DANAYSI JACAYL! Q1AAD W/Q: Aamina Cabdillah

hqdefault

DANAYSI JACAYL! Q1AAD

 

Sahra way ku cusub tahay waddanka, waxay joogta muddo bila. Cid kama taqaanno magaaladda. Waxay guriga kula nooshahay ayeeyadeed. Sahra iyo ayeeyadeed waxay sugayan khad Maraykana. Cid gacan qabataa kagama soo horrayso benderka. Sahra maaha qof aqoon leh, oo wax baratay, weligeedna buug iyo qalin ma qaadan, duruuftuna uma saamixin, inay wax barato, waayo, miyi bay ku soo barbaartay, magaaloba iminka uga hora.

Safarkii dheeraa, ee Sahra iyo ayeeyadeed, kaga yimaadeen Soomaaliya, waxay habeenno badan, jidka ku soo jiraanba, waxay nabad yimaadeen Nayroobi. Hotel ay Soomaali leedahay, buu geeyay ninkii gaadhiga watay Sahra iyo ayeeyaddeed. Sahra waa inan qurux meel isu taagtay, dheg iyo dhabanba leh, isla markiiba waxa arkay, oo indhihiisa ay soo jiidatay wiil magaaladuba isla taqaanno, oo caan baxay, kana qadhaabsada hablaha magaalada ku cusub, oo inta badan, wuxuu taagan yahay, goobaha hotellada, si uu uga helo hablo qariiba.

Wuu ilaalaystay Sahra qolka ay tegan tahay. Maalin maalmaha ka mida, ayay is barteen Sahra iyo wiilkii. Barasho guud waa lays xaal waraystay. Sahra way uga warrantay duruufta haysata iyo in aanay magaalada cid ka aqoon. Wiilku waa intuu doonaayaye, wuxuu hoosta ka leeyahay, meel aan rabay roob maygu da’ay! Laakiin, Sahra waa daacad, waxba ma oga. Wiilkii wuxuu u ballanqaaday Sahra, in wax kasta, oo magaalada kaga xidhan, uu diyaar u yahay, in uu wax kala qabto, hiil iyo hoona uu la garabtaagnaado.

Wuxuu u sheegay wiilku Sahra, in uu turjumaan yahay, oo safaaradda u raacayo, aanu dhaqaale ka rabin. Sahra ayadoo faraxsan bay ayeeyadeed ku soo noqotay, una sheegtay warkii oo dhan. Islaantii hadalkii way u qushuucday, waxayna ku tidhi inantii; waa laytal qadar, lay noo soo diray ayeeyo, khayr qabto ayaad tahay. Islaantu waa duq i taal daran, taws qabeenna, indhaha si fiican waxba ugama aragto, may ahayn qof la qabsatay fiilooyinka dhaadheer iyo guryaha marmarka ah, waxay sidataa tukube, tukubaha iyo marmarkuna waa isu col. Ayeeyadii way siibtay, lug ayay ka jabtay.

 

Lasoco qaybta 2AAD

W/Q: Aamina Cabdillah

SHEEKOOYIN