Dambigii shalay!! Qore: Maxamed Cabdullaahi(Dhaaleey)

Dambigii shalay!! (Qormo)

Dhaalleey

Wuxuu la qiireysnaa Gafka walaalkiis lagula kacay oo sababteeda Godka Aakhiro loogu galbiyay. Inkastoo uusan taag iyo tabar kale oo gafkaas looga gilgisho lahayn, wuxuu ku qancay inuu Laamiga soo dhex istaago oo codkiisa ku muujiyo carada uu qabo. (GAAL GAAL DOONI MEYNO), Ereyada ay isaga iyo ilmo eynigiisa ah ku qaylinayeen ayeey ahaayeen.

 

Aad baan ugu riyaaqay runtii, markaan ogaaday inay Ilmuhu ka caroodeen Wiil iyaga la ciyaarayay oo ay gaaari jiirsiiyeen dabadeedna ka gudbeen iyagoon geesna u eegin Gafuur waynta Gaalada ah ee geygiiina u jooga garab-siinta dowladeena sida ay sheegtaan.

Waxay tani imanaysaa iyadoo dadku gocanayaan dhibaato ka horeysay oo Gafuur wayntu geysatay. Kufsigii Gabdhaha ayaa galab hore ahayd oo walina qalbigeena ka guuxaysa!!

 

Nin geeskeyga taagnaa ayaa yiri “War Ilmahan maxaa helay ooy la banaanbaxayaan?”. Mid kalaa jawaab ku bixiyay “Wiil baa laga dilay oo AMISOMTU dardartay”. Ku seddexaad oo hadalkiisu aniga dhadhan gaara ii yeeshay ayaa yiri “Iyaga lagama diline innagoo dhan baa la inaga dilay”. Annigoo intaaba warkan dhageysanayay ayaan dhawaaqan dambe u madax ruxay oon u muujiyay ninkii yiri inaan ku qancay qaabkuu u fikiray.

 

Caruurta dibad-baxaysa marka laga reebo, boqolaal dad ah ayaa wadada ka daawanaya sidii inaanay arrintaasu iyaga tu u taala ahayn. Annigaa ka mid ah kuwa daawashada ku sintay. Intii aan halkaas taagnaa Su’aalo badan bey niyadeydu i waydiineysay “Maxaadan uga mid ahayn Ilmahan?. Arrintu miyaaney ku quseyn? Dunida kale sow tii Dibadbaxyada dulmiga looga hortagay, maxaa Soomaalida damiirkii tiray? IQKB”.

 

Si hose ayeey su’aalihii iga dhex guuxayay midood usoo baxsatay oo carrabkeyga usoo dhaaftay. Waxaan cod gaaban ku iri “Fiicnaan lahaydaa inuu Dibadbuxu xoogeysto oo daan-daansiga Gaalka lasoo dabar jaro”. Nin saaxiibkey ah oo ila taagan ayaa yiri “Malaha Soomaalidaanan aqoon u lahayn ninyahow? Dan mideysa oo ay u dibad-baxaan ama ka dibad-baxaan ma laha. AMISOM-ta la diidayo kuwo u duuban ayaa ilmahan oo dhan hadda kala didin doona ee adigu dhowr”.

 

Durbaba waa kan Askari daf-daf leh oo qori deegta surtay. Rasaas ayuu dhinacyada u seyray. Ilmihiina labo meel isku sheegta ayaa la waayay. Wuxuu soo qabtay Askarigii waalnaa wiil yar oo kuwii careysnaa ku jira. Qorigii uu sitay ayuu Madaxa uga garaacay isagoo Ul uga dhigaya. Dhiig buuna ka daadshay. Markaasna intuu Laamiga soo dhex jiifiyay ayuu sidii nin dhul ku dul bood-boodaya wiilkii madaxiisa illaa minjihiisa cagta mariyay. Ciil iyo caloolyow badanaa!!

 

Waa tabtii ay AMISOM-ta la diidayo sameyn lahayd hadii ay maanta timaado halkaas ay dadku taaganyihiin. Iyaduse tallaabtaas uma baahna oo kuweey soo taba-baratay ayaa danaheeda u duuban.

 

Wiilka yar waxa ku dhacaya waan ka gilgishay. Damiirkeyguna iima ogolaan inaan sii daawado. Hase ahaatee labo ayaa ila gudboonaatay. Inaan Inankaas u duubto oo Askarigaas la dagaalo, dabadeedna uu Rasaas igu dilo, Dunidan Soomaalinimadii lagu duleysanayana aan sidaa isku deyno. Nasiib daro taas ma haleelin oo naftaa igu dirqisay inay iskasii doogsato ileen iyadu geeri diid bey taqaane.

 

Mar kaleey ila gudboonaatay inaan Dulqaato, deganaanna wax ku doono, oo caanaha daata, dabadood baa la qabtaaye aan haduu Daa’in yiraahdo, Naftana la ii daayo, daanada wiilka gaartay, diiwaangkayga galiyo una duubto xaqiisa illaa uu askariga doqonkaa, damibguu falay maanta, dacartiisa cantuugo. Tan dambaan u haray, mase garanayo doorka ay iman doonto.

 

W/qoray: Mohamed Abdullahi Abukar (Dhaaley)

SHEEKOOYIN