DARDAARAN WAALID
Yaraanteedii ayey hooyadeed geeriyootay, balse, booskeedii waxaa u buuxiyey aabbeheed oo koriyey waxbarashana geeyey. Ilaa heer jaamacadeed markii ay gaartay oo ay soo idleysay darajadii koowaad ayey guur kula heshiisay wiil ay is fahmeen, ka dibna aabbeheed wuu ka oggolaaday. Sidaas ayeyna ku billowday nolol cusub oo tii hore ka duwan.
Dhowr sano ka dib waxa ay booqatay aabbeheed iyadoo ay la socoto gabadheeda curadda ah. Aabbeheed oo markaas awoowe noqday aadna u faraxsan ayaa in cabbaar ah la ciyaaray gabadhii yareyd, siduu u ciyaarsiin jiray gabadhiisa oo kale. Markii uu soo ciyaarsiiyey ayuu gabadhiisa (hooyada) weydiiyey: Aabbahaa iyo seygaaga, midkee ayaad aad u jeceshahay? Gabadhii waxa ay ku jawaabtay: Runtii ma garanayo, balse, markii aan adiga ku arko waan illaawaa isaga. Markaan isaga arkana adiga ayaan ku soo xusuustaa.”
Odaygii ayaa isagoo la dardaarmaya gabadhiisa, waxa uu ku yiri: “Haddaba gabadheydiyey ilmahaaga jecleysii aabbohood, hana u muujin oo ha uga sheekeyn xurguf iyo is fahamwaa idin dhexmaray, sidoo kalena yeysan kaa dareemin caro aad isaga u qabto iyo wax aad ka tabaneyso. Jaceylka ay isaga u qaadaan waxaa ka xoogganaan doona jaceylka ay adiga kuu qabaan.”
“Waxaadna ogaataa, talada aan hadda ku siinayo waa habdhaqankii aniga iyo hooyadaa, wanaaggeeda ayaan kaaga sheekeyn jirey si aad u sii jeclaato oo aad ugu duceyso, taasina waxa ay sababtay in jaceylka aad ii qabto uu sii xoogeysto, waliba uu ku gaarsiiyo heer aad dadka kale illowdo oo aad aniga i soo xusuusato.” “Jaceylka iyo wanaagga oo laga sheekeeyo ayaa wanaag iyo jaceyl fara badan lagu kasbadaa.” “Sidaas ayaan kugu ogahay gabadheydiyey.”
W.Q: Ibraahin-Nolosha
Muqdisho, Soomaaliya
Facebook: @Ibraahinnolosha
Twitter: @Ibraahinnolosha