Daryeel La,aantii Aabe iyo Ducadii Hooyo W.T. Cabdifataax Xasan Cirguje (Qarandoon)

Cirguje

Daryeel La,aantii Aabe iyo Ducadii Hooyo

Muno waxay udhalatay Masar waxayna ku noolayd caasimada Maansuur ee Dalkaasi,  waxay kasoo jeedaa qoys danyara oo sabool ah, ninkeeduna waa nin baagamuudo ah inta badana aan guriga imaan, waxay tiri waxaa dhacday habeen gooray ay fiid tahay in lagu soo booday gabar yar oo aan dhalay dhowr bilood jirna ahayd, waxaa aad u karkariyay qandho saa’id ah oo ay laladi wayday anna walwal igu abuuray, waxba uma qaban karayn maxay yeelay daawo iska daayee cunto aan wax ugu soo gado xataa mahayn, habaynkaas gaajaan la hoyanay, odaygii reerkuna waa warmooge meelahaas habeenba meel ku dhaxa, kadib markaan arkay xaalku suu yahay waan istaagay waxaana tukaday laba rakcadood Illaahay baana Subxaanahuu Watacaal ubaryay ilmahayga inuu dhibta ka dulqaado, waayo majirto cid ka mudan oo la baryo, dabadeed inta fariistay baan dhabta ku qabtay oo hadba hooyo aamusta lahaa illaa ay gaartay xilli dambe oo habeen bar ah.

Anagoo xaaladdaas ku jirna ayaan maqlay garaacidda albaabka, waa kuma qofka albaabka garaacaya? Waa dhakhtarkii!.. Waa dhakhtarkii!…. inta xijaabkii soo qaatay ayaan furay albaaka. Asalaamu Calaykum? Wacalaykum Salaam. Aaway Gabadhii? Qolkay ku jirrtaa. Allahu Akbar! Waydiintuse Waxay tahay yaa soo diray Dhakhtarka?

Waxuu galay qolkii gabadhu tiilay baaritaan gaaban kadibna waxuu uqoray daawadii, intaas kadib dhakhtarkii banaanka ayuu usoo baxay waxuuna iwaydiiyay lacagtii uu gabadha yar ku dabiibay, anigu uma yeeran mana garanayo waxa dhacaya. Kadib ilmo ayaa igasoo qubatay waxaana usheegay dhakhtarkii inaanan haynin wax lacag ah oo aan siiyo. Waxuu si carol eh uyiri maxaad ula jeedaa? Maxaase kaa khaldan? Maadan xitaa xishoonayn? Waxaad iiyeertay xilligaan dambe oo umaddu wada jiifto si aan inantaada xaaladdeeda u eego, waxaadna ileedahay ma hayo waxaan bixiyo. Waxaan iri dhakhtar Wallaahay inaanan anigu kusoo wicin. Wicid iska daayee xittaa ma haysto waxaan taleefon ku gato. Cawaddaan xittaa waxba maanaan cunin.

Dhakhtarkii waxaa kasoo haray yaab, waxuuna si dagan uyiri maxaad kawadaa kuma soo wicin miyuusan kani ahayn nambarka gurigaaga? Waxaan iri may kaasi waa albaabka nagu xiga. Dhakhtarkii waxuu bilaabay inuu ooyo waayo waxuu fahmay in Alle usoo diray qoyskaan tabaalaysan. Waxuuna si qiira leh u yiri fadlan gudaha inagu celi, kadibna waxuu yiri bal xaaladdiina iiga sheekee maxaad ahaydeen? Waan uga sheekeeyay xaaladayada Alif  Illaa ya. Dhaktarkii wuu fahmay waxuuna usoo gaday cunto ay habaynkaas quuteen sidoo kalena intuu baxay ayuu jeebkiisa uga soo gaday daawadii ilma yar intaas ugama taginee waxuu siiyay lacag bil soddonkeed ku filan.

Hadaba walaalayaal miyuusan Alle inagu filnayn, miyaynaan mudnayn inaan Khaaliqa adduunkaan iyo waxa ku noolba abuuray inaan barino, intaan gacmaha u hoorsanayno makhluuq daciif ah oo nala mida. Waa dawladdeenii oo waxay oran: Beesha Caalamka waxaan ka codsanaynaa in dhibta nahaysta nalaga samata bixiyo!. Oo waa Shacabkeenii iyana waxay oran: Beesha Caalamka waxaan ka codsanaynaa in gaajada na haysata nalaga soo gaaro ama waxay oran Beesha Caalamka waxaan ka codsanaynaa daadad baa naqaatee in nalagasoo gaaro!.

Dhanka kale imisaa hooyo lamida Muno garanaysaa oo ku dhibaataysan soomaaliya kadib markii inbadan oo kamida ragoodii ku baylihiyeen ubadkii oo maanta caawimaad ubaahan, Taasi waa tan keentay baan isleeyahay in gabdho badan oo Soomaaliyeed ku khasabtay inay qaatka gadaan iyagoon cunin dhibtuu bulshada leeyahayna garanaya. Sidoo kale waa tan ku khasabtay haween badan inay qabtaan shaqooyinka ad adag sida dhisida guryaha iyo jabinta dhagxaanta iwm oo inta badan aad ku arkayso gobolada koonfureed ee dalka, haa way ku adagtahay inagamana mudnay hooyo inay shaqadaas qabato, Laakiin inay dawarsadaan waxay ka doorbideen inay ubadkooda iyo ubadkooda nolol uraadshaan waayaha adduunna iska dhacshaan.

Waxaan qalinka kusoo xirayaa Soomaalay aan dib isugu noqono boogaheenana dhayno iskuna naxariisano markaan isu naxariisanuu Rabbi noo naxariisanee.

W.T. Cabdifataax Xasan Cirguje (Qarandoon)

Cirguje1986@gmail.com

 

SHEEKOOYIN