku soo laabannana si wada jir ah u gorfeyno. Ugu dambeyntiina waxaan guddoonsiiyay haddiyaddii aan ugu talo galay, lambarrada Telefoonkana waan is weydaarsannay, farxad baana ku soo kala tagnay.

Intaas wixii ka danbeeyay waxaan ka wada xiriireynay Telefoonka, waxaan dareemeynay boholyoow iyo kala fogaansho, muddadaas yartaa waxaa noo hirgalay in aan kalgaceyl iyo kalsooni adag dhidibbada u aasno, annaga oo sugi la’ ayaa la gaaray xilligii ballanta. Sida caadada inoo aheyd, waxaan ku kullanay gurigooda, aad ayaan u falaanqeynnay sida ugu wanaagsan uguna fudud ee aynu ku hirgalin karno guurkeenna, iyo xitaa arooskeenna.

Waxaan is weedaarsannay aaraah iyo aragtiyo kala duwan, gorgortan dheer kadib biyo meel godan ayey isugu shubataane tusmooyinkeenii, mas’uuliyadda iyo agaasimidda arrimahaas oo dhan, aniga ayey na igu wareejisay.  Waxaan u ballan qaaday in aan fulin doono codsiyadeeda, mar kastana aan diyaar ula ahay qurxinteeda, iyo wanaajinteeda. Ka dibna waan isa soo macsalaameynnay.  Shaqo hor leh ayaa ii billaabatay, waxaan diyaarsaday dhaqaalahii arooska, gurigii, agabkii, iyo dahabkii aroosada.

Waxaa i garab qabtay saaxiibkayga rumaad ee Sharma’arke, oo ahaa shaqsi aad ii la garab taagnaa hiil iyo hoo intaba. Sharma’arke waa nin aan iska kaashanno talo, tusaale, iyo tabar mid kasta oo ay noqotaba, waxaan aheyn saaxiibbo, daris iyo isku dugsi ah, ilaa iyo yaraanteennii.

Markaan kornayna waxaan isku noqonnay walaalo dhiig iyo dheecaanba isku shuba. Wiilka uu dhalay saaxiibkey ee Daadir iyo gabadheyda Duniyo waxey nasiib u yeesheen in ay hal maalin gudaheed Adduunka ku soo biiraan. Aniga iyo asaga waxaan isku dardaarannay midkeen hadduu dhinto in midka kale uu ka warqabo, waxna ka koriyo kan kale carruurtiisa. Sidoo kale waxaan ku ballanay in Daadir iyo Duniyo la isku guuriyo, marka ay koraan, oo sida nasiibka ay ugu yeesheen in ay dhalashadoodu isku maalin ahayd, si la mid ah la isugu beego aayaha iyo noloshooda, qoysna ay wada dhaqdaan.

Waxaa la gaaray waqtigaan u geed fariisanayey gabartii aan xushay ee maankayga deeqday, midii aan u doortey inay noqoto wehelkayga.Reerka Suleeqo ayaan u tagnay, aniga iyo guurti odayaal ah, oo aan u wakiishay in ay ii gu geed-fariistaan gabadha aan calmaday ee Suleeqo ah. Odayadii waxay reerka Suleeqo u sheegeen in ay ka doonayaan gabadha Suleeqa ah, ayna u doonayaan aniga oo ah Liibaan.  Intii aysan hadalka qaadan garcasta qoyska Suleeqo ka socday, ayey guurtidii dhankeyga ka socotay goobtii kulanka ku baxsheen Gabbaatigi iyo sooryadi dhaqanka ahaa ee sida caadada ah reerka gabadha soo doonta la gogol yimaado.  Alxamdulillaah, si sharaf iyo karaamo leh ayaa Suleeqo na loo siiyay, isla goobtii ayuuna meherkii ka dhacay, Suleeqana ay ku noqotay xaaskeyga, ka dibna aroos, damaashaad, iyo farxad aan lasoo koobi Karin ayaa xigay.

Lasoco qeybta 3-aad.

——————————————————————————————————————————————-

W/Qortay:- Sagal Jaamac Maxamed.

 

SHEEKOOYIN